Suldaanka
Guud ee Beesha Subeer Awal oo Maanta Si heer
Qaran loogu Aasay Magaalada Hargeysa

Aaska Suldaanka waxa
ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka socotay
Xukuumada Somal iland oo uu Hogaaminayay
Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf
Yaasiin, Ma daxda Axsaabta Mucaaridka.......
Hargeysa( Longlivesomaliland News)
Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye oo ka mid ahaa
Salaadiinta waawayn ee beelaha Somaliland oo shalay
galab ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ahaana
Sul daanka guud ee
Beelaha Subeer Awal ayaa
Saaka lagu aasay Xabaalaha Boqol Jire ee Caasimada
Hargeysa.
Aaska Suldaanka waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro
badan oo ka socotay Xukuumada Somal iland oo uu
Hogaaminayay Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Mudane
Axmed Yuusuf Yaasiin, Mu danayaal ka socday Golaha
Baarlamaanka Somaliland oo uu Horkacayay Guddoomiyaha
Golaha Wak iilada Somaliland, Salaadiin aad u tiro
badan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee kumiye
Axm ed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Ku xigeenka
Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Culimo u d
iin uu Hogaaminayay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray(
Aaden Siiro) Saraakiisha Ciidamada Qa ranka iyo
Dadwayne aad u tiro badan.
Waxana Masuuliyiintii Aaska ka soo qayb gashay qaar ka
mid ahi ay halkaasi Ilaahay uga baryeen in uu Jannadii
Ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Awlaadii iyo guud
ahaanba Shacbiga Reer Soma liland uu Sammir iyo
Iimaan ka siiyo. Waxaanay halkaasi ka sheegeen
Shaqsiyada Marxuumka oo ay ku sheegeen in uu ahaa Nin
aad u wanaagsan oo Nabad Jecel oo ah Miisaan Ummada ka
baxay. Wa xaanay Eebe ka baryeen in uu halkiisii
Cawwil khayr qaba ku soo bedelo.
Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf (
Cabdi Waraabe) oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka
qayb gashay Aaska Marxuumka ayaa markii la aasay ka dib
Bahda Warbaahinta uga waramay Taariikhda Marx
uumka iyo guud ahaanba inta uu ka Xasuusto Shaqsiyadii
Suldaanka. Hasa ahaatee ugu horayn wa a kan isaga
oo Tacsi u diraya qoyskii Marxuumka “
Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye
Garaad Cabd ale Boon, Ilaahay
Naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Somaliland-na Ilaahay
ha ka cawado, gaar aha an Raaskiisii ilaahay ha ka
cawado. Nabadgelyada ayuu jeclaa intii uu shaqada qabtay.
Waxa uu ka shaqeeyay
Nabadgelyada iyo isku keenida iyo Dadka Is Af garadkiisa.
Waxa ka horee yay Suldaan C/raxmaan
Suldaan Diiriye oo aanu Saaxiib ahayn, Wiil iyo
Walaal ahayn. Waxa ka sii horeeyey
Suldaan Diiriye Garaad oo ay Aabahay Saaxiib
ahaayeen. Aniga iyo Walaalkayga Caaqil nimada iiga
horeeyayna aanu u shaqaynaynay Raas can ah oo Nabadgelyo
jecel oo beeray ayuu a haa. Ilaa Jigjiga ilaa
Itoobiya Dadkiisa Hogaamiya. Naxariistii Janno Ilaahay
ha ka waraabiyo.”
Dhinaca kale, Ismaaciil Xuseen
Xandule oo Marxuumka aad u yaqaanay ayaa isaguna
ka waraamay Taariikhda Marxuumka “ Inaa Lilaahi wa inaa
Ilayhi Raajicuun, Alle ha u naxariistee
Suldaan Maxa med Suldaan
Diiriye waxa uu ku dhashay degmada farawayne oo
ka tirsan Gobolka Hargeisa taari ikhdu markay
ahayd 1935-kii , Alle ha u naxariistee Suldaanku waxa uu
Ciidamadii la odhon jiray So maliland scot ku
biiray Sanadku markuu ahaa 1955-kii, waxa kale oo uu
suldaanku 19 58 waxa uu ku wareegay waaxda Saadaasha
hawada ee Wasaarada Beeraha, Dhawr sanno ka dib waxa uu
Suld aan maxamed ku wareegay Laanta Duulista Hawada ee
Wasaarada Cirka iyo Dhulka, halkaasi oo uu joogay ilaa
Burburkii Dawladii Somaliyeed.
Intii Somaliland Gooni isku taagtay, Alle ha u
naxariistee Suldaan Maxamed
Suldaan Diiriye wuxuu Safka hore kaga jiray Nabad
dhaqameedyada ku hawlan Nabad ku wada noolaashaha Umada
Som aliland, isaga oo 1996 Xilka Suldaanimada kala
wareegay walaalkii saxardiid oo geeriyooday Sana
dkaa.
Alle ha u naxariistee Suldaan
Maxamed waxa uu ahaa nin Cibaado badan ifkana
waxa uu kaga tag ay 19
caruur ah oo isugu jira Wax uu Dhalay iyo wax ay
sii dhaleen.
Ugu danbayntii Waxa isagu Mahadnaq balaadhan usoo
Jeediyay Masuuliyiintii iyo Dadawynihii ka qayb galay
Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye, Axmed Jaanbiir
Suldaan oo ka mid ah Qoyska Saldanada. waxa uu umahad
naqay Dadkii ka qay galay Aaska Marxuum Suldaan Maxamed
Suldaan Diiriye isaga oo Sheegay in aanay illaawayn
Sharafta iyo Wanaaga ay u sameeyeen. waxaanu Illa
hay uga baryay inuu ajar iyo Xasanaad ka siiyo,
Marxuumkana Naxriistii Jano Illaahay ka waraabi yo.
Mustafe Future
Longlivesomaliland
News Reporter
Hargeysa Office
|