SooyaalkaTaariikheed ee Dhacdooyinkii Dastuurka Somaliland iyo
Haldoorka maanta ee ka talo bixinta Ururada Siyaasadeed
Hal-xidhaalaha Maanta : (Yaa Labeeyey 60 kii
oo liibaaney).
Tixraac warqadda tirsigeedu yahay JSL/M/MG//083-399/032011 kuna
taariikhaysan 14/03/2011 kana soo baxday xafiiska Madaxweynaha JSL.
Warqaddaas oo markii aanu dhuuxnay nuxurkeeda ugu wayni ku aadanaa
Cilmi baadhis iyo ka talo bixinta baahida sharci ee ku gadaaman
mawduucan, duruufihii siyaasade ed, dhaqaale iyo nabadgelyo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa Sooyaal Taariikheedkii
dhacdooyinkii Dastuurka JSL iyo Halxidha alaha Maanta
Haddii aan ku horreeyo hal-xidhaalaha maanta- yaa liibaanay 60kii oo
labeeyey, maanta waxa laga joogaa nus-qarni iyo dheeraad 26 June
1960-gii markii aynu xornimada ka qaadanay Boqortooyadii Ingiriiska,
wax aynu calankeena ku tuurnay 1 July 1960-gii god madow oo dusha ka
dahaadhan (bilaa shuruud) taasoo ina dhaxal siisay burburkii,
hooggii iyo jabkii waxaana dabada ka riixayay caadifadeenii
rabitaankii 5-tii So maliya. Haddaba ifafaalihii maalintaas ayaad
moodaa in mar labaad soo butaacayso, oo ay dabada ka riixa yaan
gacan dibadeed oo xooggan oo leh Plan 1,Plan 2, Pland 3 ilaa Plan 5.
Haddaba qorshihii 1aad wuu fu lay maantana waxay maraysaa Plan 2 oo
ah in la helo Xisbiyo fududeeya geeddi socodka qarsoon oonu ugu
magac darnay YAA LABEEYEY OO LIIBAANAY. Hal-xidhahaasi waa mid u
furan ummadda Somaliland.
Haddaynu Haddaba si toos ah isu dul taagnay hal-doorka mawduucan
taagan, nidaamkeena siyaasadeed iyo duruufaha ku gadaaman. Waxaaana
mudan in talooyinka uu Madaxweynuhu ka sugaayo Guddiga aynu gundhig
uga dhigno dhacdooyinkii is dabajoogay ee ina soo maray, si
xaqiiqada dhabta shacabku u fahmo dhacdooyinkii uu soo maray
Dastoorka JSL .
Markii laga yimi Shirweynihii qaran 1993 waxa la soo unkay 2 gole
Baarlamaan oo ku dhaqmayay axdi qarameedkii la jideeyey, xilkooduna
wuxu ahaa muddadaa ay joogaan inay diyaariyaan Dastuur Qaran iyo
Nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Somaliland.
Shirweynihii 3aad ee beelaha Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa Oct
1996 – Feb 1997 waxa la saaray guddi qaabilsanayd isku dubba-ridida
laba nuqul Dastuur.
Guddida Isku dubba-ridida oo ka koobnayd 15 xubnood oo aanu ka xusi
doono Madaxda hagaysay waxay ahaayeen sidan:
1. Sh. C/laahi Sh. Cali Jowhar Guddoomiye
2. Maxamed Axmed Cabdulle ( Sakhraan) Gudd. Ku-xigeen
3. Xil. C/qaadir Ismaaciil Jirde Xoghaye
4. iyo 12 Xubnood oo kale
Waxa kale oo jirey guddidii ugu sarreysay hogaaminta shirka oo ka
koobnaa 13xubnood oo aanu iyagana ka xusayno Madaxdii hagaysay oo
ahaa sidan:-
1. Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar Guddoomiye
2. Sh. Axmed Nuux Fure Gudd. Ku-xigeen
3. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Xoghaye
4. iyo Toban (10) Xubnood oo kale
Haddaba Guddigaas isku dubaridida Dastuurku waxay adeegsanayeen
nuquladii Dastruurka ay sameeyeen Golaha Wakiilada ee lagu soo
doortay Axdi qarameedkii 1993, iyo mid uu soo diyaariyey khabiir
Sudaani ah oo uu u xilsaaray Madaxweyne Cigaal, Waxayna soo
bandhigeen Dastuur ku meel gaadh ah oo ka koobnaa 156 qodob sanadkii
1997-kii kaasi oo loogu codeeyey shir weynihii 3aad ee Beelaha
Somaliland laguna ansixiyey
Qodobka 11aad ee Dastuurkaasi wuxuu u dhignaa sida tan:-
Qodobka 11aad.
Nidaamka Siyaasadeed
1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuriyada Somaliland waxa saldhig u ah
nabad, talo wadaag, Dimuqraadiyad iyo nidaamka Xisbiyada badan
2. Tirada Xisbiyadda siyaasadda ee jamhuuriyada Somaliland kama
badnaan karaan saddex Xisbi Qaran.
3. iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo Xisbi
siyaasi ah, waxa reeban in xisbi lagu dhiso gobolaysi iyo qabyaalad
June 1999 Madaxweyne Cigaal wuxuu soo jeediyey in kaabis lagu
sameeyo Dastuurkii Ku meel gaadhka ahaa, wuxuuna soo bandhigay nuqul
Dastuur oo ka kooban 99 qodob, oo xubinta 2aad, qodobka 11aad ay u
dhignayd sida tan:-
Qodobka 11aad
Nidaamka Siyaasadeed
1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u
ah, Nabad, Talowadaag, Dimuqraadiyada iyo Nidaamka Xisbiyada Badan.
2. Xisbiyada siyaasiga ah iyo hab dhismeedkooda waxa Qeexi doona
xeer.
Waxaana ku lifaaqnaa xeer nidaamiyaha (Nidaamka iyo shuruucda
Axsaabta ee Somaliland) waxaana ku qeexnayd qodobada 12aad iyo 13aad
in Xisbiyada qaranka ay yihiin 2 Xisbi, isla markaasna qodobka 19aad
wuxuu jidaynayayey in guddiga diiwaangelinta ay mudadoodu tahay 5
sano.
Golayaashii wakiilada iyo guurtidii ayaa ka biyo diiday kaabistii
Dastuurka ee uu soo jeediyey Madaxweyne Cigaal oo meel iska dhigay
waxayna magacaabeen laba guddi oo ka kooban Golaha Guurtida iyo
Golaha Wakiilada oo kala ahaa:-
ü Golaha Wakiilada 13 xubnood – Gudoomiye Xasan Axmed Ducaale
ü Golaha Guurtida 11 xubnood – Gudoomiye Saciid Jaamac Cali
24 Xubnood
Guddidaas ka kooban labada gole waxay keeneen nuqul kaabis Dastuur
oo ka kooban 111 qodob.
Sida sharcigu qorayo waa in 2da gole mid waliba gaarkiisa ugu
codeeyo qodob-qodob 2/3. dabadeedna golaha Wakiiladu waxay ugu
codeeyeen Qodobkii 11aad oo noqday qodobka 9aad ee Dastuurkeenna
kaas oo lagu xadiday tirada Xisbiyada inay noqdaaan 3 Xisbi,
halkaana lagu daadifeeyey qaabkii Madaxweyne Cigaal u soo dhigay ee
furnaa. Codaynta uu ku meel mariyay G/Wakiiladu qodobkana waxay u
dhacday sidan:- 56 Ogol, 5 Diidan iyo 3 Aamus ah.
G/Guurtiduna waxay dhinacooda isla qodobkaa 9aad ku meel mariyeen 62
Ogol, 4 Diiddan, 0 Aamus
Dastuurka loo codeynaayey waxaa jabay 19 qodob oo Dastuurka ah kaas
oo uu ku noqday sidiisii hore (Dastuurkii ku meel gaadhka 97).
Qodobadaas oo u baahnaa in la xalliyo iyo Qodobka 9aad ee nidaamka
siyaasadeed waxa xannibay in la saxo duruufaha ku gaadaaman ee
nabadgelyada awgeed iyo ictiraaf la’aanta Qaranka oo laga baqay
haddii la gudo galo arrimahaa Dastuuriga ah ee Jabay in ay abuurmaan
khilaaf dhexdeena ah iyo awood dhaqaale oo aan loo hayn taasoo
haddii la kaabo u baahanaysay Afti Qaran oo dambe, welina taagan.
waana kuwan qodobada oo dhammaystirani marka laga yimaado Qod. 9aad
ee kor ku xusan iyagoo tilmaaman Qodobka ay hore ugu jireen iyo
Qodobka ay hadda Dastuurka kaga jiraan (Ogow Qodobka waaya 55 cod
ugu yaraan wuu jabay, labada Gole Barlamaan mid walibana Goonnidiisa
ayuu ugu codaynayaa 2/3 tirada guud ee Gole walba)
1. Dhaqaalaha Dalka: Qodobka 11aad ee Dastuurka G/Wakiilada: 50 Ogol,
11 Diidan, 2 Aamus.
2. Tirada Golaha & Doorashadiisa: Qodobka 39aad oo hadda ah qodobka
40aad.
* Guurti oggol 17,diidan 27, aamus 24
* Wakiilo oggol 34, diidan 25, Aamus 0
1. Muddada Xilka iyo Xilliga Doorashada: Qodobka 40aad oo maanta ah
qodobka 42aad Guurti: ogol 17, diidmo 27, aamus 24.
2. Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada: Qodobka 51aad oo maanta
ah qodobka 53aad G/Wakiilada: ogol 10,diidan 49, aamus 0
3. Kala diridda golaha wakiilada: Qodobka 54aad oo imika noqday 56:
oggol 10, diidmo 49, Aamus 2 (Waxa Jebiyey G/Wakiilada).
4. Doorashada xubnaha guurtida iyo mudada xilkooda: Qodobka 56aad
imika ah 58 wakiil oggol 26, diidan 36 aamus 4.
5. Tirada golaha guurtida: Qodobka 57aad oo maanta ah qodobka 60aad
* G/Wakiilada: oggol 22, diidan 29, Amus 12
* G/Guurtida: oggol 19, diidan 38, aamus 9
1. Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Guurtida: Qodobka 58aad oo maanta
noqday qodobka 61aad ee Dastuurka
* Golaha Wakiilada; ogol 46, diidmo 10, aamus 7
1. Arrimaha Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtidu iskaga mid yihiin:
Qodobka 60aad imika noqday qodobka 73aad Golaha Guurtida: oggol 16,
diidmo 46, aamus 5
10. Soo ban-dhigidda mashruuc sharci: Qodobka 61aad imika noqday
qodobka 74aad Golaha Guurtida oggol 16, diidmo 46, Amus 5.
11. Shuruucda lagu dooranayo Madaxweyne iyo ku-xigeenka: Qodobka
67aad imika noqday qodobka 82aad Golaha Guurtida: oggol 15, diidan
49, aamus 2
12. Habka loo raaco xeer-dejinta: qodobka 68aad oo imika ah qodobka
83aad Golaha Guurtida: oggol 5, diidan 61, aamus 1.
13. Dhaarta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka: Qodobka 69aad oo iminka
noqday qodobka 84aad Golaha Wakiilada: ogol 25, diidan 28, Aamus 8
14. Awoodda Madaxweyne ku-xigeenka: Qodobka 76aad qodobkaas meeshaba
waa laga saaray (Duplicated) lagu laba goor celiyey (Hadda waa Qod.
91aad ee Dastuurka)
15. Hab maamuuska Madaxda sare ee qaranka: Qodobka 77aad imika
noqday qodobka 93aad Golaha Wakiilada: oggol 46, diidan 14, aamus 1
16. Guddiga caddaalada: Qodobka 92aad iminka noqday qodobka 107
Golaha Wakiilada: oggol 36, diidan 14, Aamus 1. Guurtida: Ogol 54,
Diidan 5, Aamus 0.
17. Hawsha Guddiga Caddaalada: Qodobka 93aad iminka noqday Qodobka
108aad Golaha Wakiilada: oggol 50, diiddan 5, aamus 4.
18. Hay’adaha Dawladda ee Gaarka ah: Qodobka 98aad iminka noqday
qodobka 113. sidii hore ayaa lagu celiyey – Waxa laga saaray Guddiga
Fadwada oo laga dhigay Qodob gooniya.
19. Guddiga fadwada qaranka: Qodobka 100aad iminka noqday qodobka
115aad guddiga culimada, Golaha wakiilada: oggol 45, diidan, 13,
aamus 2
Mar haddii 19 qodob jabeen, waxay ku noqonayaan sidii Dastuurkii ku
meel gaadhka ahaa ee 97-kii lagu ansixiyey taasoo ka dhigaysay
qodobada Dastuurkeena 111+ 19 = 130 Qodob oo ah sida ay ugu
codeeyeen aftida Dastuurka shacabka reer Somaliland 97%.
Nuqulka Dastuurka dambe qodobkii 11aad wuxuu noqday qodobka 9aad oo
u qoran sidan:-
Qodobka 9aad.
Nidaamka Siyaasadeed
1. Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyadda Somaliland waxaa saldhig u
ah nabad, talo wadaag, dimuqraadiyad iyo Nidaamka Xisbiyada badan.
2. Tirada Xisbiyada siyasiga ah ee dalka JSL kama badnaan karaan 3
(saddex ) Xisbi
3. iyadoo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo Xisbi
siyaasi ah waxa reeban in Xisbi lagu dhiso gobolaysi iyo qabyaalad.
Waxayna soo raaciyeen xeerka Nidaamka Axsaabta sidaas ayaana loogu
codeeyey.
Haddaba, doodda haatan ee ku saabsan furitaanka ururadu waxay ahayd
mid si ballaadhan loo falanqeeyey 2007, waxaana si cilmiyeysan u
lafo guray urur garyaqaano ah (Institute of Legal Research and
Development for Somaliland (ILRAD)) waxayna ka soo saareen go’aano
si cad u muujinaya khasaaraha ay keeni karto furitaanka Ururo
Siyaasadeed marxaladdan waxaana ka mid ah:-
1. Waxaa samaysmaya oo la diiwaangelinayaa ururo ku salaysan qabiil
iyo gobolaysi arrinkaas oo ka hor imaanaya qodobka 9aad ee
Dastuurka.
2. Mar haddii aanay suurtagal ahayn in madaxweyne Xisbigiisu waayey
shahaadadii aqoonsiga Xisbiyada oo tartankii (5) shan sanad-laha
laga badiyey aanu mar labaad doorasho isu taagi karin sidaasna uu
xaq xuquuqdiisa dastuuriga ah ku seegay, taasoo ka hor imanaysa
qodobka 88aad xubintiisa 2aad.
3. Habka dhaqan dhaqaale ee bulshada oo ka gudbi waaya kuna
tiirsanaada habdhaqankii qabiilka iyo qabiilaysiga ee taariikhiga
ahaa oo baranweyda siyaasadda iyo dawladnimada, kaasoo ka hor
imanaya qodobka 90aad ee Dastuurka .
4. Dawladnimada oo fadhiid noqota iyo nabadgelyada oo faraha ka
baxda, taasoo ka hor imanaysa qodobka 90aad ee dastuurka.
5. Xisbiyada oo dhicisooba ama ku meel gaadh uun ahaada, oo
ururnimadu ka qiimo roonaato taasoo ka hor imanaysa qodobka 9aad ee
Dastuurka.
6. Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay oo inta badani ku
xadgudubto oo dawladnimada loo sinnaan waayo, taasoo ka hor imanaysa
qodobka 8aad ee Dastuurka.
Khasaaraha kale ee ka iman kara furista Ururada waxa ka mid ah:
1. Xisbiyo Xag-jir ah oo waddanka ka abuurma (Sida la wada Ogyahayna
mandaqada iyo Geeskaba si baaxad leh ayay u deggen yihiin oo miisaan
iyo dhaqaaleba ku haystaan).
2. Hadday yimaadan 100 urur oo isdheer 10 cod, 5 cod ilaa hal cod
yaa u xaq sooraya?
3. Haddii la fasaxo in 5tii sano mar la furo ururada waxa meesha ka
baxaya Xisbiyada mucaaridka oo maadaama ay ogyihiin in Berri lagu
furayo ururo cusub waxay ku milmayaan Xukuumadda, waxaana dhacaysa
in la waayo mucaarad adag oo toosiya dhaliilaha xukuumadda sidaasna
dalku wuxuu ku noqonayaa (One Single Party system).
4. Haddii la fasaxo furista ururada oo la qabto doorashada ugu
horraysa ee D/Hoose oo ay soo baxaan saddex xisbi oo cusub oo aan
ahayn kuwii hore u jiray sida (Oogo, Hawd, Guban). Golayaasha kale
ee Baarlamaankana ay fadhiyaan saddexda Xisbi ee hadda jira (UCID,
UDUB, Kulmiye) markaas dalku ma wuxuu yeelanayaa 6 Xisbi taas oo ka
hor imanaysa Qodobka 9aad ee Dastuurka?
5. Haddiiba la furo ururo siyaasadeed oo ku tartama G/Degaanka waxa
waajib Dastuuri ah noqonaysa in muddo lix bilood ah lagu qabto
Doorashada Madaxtooyada iyo ta Wakiiladaba oo wakhtigoodii ka soo
hor-maraan (Early Presidential & Parliamentary Elections) si loo
waafajiyo Qodobka 9aad ee Dastuurka.
6. Haddii iyadoo ay jiraan dhammaan sababaha kor ku xusan oo aan ku
soo sheegnay khatarta arrintani la iman karto oo aynu iska
indhatirno waxay ka dhigan tahay inagoo Dastuurkii laabnay, halkaas
wixii ka sii danbeeyaana waa S/Land ma jirto iyo Dawladnimadii aynu
dhiiga, tacabka, talada iyo adkaysiga badan u soo hurnay oo si fudud
u burburta.
7. Wakhtigan oo Dalku ku jiro Abaar adag iyo sicir barar oo dhammaan
wada saaamaysay dad iyo duunyaba iyo dhaqaale xumada baahsan ee
jirta, isla markaana ay jirto colaad ay wadaan dad Somaliland-diid
ah iyo tan guud ee mandaqadda ka jirta oo saameyn toos ah inagu leh,
dalkuna dhawaan ka soo baxay doorasho xanafteedii iyo xurgufteedii
wali laga doogin, goboladeenii dalkana aynaan gacanta ku wada hayn,
furista ururo cusub waxay meesha ka saaraysa ama dhaawac weyn oon
laga soo kaban karin u geysanayasaa nabadgelyada, midnimada, iyo
dawladnimada Somaliland.
Gaar u Falanqaynta Xeer Lr. 14.
1. Asbaabaha wiiqay xeer 14 waxa ugu waynaa wakhtigaas, waxaa
wadanka ku yaraa ama ka maqnaa garyaqaano ka talo bixiya
sharciyadda. Waxa xusid mudan markii taas la ogaaday waxa golaha
wakiiladu wakhtigaas aasaasay (Faculty of Law) ee Jaamacada Hargeysa
2001 waxaana lagu bilaabay 19 xildhibaan oo ka socday golaha
wakiilada.
2. waxa xusid mudan xeer 20/2001 sidii loogu kaabay wixii ka dhinaa
xeer # 14 sida ururadii ku guuldaraystay inay soo baxaan ay ku
biiraan saddexda Xisbi Qaran. Haddii loogu talo galay in mar dambe
Xisbiyo loo tartamo Ururadii SAHAN, HORMOOD iyo ASAD xubnahoodii
laguma biiriyeen Xisbiyada Qaran ee waxay ku jiri lahaayeen Golaha
degaanka iyagoo magaca ururadoodii ku fadhiya.
3. Guddigii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta
Xisbiyada Qaranka waxa Muddadoodu ku eekayd lix bilood ka dib
Ansixinta 3da Xisbi Qaran (micnaheeduna yahay inaan dib loogu
baahnayn maadaama ay Bixiyeen Shahaadooyinkii Xisbiyada Qaran ee
rasmiga ah).
4. Xisbiyo qaatay Shahaadada Rasmiga ah ee Xisbi Qaran waxa ay
Xisbinimada ku lumin karaan oo kaliya in wax ka beddel iyo furis
lagu sameeyo Dastuurka.
5. Xeerka lagu murmayo ee xeer. No/14 wuxuu G/Wakiilada Somaliland
soo galay June 99, goluhuna wuxuu ansixiyey July 2000, digreetada
Madaxweynaha wuxuu ku soo baxay 06/08/2000 xeer Madaxweyne No.
26/2000. Haddaba waxa is weydiin mudan goormay dhacday Aftida
Dastuurka ee laga rabay in shacbigu u codeeyo? Jawaab: Aftidii
shacabka ee Dastuurku waxay dhacday 31May, 2001. Waxaana lagu dhaqan
geliyey Decreeto-dan hoos ku qoran. Adduunkana kama dhacdo xeer ka
horreeya ansixintii shacabka ee Aftida loogu doonayey inuu xeer ka
hor dhaco iyadoon la ogayn HAA & MAYA dhinaca aftidu u dhici doonto.
Waana ta keentay khilaafka Ba’an ee xeerka maanta taagan ee ka hor
dhacay waqtiga shacbigu u codeeyey iyo waqtiga Maxkamadda Sare
ansixisay aftidii shacabka iyo Decreetadii madaxweynuhu ku faafiyay.
DECREETO MADAXWEYNE NO: 129/72001
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu arkay: Qodobka 130aad ee Dastruurka JSL oo qeexaya in ku
Dhaqankiisu ka bilaabmayo ka dib ansixinta natiijada aftida
Dastuurka.
Markuu arkay: Go’aanka MS/GMS/G-7/134/2001 ee Maxkamadda Sare ee
Jamhuuriyadda Somaliland ku ansixisay natiijada Aftida
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku meel gaadhka
ahaa.
Markuu Tixeyliyey: Qodobka 47aad xubintiisa 1aad ee Xeer No: 16/2000
ee
12/11/2000 oo awood u siinaya soo saaridda xeerkan
Wuxuu
Soo saarayaa Xeerkan oo lagu faafinayo dhaqan galka Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu soo saari doonaa faafinta
rasmiga ah ee dawladda.
Allaa Mahad leh,
Maxamed Ibrahim Cigaal
Madaxweyne
Haddaba waxa cad oon muran ku jirin in Xeer Lr. 14. lagu
dhamaystirayey, dhammaystirkii Dastuurkii qabyada ahaa Qodokiisa
9aad ee jidaynaayey in xisbiyada qaranku ka badnaan 3 Xisbi Qaran
kuwaas oo la siiyey shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee Xisbinimo,
sidaasna aftidii Dastoorka shacabka reer Somaliland ugu codeeyey
97%, madaxweyne Cigaalna ku soo saaray Decreetada Kor ku xusan,
maxkamadda sarena sidaas ku asnsixisay.
Waxaanu haddaba Si Lexejeclo ku jirto u soo jeedinaynaa:
1. In xeer nidaamiye ay ka muuqato dhamaan xuquuqda asaasiga ah ee
muwaadinka loo sameeyo Xisbiyada qaran ee iminka jira hawshaasna ay
soo curiyeen komishanka Doorashooyinku loona gudbiyo golayaasha
Qaranka ee xeer dejinta ugu dambeyna uu saxeexo Madaxweynuhu si
faafin loogu soo saaro, si ay meesha uga baxdo Cabashada ah Xisbiyo
dad gaar ah u xidhan.
2. Aynu ka taxadirno inaynu dib ugu noqono Qaybo, Qabiil, Gobolaysi
iyo furfurnaan taasoo aynu ku wayno wax wada lahaansho iyo qaranimo.
Damaceena iyo talaabadeenaba wixii macquul noqon kara aan la sugno
wakhti ku habboon oo aynu helno bisayl Siyaasadeed iyo aqoonsi
caalami ah.
3. Waxaan ka digaynaa afkaar dibadeed oo ay dabada ka wadaan dad aan
xog-ogaal u ahayn arrimaheena hoose iyo damac shakhsi oo indha la’.
Somalida ayaa ku maahmaahda Nimaan kuu furi doonin yaaanu kuu rarin.
4. 4. Inaynu Danta guud ka hor marino ta gaar ahaaneed, Somaliduna
waxay ku maahmaahdaa wax badso wax beel bay leedahay.
Allaa Mahad leh,
Axmed Yussuf Yassin
K/S Guddoomiyaha UDUB
|