Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo hambalyo iyo mahad naq u diray odayaasha,wax garadka iyo cuqaasha beesha sanaag barri

 



Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan waxa uu si gaar ah ugu mahad naqayaa xubnaha ay ka mid ka yihiin Sul Siciid Suldaan C/salaam


Hargaysa(TNN):-Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland wax a uu mahbalyo iyo mahad naq aad u blaadhan oo aan la soo koobi Karin u dirayaa Cuqaasha,Salaad iinta,odayaasha,iyo wax garadka beesha Sanaag Barri (warsan geli) iyo cid kasta oo ka qayb  qaad atay siidaynta dadkii maxaabiista ahaa ee ay budhcadu muudada af-duubka ugu haysteen  deega anka Shalcaw.


Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan waxa uu si gaar ah ugu mahad naqayaa xubnaha ay ka mid  k a yihiin Sul.Siciid Sul.C/salaam,Ugaas ibraahim shibiin,Wasiirka gaashaan dhiga somalilanad md  Axm ed X. Cali Cadami,wasiirkii hore ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha maxamed siciid  muxum ed,Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac,maayarka degmada Laas Qoray Maxamed Timir,Garyaqaan Maxamuud Xirsi,cuqaasha,nabad-doonada,odayaasha,wax garadka, iyo dhamaanba masuuliyiintii kale ee ka hawl galay soo daynta dadkaasi maxaabiista ahaa ee ay budhcadu qafaasheen .


Suldaan Ismaaciil ayaa masuuliyiintan iyo wax garadkan uga mahad celiyay kuna amaanay kaalintii fir-fircoonayd ee ay ka qaateen iyo dedaalkoodii aan kala joogsiga lahayn ee ay kulahaayeen in la sii daayo dadkaasi shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.suldaan ismaaciil suldaan c/raxmaan  ay aa dhamaanba xubnahaasi uga mahad naqay hawshaasi wanaagsan e ay qabteen.

 




Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland