Soof daran
habowga macnaha Siyaasada
Umadaha
kala gadisan ee uu ilaahay caalamka guudkiisa ku abuuray
waxa uu ku s oo lamaaneeyey caqli iyo garaad ay ku
maamulaan dunida ay ku noolyihiin si ay na bad ugu
wada noolaadan iyo ixtiraam.
Dadyowga dunida ku dhaqan waxay lahaan jireen qaab
maamul oo ku salaysan boq ortooyo nidaamkaasi,
dadku waxay aaminsanaayeen in ay u daba joogsadaan qoys
hogaaminta aayahooda.
Nidaamkani waxa uu si talaabo, talaabo ah uga suulay
caalamka qarniga 21aad wa xaana loo xuubsiibtay
nidaamka dimuquraadiyada kaasi oo kootadii hogaamineed
ee nidaamka boqortooyo meesha ka saaray.
Nidaamkani waa mid ay soo saaridiisa sheegtaan dalalka
reer galbeedku balse waa mid intiisa badan laga soo
xigtay diinta islaamka, waayo rukunka ugu wayn ee
dimu quraadiyadu waa xoriyada oo ah tiir islaamka ka soo
jeeda.
Hadaba dadka ku dhaqan gayiga Somaliland ayaa ah qaar ay
soo mareen guumaysi yo kala duwan oo taariikhda
ugu duugan, waxaanay caalamka kala qayb qaateen x
adaarada cusub iyo nidaamka dimuquraadiyada waxaana
qasab noqotay in siyaasi yiintu ay qaatan
nidaamkani oo ku cusub, kaasi oo ka hor istaagaya kali-talisnimada
iyo dariiq kasta oo la xidhiidha.
Waxaa dhib yaraatay sheegashada teetalka siyaasi taasi
oo ay suura galisay nida amka dimuquradiyadu. Ka
sokow shaqsiyaad aqoon u lahaa siyaasada oo ku dhex
qarsoomay mowjadaha dad aan aqoon u lahayn siyaasada.
Waxaa sii kordhay da dka aan garanayn siyaasada,
arintani waxay kaliftay in qalad loo fahmo waxa ay tahay
siyaasadi.
Waxaana hubaala in laba majare ay kala qaadeen
siyaasiyiinta Somaliland oo aad u tiro batay isla
markaana aan lahayn qaab dhaqankii siyaasi, waxay kala
yihiin laba da dariiq ee ay kala raaceen
siyaasiyiintu sidani:
1. Siyaasi u heelan in uu helo jago uu ka dhaxlo hanti
tiro badan sida guryo, gaadiid, qasnado lacag ah iyo in
dadku ay bartaan mana kala jecla in uu magaciisu xumaado
iyo in uu samaado toona balse ujeedadiisu tahay dadku ma
ku yaqaan, waxaana sa bab u ah garashada oo
liidata sida oo kalena wayday cilmigii kabi lahaa waana
kuwa ugu badan maanta dadka noocaas ah ee sheegta
siyaasi.
2. Waa siyaasi garanaya macnaha siyaasada aqoona u leh
balse ku jahawareeray mawjadaha jahliga siyaasiyiinta ka
tirada badan ee qasbsaday xirfadani.
Siyaasiga noocaas ahi maanta waa ka ugu afka gaaban waa
ka ugu yaabka badan waxaanu is waydiiyaa malaa siyaasadu
sidaad moodayso maaha hadana wuxuu isa su’aalaa sowta
dunida horumartayba sidaada oo kale u taqaana siyaasada
dadkani halkay ku soo barteen waxa noocan ah.
Markaaba waxaa u soo baxda in jaamacada madow ee ay ka
soo baxeen ma garatada aqoon daradu hadhaysay in ay
tahay marfash ka qaadka. Waxa sida dharaarta u cad isla
markaana uu u muuqata qofkasta oo aqoon leh ama
caqligiisu fayowyey in macnihii siyaasadu soof daran
habaabay.
Wariye:
Muuna Casayr Jaamac |
|