TAARIIKH NOLOLEEDKA RABBI NAXARIISTII JANNO FARDAWSA HA KA WARAABIYEE SULDAAN CABDIRAXMAAN SHEEKH MUXUMED CILMI BARAALE

 

                                                         

Hargeysa,11 April ,2017 (TNN) :- Alle ha u Naxariistee Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, wuxu ku dhashay Sanadku markuu ahaa 1920 Tuulada la yiraa Odax ee ka tirsan Degmada Dila Gobolka Awdal ,halkaas oo uu yaraantiisii ku Barbaaray.

Xiligii dhalinyaranimadiisiina waxa uu ku qaatay magaalada Hargeysa ,halkaas oo uu la shaqayn jiray Dawladihii reer Galbeedka ee Dagaal wa ynihii labaad ee dunida isku hayay, waxaanu ku hana qaaday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo uu ka bilaabay shaqooyinki isii Bulsho iyo Nabadeed ,waxaana la soo  Shaqeeyay Dawladihii u kala dambeeyay Dalka Itoobiya, sida Boqor Xayle Salaase iyo Taliskii Mingist e Xayla Maryan.

• Suldaanku muu ahayn Siyaasi ee waxa uu ahaa oday dhaqan oo Nabada iyo Horumarka Bulshada ka  Shaqeeya hadba meesha uu joogo (Wadanka uu Joogo).

• Suldaanka 1955kii isaga oo jooga Dalka Itoobiya ,waxa loo doortay inuu noqdo CAAQIL

• Suldaanka 1961kii ayuu Boqor Xayle Salaase ku casuumay Qasrigiisii Madaxtooyada Dalka Itoobiya ,kaa soo ay Xiligaa adkaydba inuu gaad ho (ama arin iyo shaqo umadeed ka soo fuliyo) ruux Soomaali ah, oo weliba oday Dhaqmeed ahi, Isla markaana uu Gudoonsiiyay Darajo ka mid ah Darajooyinkii uu Boqor Xayle Salaase bixin jiray taasoo uu ka Dhigay ama uu ku Magacaabay BARANBARAAS, oo ahayd Darajo uu Boqorka oo keliyi siiyo cida uu u arko inay Mutaysatay ,xaqna u leedahay.

• 1964kii , waxa Suldaanka loo Caleema Saaray SULDAANIMO

• 1969kii, Suldaanka waxa mar Labaab Casuumad u Fudiyay Boqor Xayle Salaase kaa soo ku qaabilay Qasirigiisa Boqortooyada, halkaasna ku Gudoonsiiyay Darajada FITAWARAARI ,oo ahayd Darajo kale oo uu isla Boqorka oo keliyi bixiyo.

• Suldaanku waxa uu soo qabtay Xilal badan oo Dhaqan oo kala sareeya isaga oo ahaa Suldaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya ,gaar ahaanna Suldaanka Reer Sheekh Isxaaq , isla markaana noqday Suldaan ka keliya ee ay Soomaalidu isku raacsanayd Suldaanimadiisa iyo Taladiisaba, taas oo uu ilaa 50kii sano ee ugu danbeeyay ku soo shaqaynayay;

• 1977kii , Suldaanku waxa uu ku soo guryo noqday dalkii la odhan jiray Soomaaliya waxaana aad u soo dhaweeyay dadkii uu Suldaanka u ah aa , halkiina uu taladii ka sii ambaqaaday,waxyaabo badan oo la t aaban karana ka qabtay taladii markaa socotay .Waxaa kale oo uu qayb Lib aax ka qaatay arimihii iyo isku dhacyadii Dawladii Maxamed Siyaad Bare iyo Bulshadii Deganayd Gobaladii Woqooyi.

Waxa kale oo uu Suldaanku hormood ka ahaa Shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee Abaabulay Ama Abuur ay JABHADII AFRAAD ee Gobolada Woqo oyi laga aasaasay, ee aakhirkiina isku rogtay dhaq dhaqaaqii Xoreynta Somalia ee SNM .Wuxuu Xabsiyada kala duwan ee dalkii Somalia ugu Xi dhnaa Taliskii Maxamed Siyaad Bare ,halkaas oo uu ku xidhnaa ilaa xiligii burburkii Dawladii Maxamed Siyaad Bare

• 1991kii Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, markii laga soo daayay Xabsiyadii Soomaaliya ,waxa uu mar kiiba ka qayb qaatay dhaq dh aqaaqii iyo hawl galadii Gobolada Woqooyi ka socday ee ay SNM hormoodka ka ahayd, gaar ahaan dib u Xoreyntii, dib u dhiskii Nabadayntii, di b u heshiisiintii iyo taabo gelintii Dawladnimada Soomaaliland ee ilaa Maanta lagu Naaloonayo ,waxaanu ka mid noqday Golihii Guurtida ee isko od isku diray ee ka shaqayn jiray Danta Umada Reer Somaliland .Golahaas ,oo markii dambe noqday Gole Sharci ah ,oo ka mid ah Golayaasha Q aranka Jamhuuriyada Somaliland.

• 1991kii Suldaanku waxa uu ka mid ahaa Shir Gudoonkii Shir waynihii lagaga Dhawaaqay Dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland ee ka qabs oomay Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer

• Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed ,waxaa uu ka mid ahaa Shirg Gudoonkii Guud ee Shirwayni hii Aayo ka Tashiga Beelaha Gobolada W oqooyi  ee 1993 ka dhacay Magaalada Boorama, halkaas oo lagu soo dhisay Dawladii Labaad ,ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland ee uu Madax da ka ahaa Madaxwe yne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ,halkaas oo Suldaan Cabdiraxmaan na dib loogu doortay inuu ka sii mid ahaado Xubna ha GOLAHA GUURTIDA

• Sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Shir Gudoonkii Shirwaynihii Sadexaad ee Beelaha Somaliland ee 1997kii ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyada Somalilnd ,ee dib loogu soo doortay Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal ,isla mar ahaantaana Suldaanka dib loog u doortay Xubin ka mid ah GOLAHA GUURTIDA Jamhuuriyadaa Somaliland

• Runtii Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed ,waxa uu ka mid ahaa Xubnaha sida Gaarka ah uga Dhex muuqda Guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland iyo wax qabadkeeda ,gaar ahaana GOLAHA GUURTIDA JAMHUURIYADA SOMALILAND, ee ay Bulshada reer Somaliland ku Indho qa bawsadaan ,aragooda kuna Farxaan ,dhawaaqooda kuna Seexdaan waxqabadkooda ,hadalkoodana ay maqlaan, taladoodana ay qaataan ,wa xaanu ahaa Xubin sare oo ka tirsan Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ,halkaas oo uu ilaa maalintii uu ka geeryooday Xubin ka ahaa.

• Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed ,waxaa uu kaalmaha hore kaga jiray Odayaasha faro ku tiriska ah, ee loo tiriyo Nabadeynta iyo Xasiloo nida ay maanta dadka reer Somaliland ku naaloonayaan.

• Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed ,waxaa uu ahaa dadkii ugu horeeyay ee qaatay Go’aankii Xereynta Hubkii Beelaha Somaliland Gacanta ku hayeen Sanadihii Sagaashamaadkii halkaas oo Beesha uu Suldaanka u ahaa gudoonsatay noqotayna Beelihii ugu horeeyey ee Hubkoodii ku wareejiyay gacantii Dawladii Maxamed Ibrahim Cigaal. Taas oo abuurtay aaminka ilaa maanta dhexyaal Dawalada iyo Dadk a reer Soomaalilan d.

• Gabagabadii, Marxuumka oo ilaa maanta ka mid ahaa Golaha Guurtida, waxa lagu xusuusan doonaa oo qof kasta oo Reer Somaliland ah mas kaxdiisa ku jiri doonta, kaalintii Halganka, Nabad-gelyada iyo dhismihii Dawladnimo, uu ku lahaa kaalin wax ku ool ah Iyo go’aan Qaadashadiisii Geesinimada lahayd ,ee Isku kalsoonaantu ku jirtay;

• Waxa kale oo lagu Xusuusan doonaa, Aqoontiisii Dhaqan iyo Diineedba ee ay Garashadu wehelinaysay iyo Dhaqankiisii hogaamineed ee ay cod karnimadu ku dheehnayd iyo Waddaninimo , Xilkasnimo Iyo dabeecad wanaagiisii uu dulqaadku wehelinayay

• Noloshiisii iyo Muuqaalkiisiiba, waxay Golahani iyo Guud ahaanba Qarankaba u ahayd wax weyn, iyo waxtar u ah ALLAAHA U NAXARIISTEE NAXARIISTII JANANA EEBE HA SIIYEE