Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Waxa uu mudan yahay in ay ku
daydaan Salaadiinta Somaliland

Suldaan Ismaaciil
Suldaan Cabdiraxman
Marka hore : السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Salaataa islaamka kadib:
Walaalayaal haddaynu nahay bahwaynta soomaaliland ee ilaahay ku
mannaystay nabadda, daganaans ha iyo dawladnimada, waxa aynu aad iyo
laxaad manta ugu baahanay dad ina ururiya oo isku keen ha ya,
oo keena qalloocan toosiya, keena dulmana garab iyo gaashaan u noqda.
Sidaa daraadeed Suldaan Ismaaciil Suldaan
c/raxman waxa uu innoo noqday tusaale
fiican oo mudan in ay salaadiinta somaaliland ku daydaan tallaabada
fiican ee uu qaaday.
Maxaayeelay, Suldaanka maanta loo baahan yahay waa ka dadkiisa ka
warhaya ee caadifadda iyo qab yaalada aad uga fog. Waaka marka
uu arko tolkii oo qaadaaya wado xun ka hor istaaga. Waaka sabirk a,
u kaadinta, iyo walaaltinimaynta dadka wada dagan ku sifooba.
Sidaa daraadeed waxaan leeyahay ilaahay ha noo daayo
Suldaan Ismaaciil iyo ku la mid ka ah
ee umad da wanaaga u hor seedaaya.
Waxa aynu la wada soconaa oo aan ka wada dharagsanahay xumaanta,
colaada iyo nacaybshaha ay keeni karto marka Salaadiini
woxoogaa tabasho ah ka keenaan Dawladooda, in markiiba Suldaan Beel
dhan afkeeda ku hadlayaa, uu jawaab iyo canbaayrayn kula koco
dadkaa wax tabanaaya .
Guntii iyo gabagadii walaalayaal maanta soomaaliland waxa ay aad iyo
aad ugu baahantahay raga u fik iraaya sida
Suldaan Ismaaciil oo kale,.
Madaxdeena sharafta iyo qadarinta innaga mudana waxaan leenahay
taageera oo la shaqeeya Salaad iinta wanaaga iyo midnimada
umadda ku hawlan. Kana fogaada oo iska fogeeya kuwa umadda iyo
idin ka iska kiin hor keenaaya.
Ilaahay madaxda iyo hogaanka ha inoo toosiyo, hana inooga dhigo kuwo
cadaalad iyo sinnaan umada ku maamula ,oo aad iyo laxaad uga fog
kala xigtaysi iyo kala dhawaysi in ay umada ku maamulaan.
Allaa mahad le
|