Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Cabdirisaaq Oo Si Diiran Loo Soo Dhaweeyay
 

Berbera (Longlivesomaliland News)- Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi  Sul daan Cabdiraxmaan oo shalay ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee  Magaala dda  Berbera, ayaa waxa halkaa Suldaanka ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka kala socday Xukuumadda, Xisbiyada, Maamulka Gobolka Saaxil, Madax-dhaqmeed kala duwan iyo dadweyne kale oo tira badan.


Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Xaashi, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii soo dhawaynta Suldaanka ka qaybgalay. “Waxaan leeyahay dadka reer Saaxil wad ku mahadsan tihiin sida quruxda badan ee aad u soo  dha weyseen, Suldaan Cabdirisaaqna waxaan leeyahay ku soo dhawoow dalkaaga   h ooyo.” Ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta oo Suldaanka gaadhsiiyay  Ha mbalyo uu ka sido Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Ku xige en Axmed Yuusuf Yaasiin.

Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa  warbaahi n ta kula hadlay Qolka nasashada ee Madaarka Diyaaradaha Berbera oo uu  wak hti ku qaatay, halkaas oo Masuuliyiintii iyo dadweynihii kala duwanaa Suldaanka ku salaameen, kuna soo dhaweeyeen. Waxaanu Suldaan Cabdirisaaq u  mahad  c eliyay cid kasta oo ka soo qaybgashay soo dhawayntiisa, hadallo duco ah  ayaan u halkaa ka jeediyay. “Danbigeena Illaahay ha dhaafo, Illaahay nabadgalyada ha innoo sugo, Illaahay khayrka ha inna waafajiyo, Illaahay cadawgeena ha innaga hayo, Illaahay Ictiraaf baynu ka barinaye ha inoo soo dedejiyo, Illaahay khilaafka dhexdeenna ha innaga saaro.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanka Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi.

Waxaanu Suldaan Cabdirisaaq intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan si gaar ah  u gu ducaynayaa in Illaahay Berbera barakeeyo, in Illaahay ka dhigo meeshii  dhaq aale ahaan dalkeeda iyo dadkeedaba anfacda, in Illaahay dariiqa Arsaaqadda u furo, Illaahay ha ka dhigo meeshii Somaliland ay ku nasato ee dhaqaaleheedu ku kobco.”

Suldaan Maxamed Daahir Cilmi oo ku hadlayay Magaca Salaadiinta Somaliland  ay aa si farxad leh u soo dhaweeyay, una qaabilay Suldaan Cabdirisaaq Suldaan  Ca bdillaahi. Sidoo kale Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID, ayaa hadallo soo dhawayn ah halkaas ka jeediyay, isla markaana sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin Suldaan Cabdirisaaq oo muddo badan dalka dibaddiisa ku noolaa maanta dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo iyo Ummaddii uu Suldaanka u ahaa.

Intaa ka dib Suldaanka iyo Weftiga soo dhawaynayay waxay u kicitimeen gudaha Magaaladda Berbera, iyada oo qada-sharaf loogu sameeyay Huteel Xeeb-soor ee Berbera, halkaas oo uu Suldaanka ku soo dhaweeyay Maayarka Magaaladda Berbera Cabdalla Maxamed Cali, taasoo uu Suldaanku duco iyo mahadnaq ka  jee diyay. Markii qadadaas ay Suldaanka iyo Weftigu dhamaysteen waxa uu u soo kicitimay dhinaca Magaaladda Hargeysa oo lagu soo dhaweeyay, waxaanu u  gu dbay Guri uu ku leeyahay Suldaanku Hargeysa.

Isla markaana waxa halkaa warbaahinta kula hadlay Axmed Jaambiir Suldaan oo ah Cayladda Suldaanka, xililna ka soo qabtay Xukuumadda Somaliland iyo Xasan Suldaan Cabdillaahi oo ay Suldaan Cabdirisaaq wallaalo yihiin, kuwaas oo u  maha dceliyay dadweynaha reer Somaliland, Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda, Xisbiyada Siyaasadda, iyo sidoo kale Maamulka iyo dadweynaha reer Berbera oo ay si gaar ah ugu mahadceliyeen, iyaga oo ku amaanay qaabkii ay maanta  Sulda anka u soo dhaweeyeen dadka reer Saaxil iyo casuumadda loogu sameeyay  Mag aaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.


Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan ayaa waxa uu uga mahad-celiyey dhamaan dadweynihii soo dhaweeyey Suldaanka cusub ee Subeer Awal Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan


Source: hadhwanaagnews