Suldaan Maxamed
Suldaan C/Qaadir Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Jabuuti
Hargeysa December 22nd (TNN)- Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir,
oo ah Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, ayaa maanta xaalad
caafimaad darteed loogu qaaday cisbitaal ku yaala wadanka Jabuuti,ka
dib markii uu xanuunsanay muddo laba ilaa sadex bilood ku dhow. waxa
ga can weyn ka geystay qorshaha lagu qaaday Suldaanka Xukuumadda
Somaliland, sida uu caawa shabakada wararka ee Somaliland.org u
sheegay mid ka mid ah ehelada Suldaanka.
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo sida la sheegay muddo bilo ah
xanuunsanayay waxa ti gidhkii diyaaradda ka bixisay xukuumada
Somaliland, waxaanu noqonayaa qofkii sadexaad ee m asuul ah ee
lagu soo daweeyo dalka Jabuuti tan iyo markii uu is bedelay
cilaaqaadka labada d ale e Somaliland iyo Jabuuti ee weftigii
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxam uud (Siilaanyo)
ay dhawaan socdaalka ku tageen dalka Jabuuti.
Mid ka mid ah ehelada Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa ammaan u
soo jeedisay xukuu madaha Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashaday
sidii Suldaanka loogu soo dawayn lahaa cisbi taalada wadanka dariska
ah ee Jabuut. Suldaan Maxamed waxa la sheegay inuu hayo xanuunka
Nimuuniya, oo uu jiifay muddo.
Waxa hore loogu soo daweeyay dalka Jabuuti Xoghayaha Maaliyada ee
xisbul xaakimka KULMI YE Md. Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Wasiirka
Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Dalka Jabuuti oo tobankii sanadood ee la soo dhaafay laga hirgaliyay
Cisbitaalo casri ah oo lagu qalabeeyay shaybaadho casri ah isla
markaana ay ka hawl galaan dhakhaatiir khibrad leh oo iskugu jira
Ajaanib iyo kuwo u dhashay dalka Jabuuti.
Source: Somaliland.Org
|