Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar
iyo Boqor Muxumed Geele Se ed oo Si Wadajir ah u Cambaareeyay Falka
Saaka Ka Dhacay Deegaanka Seemaal ee U Dhexeeya Ceel-bardaale iyo
Buqdhada
Gabiley, 5 Dec 2011(TNN)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Boqor Muxumed Geele
Seed ayaa si wadajir ah u cambaareeyay falka dilka ah ee habeenkii
xalay ahaa ka dhacay Deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Ceel-Bardaale
iyo Buqdhada waxaanay si adag ugu dhaliileen falkaasi halkaa ka
dha cay Xukuumada oo ka gaabisay in ay ka qaado talaabo ay ku kala
bogsadaan dadka halkaa isku ha yaa.
Boqorka iyo Suldaanku waxay sidaa ku sheegeen Shir jaraa,id ay goor
dhaweyd ku qabteen Huteel ka New-Gabiley ee Magaalada Gabiley,
waxaana halkaa si adag ugu dhaliilay Xukuumada Somaliland gaar ahaan
Xukuumada Axmed Siilaanyo Boqor Muxumed Geele Seed oo ka mid ah
Madaxdhaqamee dka Gabiley, waxaanu farta ku fiiqey in Xukuumada Axmed
Siilaanyo ay xooga saartey oo kaliya Kalshaale haseyeeshee, ay in
badan dhayalsatey Arimaha ka taagan Ceelbardaale waxaanu sabab uga
dhigay in deegaankan cid kastaaba kusoo gaban karto islamrkaana lagu
fogaynayo dhawaan nabadii ka dhacady.
"Waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan ugu dhaliileynaa Xukuumada Axmed
Siilaanyo talaabadii looga baahnaa in ay ka qaadaan Deegaankan waayo
mabay dhacdeen in dillaka noocan oo kala ahi kasoo noqnoqdaan maanta
cid kastaa kusoo dhex dhuumanaysa si la isugu dilo dadka deegaankaas
oo colaad hor lihi ka bilaabmaan sidaa klashaale xooga u saartey
umaad saarin Ceel-bardaale ayaan ku leeyahay talaabadii la idiinka
baahna aqabta oo Maamul adag ka howlgaliya"Sidaa waxa yidhi Boqor
Muxumed Geele Seed oo kamid ah madax-dhaqameedka Gabiley.
Sidoo kalena Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa isaguna Xukuumada
ugu baaqey in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howl gasho talaabadn
falka dilka foosha xun ahi ka dhacay islamarkaana loog a baahan yahay
in ay xaqiijiso cidii ka danbaysay falkaasi, waxaanu uga baaqey
umada halkaa dega n in ay si qoto dheer u hubiyaan cidii falkaa
gaysatay oo aanay ku degdegin , waxa kale oo Suldaank u ku baaqey in
la adkeeyo Nabed gelyada, maadama ay suurtagl tahay in dad iyaga isku
dilayaa arin tan ka danbeeyeen.
Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Timacade News Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com
|