Suugaan: Guubaabo

 


Hadaanad dalkaaga iyo dantii ummadaada rabin

Maxaa aad ku doodaysaa daweeye ku noqonaysaa

Hadaanad danyar xeerinayn dugaag ka ilaalinayn

Duceeyaha soo dhawayn dantii ummadduu wadaa

Dugsibuu nabad u yahay dayr adag oon aan la marin

Ee duqaydu waa sharaf allow shir iyo caanay wadaan

Walaal sharaftaada dhawr intaan shaadhku kaa xumaan

Dawada qalbigeenna iyo dabuub nuxurow waxtar ah daayim

Rabibaaba jecel dadkuna way ku diirsadaan dawaabay u noqonasaa

Hadalka deelqaafka iyo wixii in uun kicini kara adeeradayow ka,

Adaa dambarkeeda dhami dahabo berritay kuu curran,dugsi adag

Baa ku hoyan ducaan kuu raacinaynaa dhammaan waan ku daba galaynaa,

Adeeradayow dalkiyo dadkuba Awal inay noqdaan ayaa dawgaagu yahay.

Siday diinteennu tidhi daweeye sidaa ku qoran ayuu daayim jecel yahee walaalahayow dugsada.


 

 


Abdirahman Ibrahim Bouh

bouhwajale@hotmail.co.uk