Suldaanka
Guud ee Beelaha Gabiley oo ku Baa qay in la
HIrgeliyo Go’aannadii Ergada
Dhexdhexaadinta
“ Waa in la helo sharci fasaxaya
inaan la isku xidhin doorashada iyo natiijada diwaangalinta ee laga
sugayo SERVERKA ”
“ Waxaan leeyahay masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka ha ku
dhimanina, hanna ku ceeboobina wax aydaan awood u lahayn maamulkiisa…
ummaddiinana ha u go’aaminina eed cid kale leedahay ”
Suldaan
Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaanka Guud ee beesha Gobolka
Gabilay, kana tirsan Golaha Guurtida
Suldaanka guud ee beelaha degaanka Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil
Suldaan Cabdiraxmaan, isla markaana ah mudane ka tirsan Golaha
Guurtida, ayaa ugu baaqay Madaxweyne rayaale iyo saddexda xisbi
qaran in ay hirgeliyaan qodobadda go’aankii ergada dhexdhexaadintu
ka soo saareen khilaafkii cakirnaa ee siyaasadeed.
Qoraal talo-bixin ah oo Suldaan Ismaaciil shalay ka soo saaray xalka
murannada siyaasiga ah ee dalka ka aloosan iyo dib-u-dhacyada
doorashada, waxa kale oo uu Komishanka Doorashooyinka uga digay in
ay tunka u ritaan masuuliyadda hawl aanay fulinteeda awood u lahayn.
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah xildhibaannada
Golaha Guurtida ee u codeeyey go’aankii muddada xilka loogu
kordhiyey Madaxweyne Rayaale, isla markaana salka u ahaa khilaafkii
cuslaa ee dalka ka taagnaa bilihii la soo dhaafay, waxa uu
qoraalkiisa ku soo bandhigay talooyin ku wajahan furdaaminta
murannada siyaasadeed, qabsoonidda doorashada, diiwaangelinta iyo
digniino uu u jeediyey Komishanka Doorashooyinka iyo saddexda xisbi
qaran.
Waxa kale oo Suldaanku ku taliyey in aan natiijada diiwaangelinta
codbixiyeyaasha shuruud looga dhigin qabsoomidda doorashada
madaxtooyada, sidaa awgeedna haddii natiijada diiwaangelinta ee
seerfarka laga sugayo ku soo bixi waydo waqtiga loo qoondeeyey la
qabto doorasho aan duwaangelin lahayn.
Qoraalka talo-soo-jeedinta ee Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan
ka soo saaray xal-u-helidda khilaafka siyaasiga oo uu nuqul ka mid
ah Jamhuuriya khadka e-mail-ka shalay ugu soo diray, waxa uu isagoo
dhammaystiran u qornaa sidan:
“Walaalayaal; waxaynu wada ogsoonahay inuu muddooyinka ugu dambeeyay
ina hadheeyey khilaaf siyaasadeed oo ba’an, kaasoo ka dhexeeyay
xisbiyada ku tartamaya awoodda hoggaamineed ee dakeenna curdinka ah
ee aan qaadi karayn hirdanka mowjadaha siyaasadda awood ahaan iyo
bisayl la’aanta dimuqradiyadeed darteed.
Khilaafkaas oo aan weli si dhab ah u muuqan inuu dhammaaday,
inkastoo khayr ALLAH ha siiyee ay dadaaleen rag isxilqaamay oo
salaadiin, culimo, aqoonyahan iyo waxgarad kaleba lahaa ay innaga
damiyeen kaarkii iyo culayskii ina hayey amma ina soo foodsaaray
maalmihii muranku ugu xoogga badnaa, kuna dhexgalay guddi
dhexdhaxaadin ah dhinacyadii isku hayey muranka siyaasiga ah,
Ilaahayna ku guuleeyey in go’aamo ka soo saaraan, kuwaasoo sidaan ka
wada maqalnay warbaahinta ku caddeeyeen inay ku wada qanacsan yihiin
masuuliyinta saddexda xisbi qaran qolo waliba dhinacooda, taasina
waa ta keentay deganaashaha iyo xasilloonida ka muuqata maanta
siyaasadda dalkeena, waana wax Ilaahay loogu mahadnaqo, guddidii
isxilqaantayna loogu duceeyo, laguna hambalyeeyo guusha ay ummadda u
soo hooyeen, dhinacyada qaatayna lagu boorriyo siday uga dhabayn
lahaayeen qaadashadooda.
Haddaba, markaan isxasuusino arrinta khilaafka dhaliysay oo ahayd
muddo-kordhintii Golaha Guurtidu ugu kordhiyeen xilka madaxweynaha
iyo ku-xigeenkiisa oo ay ka dhammaatay muddadii sharicigu u oggolaa
iyo dib-u-dhaca ku yimi muddadii doorashada, taasoo dhinaca
mucaaridku ku eedaynayeen Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin inuu
sabab u ahaa dib-u-dhacaas ku yimi doorashada muddadeedii dhaaftay,
isagoo madaxweynuhuna dhinac kale isaga riixayay, iskana bari
yeelayay.
Haddaba akhriste, adigoo run ka sheegaya waxay tahay su’aashu: yaa
ku eedaysan dib-u-dhacyadaas ku yimi doorashada? Cidda ku eedaysan
dadwaynaha ayaa looga fadhiyaa garqaadkeeda.
Ta labaad waxa iswaydiin mudan ma la hubaa in doorashadu dhacayso
wakhtiga cusub ee loo cayimey ee ku beegan 27ka September 2009, oo
mala fulinayaa go’aankii guddida dhexdhexaadinta ee la wada aqbalay?
Aniga waxay ila tahay in aan la hubin in doorashadu waqtigaas ku
qabsoomayso, waayo waxaad mooddaa inay dhinacyada isku hayaa (xukuumadda
iyo mucaaridka) ka war-wareegayaan xaqiiqda dhabta ah ee jirta. Ku
darsoo Komishanku Doorashooyinka Qarankuna awood iyo maamul aanay
lahayn ayey kolba ku jaan-goynayaan muddada ay kolba cayimayaan,
isla markaana iyadoo ay jirto dhawaaqyo kulul iyo ballanqaadyo
cadcad oo ka soo yeedhaya dhinacyada sida tooska ah u khusayso
arrinta doorashadu oo ku muujinayaan siday diyaarka ugu yihiin in
doorasho galaan, kuna tartamaan iyo waliba siday ugu ooman yihiin in
la qabto doorasho xor iyo xalaal ah (xukuumadda, xisbiyada qaranka
iyo Komishanka Doorashada Qaranka).
Ta kale waxa muuqata markay arrintu sidaas tahay in aanu fulayn
go’aankii guddidu dhexdhexaadinu, taasina waxay ina gayayasiinaysaa
in aynu nahay qof xannuunsanaya oo xannuunkana ay u weheliso xummad
xad-dhaaf ah oo markastana dhakhtarkii daawayn lahaa uu siinayo
kiniin xummad-jabin ah, ehelkiisuna ku qanacsan yihiin uun xummadda
ka jabtay, iyadoo la ogyahay in aan la baadhin, lagana dawayn
xannuunkii xummadda ku keenay. Sidaas oo kale waxa dhigan murankan
siyaasadeed ee innagu soo noqnoqonaya ee kolba maalinta uu bilaabmo
aynu soo baraarugayno, haddana innagu dhaafaya xummad-jabinta la
odhanayo waa inoo maalin heblaayo.
Aniga waxay iila muuqataa maalinta lagu heshiiyaa in ay tahay oo
kaliya in loo ballamay xoojinta muranka oo kaliya, waayo waxa
marag-madoon ah in aan laga wadahadlin, lana baadhin waxa hortaagan
qabsoomidda doorashada la rabo inay dhacdo eedaymo iyo difaac la
isku mariyo warbaahinta mooyee, sababtoo ah waxa heshiis lagu yahay
in dalka ka dhacdo doorasho ku salaysan natiijada ka soo baxda
duwaangalintii codbixiyeyaasha. Waxa kale oo lagu heshiiyey in la
kala shaandheeyo muwaadiniintii isdiiwaangalisay si loo tirtiro
laba-kaadhlayaasha, farsamadaasna waxa loo adeegsaday qalab casri ah
oo aan ku jirin gacanta Komishanka, balse ku jira gacan cid kale oo
ay u soo xilsaarteen ciddii innaga caawisay hirgalintii
diwaangalinta, kuwaasoo aynu iminkana ka sugayno caawimada
doorashada, ciddaas oo aynaan si toos ah u maamulin.
Haddaba, innagoo aan weli ahayn dawlad isku filan dhinac walba oo ku
sifaysan (nin baryootamayaa doorasho malaha), ayna caddahay in aanay
soo bixin natiijadii diwaangalinta, weliba aanay soo muuqan goorta
dhabta ah ee ay soo baxayso maxay innoogu fadhiyaan heshiisyada
riyada ku dhisan ee ay galayaan hoggaamyayaasha siyaasadeed ee
dalkeennu, iyadoo aanay marna ka dhexmuuqan qoraal iyo afba
heshiiyada ay galayaan waxay kaga gudbi lahaayeen natiijadaa aan
weli la hayn ee ah Air Inshaa Allaah, miyaanu arrintoodu u ekan
sheekadii saddexda nin oo martida ahaa ee guriga ay ku qayilayeen la
soo hordhigay meydka, dabadeed nin ka mid ahaa musqusha tagay ee uu
soo arkay meydka qolkoodii horyaal. Cidna uma sheegin ee wuu iska
fadhiistay; labadii nin ee kale ayaa iyaguna midba mar suuliga tagay
midkoodba ma sheegin, waxaannu dhammaantood iska sii wateen
qayilaadoodii, iyagoo ka baqaya ninka sheega ma dhaafto in lagu
qaado. Waxa maanta sidaas oo kale ka dhigan xukuumadda, xisbiyada
qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka oo mid walba ka baqayo hadduu
boogta taabto in lagu eedeeyo dembiga ah ishortaag doorasho iyo
dibindaabyo dimuqraadiyadeed. Haddaba, waxa habboon in aynu uga
tashano sidii saddexdii nin uga wadatashadeen, una xalliyeen meydkii
ee u yidhaahdeen, waxaynu wada ognahay ma ka tashanaa! Haddii kale
yaan ummaddan masaakiinta ah la wareerin.
Ugu dambayn, waxaan u soo jeedin lahaa dhinacyada ay sida tooska ah
u khusayso iyo dhammaanba shacbi-waynaha reer Somaliland in laga
tashado intaanay dhammaan muddadii loo cayimay doorashada, lagana
midho-dhaliyo heshiishkii u danbeeyay, lagana wada hortago
dib-u-dhaca dambe oo ku yimaad doorashada si aynu uga badbaadno
khilaaf oo sababi kara wax aynaan furdaamin karayn, lana helo sharci
fasaxaya inaan la isku xidhin doorashada iyo natiijada diwaangalinta
ee laga sugayo SERVERKA, lana yidhaa haddii la helo natiijada
rasmiga ah ee laga sugayo serverka inta ka horreysa waqtiga loo
calaamadeeyey qabashada doorashada ALXAMDULILAAHI, haddii la waayo
natiijadaasna la yidhaa Rabbull caalamiin, illeyn awalba
doorashooyin hore ayeynu soo galnay ee si aynaan u mahadin odhaahdii
ahayd waxbadso wax beel bay dhashaa.
Waxa kale oo aan odhan lahaa masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka
Qaranka ha ku dhimanina, hana ku ceeboobina wax aydaan awood u
lahayn maamulkiisa, waxbana ka ogayn xilli wax ka soo baxayaan,
ummaddiinana ha u go’aaminina eed cid kale leedahay oo ha ku waayina
kalsoonida ummaddiina iyo karaamadiina, waxana loo baahan yahay
inaad dalkiina iyo dadkiinaba ugu talisaan wiixi awooddiina ah oo
caddaysaan wixii jira ee lama huraan ah, taladiinuna noqotaa
waxaadan hurayn horaa loo yeelaa, waxaanan Ilaahay ka baryayaa in uu
sida inoo khayr badan ina waafajiyo.”
Jamhuuriya
Online
|