Somaliya,
ma adduunbay uga baahan tahay Somaliland Mise arrin?
Mise waa maxay ka nuugtaa, maxayse ka nuugtaa.
Maqaalkan waxaan ugu wan qalayaa codkii
Cusman Maxamed
(Gacanlo) iyo
Xaliimo khaliif Magool.
“Maxaad la ooydey, maxaad la ooydey, ku aamusiiyeed la
hadli weydey”
“Waxaan la ooyee la ammakaagay i aamusiiyeen la hadli
waayey
Erayadaadan iga adkaadoon la ammakaagay”
“Adduunyo weeyoo, arramidaadiyo nabsaa abaalee”
“Inteed ogeydoo aaaaaaaaaaa, abaal hanbayso aaaaaaaaaaaa
kugu adkeeyey”
“Inteed ogeydoo aaaaaaaaaaaaa, abaal hanbayso
aaaaaaaaaaaa kugu adkeeyey”
Afeef: Wanqalshaa kadib, halku dhegaa kor ku xusan wixii
masa’alo diini ah waxaan u dhaafayaa cu limada qunyar
socodka ah sida Maxamud sh. Dalmar oo kale iyo inta la
halmaasha ee la aqoonta ah ee aan kitaabka ku xoogsan,
muxaadarooyinka lacag ku urursan islamarkaana qoys gaar
ahi u soo camirin. Iyaga ayaan u dhaafayaa in ay kala
bayaanshaan ninka halis iyo colaado ku hagoogtey ee
gurmada ummad walaalihiisa iyo ka abaar dalka wada
dhamaysay qaarna ilduufa, qaarna u gurma daa siday u kala
ajar badan yihiin habeen aakhiro. Wixii intaa dhaafsani
waa aniga iyo duun u hadal kayga.
Maqaalkani wuxuu u qaybsamaa faagaga iyo
bawyo, marka
hore fagaaga ayaan jeexayaa, marka xi gana bawyada ,
qandigayga aan meeraray waa qalin iyo tawaad,
•
Xusbi qarameed waxaa diley oo qar iyo buur dheer
saaray, nin ka maarma marka buurta dheer guradeed
shacbigu gaadhsiiyo sida hogaamiyayaasha UDUB iyo
Kulmiye oo kale iyo nin barbar dhigay ururkii aragti
ahaan lagu bahoobey, maqaaxi iyo shaahi garamle qof
leeyahay.
•
Xusbi furashana
waxaa isku fuuqsaday markii aragti
shuruud looga dhigi waayey ee ajuuradii dii wa angelinta
lagu saamaalay adduun uu ka bixi karo maalqabeen iyo mid
maalqabeen ka danbeeyo oo danaha maalqabeenka ilaasha.
Waa danyaroo durug. Waxaase jidka loo furay in ay soo
baxaan uru ro aan diiwaangashanayn ooh halku dhegoodu
yahay “Qasnadaha Haraatiya wuxuun baa ka so o qu bane".
•
Duco iyo habaar
waxaa biiyey, culimada dadkoo oon la
tuban oo macluul daraadeed mayd barye y, caamiyaha iyo
haweenka ku baqamaalaa kitaabkii Ilaahay ee intay TV-yada
fadhiistaan, warba ku soo koobay ma doolar baad wadaa
mise dahab, qaar kalana qori caaradii ku doonaya in ay
xuku nka kula wareegaan, qaar kalana fooxa , jinsaar iyo
dabiib ku adeegsanayaan. Weli ma maqal sheikh iyo
shariif Adan Siira mooyaane Alshabaab dhalliila oo
dhallinyarta uga digay halista ay leedahay if iyo
Aakhiro. Maan maqal sheikh caalim ah oo intuu soo
wactamo dahab iyo doolar deeq u bixinaya oo duco
dalbanaya. Sh. Adan siirow mooyee kuwaa dabadood lama
baano iyaga ayay ku gudhaa.
•
Talo, tusaale iyo wax isku sheegna waxaa biiyey
ummadda ka sastay weedhii uu
Sh. Aadan Siiro soo calyo
ceshadey ee weligeedba gobolada dhexe ee Somaliland ku
hadaaqi jireen, ee weliba ku dh aantaynaysa
wuu xujoobey Sheekhii.
Xusuus iyo waayo waayo.
•
Dhaliisha Sheikh Aadan Siiro waa ammaanta iyo marag
dhacay Cumar Carte Qaalib, Sulayman Maxamud Aadan,
Cusman Jaamac Cali, Jamac Maxamed qaalib , Maxamed
Cabdillaahi (Sifir), Cali khaliif Galayr iyo Alla u
naxariistee Cabdiraxman Maxamud Axmed Cali iyo Maxamed
X. Ibrahim Cigaal., iyo qaar kale oo badan.
• Dhaliisha Sheekh Aadan Siiro waa Ammaanta intay u
cuntami weydey xuduuda uu sheegtay ee Somaliland sida
Awdal State iyo Sool iyo Cayn.
• Dhaliisha Sheekh Adan Siiro waa ammaanta Proffesor
Axmed Ismaciil Samatar, Professor Cali Cabdiraxman Xirsi,
professor Cumar Adan qaadi iyo Proffessor Ismaaciil
Buubaa iyo qaar kale oo badan.
• Dhaliisha Sheekh Adan Siiro waa Ammaanta Abwaan Cali
Sugule, Abwaan Cabdi Adan Qays, Abwaan Cabdi Muxumed
Amiin, Saado Cali iyo qaar kale oo badan.
•
Dhaliisha Sheikh Adan Siiro waa dhiiringelin ta
taariikh been ku malafsadaha, jirjiroolaha iyo nin agoon
ku xadaya qalin.
• Dhaliisha Sheekh Adan siiro waa dhiirigelinta dabin ka
bood, danta guud ma eegaha.
• Dhaliisha Sheikh Adan siiro waa dhiirigelinta maakhada
dhablayaasha beelaha ku dhuumaalaysta iyo culimada aan
shalay mooyee maanta erey ka dhiiban Karin, iyada oo
ummadoodii liidato, xag add uun iyo xag aakhiraba.
Aniga oo afgobaadsanaya oo aan qof, beel, koox iyo urur
midna gaar u aflagaadeen oo aan dumado oda weerarin bal
aan meeraro qandigayga oo baw jeexo, shinina ku daadiyo
oo aan iftiimiyo faagag aa aan kor ku xusay. Tacay indha
lacagow, tacay akhristow .
Tan iyo maalintii 18 Meey ee lagu dhawaaqay Somaliland,
ee Alla ha u naxariistee Cabdiraxman Ma xamud Axmed Cali
khudbadii taarikhiga ahayd oo aan filayo in dhawaan lagu
dari doono manhajka waxbarashada dugsiiyada sare, uu ka
jeediyey magaalada Burco, dadka reer Somaliland waxay ku
hadaaqayeen timir laf baa ku jirta, Somali weyn buu
doonayaa, waa lagaa danbeeyey, qabtaa iyo celiyaa. Bal
muxuu dhimay Sheekh Aadan Siiro, ilayn intii ayuunbuu
soo calyo ceshadey, hadday xun tahay iyo hadday san
tahayba.
Maalmo kadib ku dhawaaqistii goosashada, Sulayman
Maxamud Aadan iyo Cusman Jamac Cali, ayaa balaayo madax
la qabtay leedahayee oo mijo la qabta ma laha eh, ku
dhiiradey in ay ku hagoogtaan dhiiga iyo colaadahay
Muqdisho ka bilaabmay, tii ka dhacday waaba loo wada
joogey, miyaan dhag ax iyo dhawaaq xun lagala daalin. Ma
maalintaas ayay Somaliland rixin goys ahayd, mise
abaaraha ayuun baad ka damqataan oo colaadaduhu agtiina
waa caado rag oo umma baahana in la isgaga gurmado.(raad
raac oo akhri Jamhuuriya by Tuur Cabdi shide iyo Xoriya
by Cabdillahi Aw Adan Cum ar Griig(wayab) iyo qaar kale
oo badan). Waaga Somaliland gudaheeda miyaan dhagari
dhicin oo a an dhiig qulqulin oo garaadkii beeluhu ee
siyaasiyiintu dhidhinayeen ku goolibaadhin Burco iyo
Berb era.
Adigoon is dhaga marin Cabdiraxman wuxuu SOO
dhiraandhiriyaba isaga oo aan itaal ahayn, arrin m ooyee,
miyaanu Cigaal ku soo simin isaga oo Guurtida kaashanaya.
Kadibna miyaanu ka huleelin Cab diraxman oo aanu gurmad
Somaliyeed gelin isaga oo ku luuqaynaya: “Inantaan
gardaashee, gaadiid sidiisii ku xanbaaray guudkaan,
gondahayga goysee.”
Miyaan alla ha u naxariistee Cigaal halkaa ka sii
anbaqaadin. Miyaanu godgelin iyada oo lagu dilayo oo
lagu dagaalayo Somali weyn buu doonayaa, timirtaa lafbaa
ku jirta, waa laga danbeeyaa, Lacag buu samaystay,
qabtaa iyo celiyaa.
Sheekh Aadan Siiro intaas ayuunbuu soo calyo ceshadaye,
haddaad adiga liqday, intaanada maagin ka
istaaqfurulayso oo uunka maqashii kaalintii hore ee
taariikhda kaga jirtey, islamarkaana haddaad soo
miiraabtay ma xumme, adiga oo aan Adan Siiro oo aan u
kula tirin, ku soo dhawaw golaha murtida iyo madadaalada
ee naxariista badan ee deeqda badan.
Xilligii Cigaal Miyaan dhagari dhicin oo aan dhuug
qulqulin. Miyaan la isku dileen intaa Sheekh Adan Siiro
lagu haysto ee aha ma naxaan baad tahay ma naxariistaa.
Xuduudii buu ka talaabay, iyo xad ka soo jebiya.
Aakhirkii miyaan dhamaystirin nabadii Cabdiraxman Tuur u
dhabar jabay. Miyaanu ka gudbin beelnimadii oo aanu
dhaanka u rarin xusbiyo. Miyaan khudbadihiisii dhaxalgal
ahaa qaarkood maanta mudnayn in lagu daro manhajka
waxbarashada dugsiyada sare.
Waqtiga isbedeley warbaa la socdee, Sheekh allow dadku
yuu ku eedayn isha xidho afkana dhawr arag maqal warkana
eeg.
Malahayga sida ina Xaashi Cilmi ayuu daalacan dhashaye,
dadkuu u doodayey ayaa wada eryana ya. Bal muxuu dhimay
Sheekhu. Sheekh muu xujoobin manuu danbaabin. Waa
muwaadin gudanayaa waajib saran. Maalmaha Jimcaha
khudbadihiisa wuxuu kaga hadlaa hadba wixii jooga iyo
waxay diintu ka qabto. Wuxuu ka duulayaa xadiith
rasuulkeenii suubanaa CSW ee ahaa “kulumkum raaci wa
kulumkum masu’uulin can riciyatihii” .
Sheekh Adan Siiro sida igu maqaalo ah waa sheikh
xoogsada oo aan xaglo laabnayn, waa sheikh ho o mooyee
aan keenta aqoon, waa sheikh wuxuu bartay dadka sii bara.
Waa Sheekh aan cashuurta iyo sakada midna la fakan.
Meheradihiisa dad badan ayaa ka hawgala. Waa Sheekh
xilkiisii bulsheed gudanaya. Siyaasada in uu ka hadlaa
xujo ma ah, mar hadduu codbixye yahay oo uu waxana diido
waxna doorto. Xaq buu u leeyahay cid kasta oo tartanta
oo uu codkiisa siiyo in uu la xisaabtamo. Ceebna ma ah
in falalkiisa iyo weedhihiisa uu waafajiyo shareecada
Islaamka, dadka kale iyo maam uladana ku booriyo.
Weedhan ugu danbeysey haddaan la isdafirahayn wuxuu
sheekhu cuskaday oo daliishade axaadiith iyo Aayado
qura’aan ah, iyo WELIBA sheekooyin laga weriyey
rasuulkii (CSW), wuxuu raadraacay culumada ugu waaweyn
ee ay ku dhisan tahay shareecada Islaamku.
Dhinaca kale ee ka waxay daliishadeen eedayn iyo in
Sheekhu waxay Yuhuudu ka adkaysan weydey ka horyimid oo
uu ku hadlay sooryo dad masaakiin ah loo wadey. Daliil
burinayaa aragtida Sheekh diin ahaan dadweynaha kumay
sooryin, isaguna kumuu qancin. Somaliland waxaan ku ogaa
maamul jiq lagu siiyo, laakiin culimo jiq isku siinaysa
maanta waa kow.
Hasayeeshee, sheikh Aadan Siirow wuxuu ka warla’yahay
isbedelka dhacay. Sheekhoo xuduudihii aad ogeyd ee beryo
qaarkood lagu dhadhabi jirey waa laga gudbey oo Somalidu
waxay la jaanqaad ay aragtida ah “World globilization”.
Miyaanad ogeyn maamulada goboleeyada aan la
ictiraafsanayn ee hadba kooxi ku qadhaabato in m eel
qudha laga wada masruufo oo Mahiiga, ergaga jamciyada
quruumuhu Madaxweyne u yahay oo hadba koox iskala
baashaalo.
Miyaanada arag hay’adaha samafalka ee inna miray ee inna
maaruqay ee galay kaalintii dawlad so maliyeed oo la
ictiraafsan yahay.
Maanta war is gaarsiinta iyo tiknoolajiyada casriga ah
ayaa xuduudihii jebisey oo shirkada kooban ayaa qurbo
iyo gudaba ka ganacsada dadka af-somaliga ku hadla iyo
kuwu aan ku hadalba.
Miyaanada arag warbaahinta baraha Internet-ka ee aan
xuduuda lahayn ee Somali meel ay joogta ba isku aragtay.
Miyaanada arag warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ee aan
xuduuda lahayn ee laga haqa belay, mid maamul leeyahay
iyo mid gaar loo leeyahayba ee waad baahan tahay u
bahalo cuna. Miyaanad arag siday caamada iyo haweenka
ugu garba duubeen Culamaa’udiin iyo Siyaasi ee
bogagoodii ugu ka iibinayaan. Miyaanad ogeyn qofkasta oo
somaliyeed in jidhiidhicooday markay warbaahintu soo
hordhigtay carruurta Bay iyo Bakool macaluushu ku laysay
ee silci maryaadaaya.
Miyaanada arag ganasadayaasha beri aan fogeen beel u
adeegi jirey in ay manta heer caalami mar ayaan oo iska
daa koonfur iyo waqooyiyoo, dadka Af-somaliga ku hadlaa
ay ku tira yaraadeen.
Ugu danbayn aan bawgan ku soo xidho sheekha ku idhaahdo:
“Ruuxa laba wajiila ha la dhiganin wac adoo, jacayl aan
lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.”
Bawgii u danbeeyey iyo gabgabadii.
Sheekh Adan Siiro marag baa u dhacay oo wataa dawladii
gajadii iyo macluushii la isdiidsiinayey af ka ku kala
waaxdey ee Adduunkii lagu kaal meenayey badhkiinii
dalbatay.
Haddaba markaa eegto abaaraha iyo colaadaha Somaliya ka
taagan, Somaliland si loo soo afjaro, m a adduun iyo
sakada oo la isdhaafiyo iyo wax kaga taraysaa mise
arrin, ergo iyo gurmad awliyeed. Aniga siday ila tahay
adduun arrinkaa ka weyn oo meel aan masgaxi talin
welgeedba taariikhda mu ruq iyo adduun waxba kama tarin.
Bal adiga akhristow iswediiyoo caalamku muddo labaatan
sano ah ayuu Muqdisho adduun la daba t aagnaa oo shirar
loo qabanayey bal maxaa ka soo baxay. Waxaa ka soo baxay
in mashruuc laga dhi gto oo hadba dawlad Afrikaan ah oo
qayrkooda ciidamadooda laga masruufo. Gob ma ah in intaa
ka badan in la isku sii daawadaa ee ha loo diro boqol
nin oo erga ah oo Xaaji Cabdi waraabe hogaamin ayo oo
sahay ha looga dhigo qadar lacag ah ee ururiseen.
|