SOMALILAND WAA WADAN EE MAAHA GOBOL SIDA PUTLAND.
WAA IN IGAD LOO SHEEGAA.
 

 


 

Waxaa 19kii December lagu shaaciyey wargayska oodweyne news shir ay soo diyaarisay IGAD oo lagu qabtay dalka Jabouti, Huteelka Kambiski, ee magaallada Jabuuti,oo ay isugu yimaadeen laba kooxood oo ka kala socda Somaliland iyo Putland, in kasta oo qolana la shaacin magagacyadooda isla markaana la ca dayn cida u igmatay inay matalaan Somaliland.Shirkaas oo ahaa shir qarsoodiya oo soconaayey mudo s han cisho ah oo uu soo qaban qaabiyey URUR GOBOLEEDKA IGAD ,waxaa la sheegay in ujeedadiisu ahayd sidii loo dejin lahaa khariirad suurta gelisa iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhex abuurma Somaliland iyo P utland. Waxaa shirkaas ka soo baxay go’aano waaweyn oo siyaasadeed kuwaas oo ah kuwii laba dawla dood ka wada hadli lahaayeen.


Marka hore raga uga qayb galay shirkan dhinaca Somaliland ee isku tilmaamay inay yihiin aqoonyahano iyo rag nabada u ololeeya, waxaan leeyahay is cadeeya oo sheega cida aad tihiin. Waxaan si xoog leh u aaminsanahay inaad Wadanka Somaliland meel kaga dhacdeen, heshiisna aad qaadateen idinka oo aan ka baraa degin in heshiisyadu sax yihiin iyo in kale. Waxaan jeclahay inaan dib idiin xasuusiyo in Somalila nd tahay  dalalkii ugu horeeyey ee ka xoroobay gacantii gumaysiga sanadkii 1960kii. Waxay ahayd dalkii Somaliyeed ee ugu horeeyey ee calan laga taago. Somaliland waxay xoriyadeeda ka qaadatay Ingriiska 26kii June 1960kii. Koonfurta Somalia oo Talyaanigu Gumaysaayey waxay xoriyadeeda ka qaadatay 1dii Julay 1960kii. Waxay labada dawladood isku darsadeen 1dii July 1960kii waxayna la baxeen THE SOMALI REPUBLIC.


Waxaa aqoonyahanada is qariyey u sheegayaa in Putland tahay gobol yar oo ka tirsan Somali  koonfure ed oo xoriyadooda qaatay 1dii July 1960kii, waa gobol la mid ah Gobolka Sool ama Gobolka Sanaag. Xudu udaha Somalilandna waa xuduud caalamiya cidina ma inkiri karto. Umma baahna in dhex dhexaadin laga galo, cidna wax kama bedeli karto ,oo dadkii lahaa ayaa ilaashanaya. Waxaa wax lala yaabo noqotay ra ga aqooyahanada isku sheegay ,ee shirka uga qayb galay Somaliland sida gobol yar oo ka tirsan Somali Koonfureed ,wax uga dhaxaysiiyeen wadan dhan oo madax banaan. Xadka dhulka Somaliland maaha mid insir ku salaysan waa mid xeer iyo sharciba la wadaaaga xadadka Afrika. Ummada Somalilandna waxay ku leedahay taas ku seexo oo ku soo toos. IGAD na wax kama bedeli karto.


Somaliland waxay dawladnimadeedii la soo noqotay 18kii May 1991kii. Go’aanadii shirkii Burco ee beelaha Somaliland gaadheen ka daawo YOU TUBE ka caawa ayaan soo geliyey.( Goaanadii Shirkii Burco 1991). Waxaa kale oo aad daawataa riwayadii maalintaa la dhigay ee ahayd (Dumisteeda woqooyi Dili ha ugu d ambayso.). Ummada Somaliland waxay shirkaas si xoogleh ugu lafagureen ICTIRAAFKA waxay  dhamaan tood isla garteen in aan haysano ICTIRAAFKA ILAAHAY. Kaas wax ka wayni majiro. Ilaahay carabkoodii wuu u aqbalay oo ICTIRAAFKU waa ka halkaas ina soo gaadhsiiyey. Waxa ilaa hada inoo qabsoomayna waa wax lagu faani karo, Ilaahayna ha inoo sii siyaadiyo.


Waxaan maanta aqoonyahanada iyo siyaasiyiintaba uga fadhinaa inay wadanka saxiibo u kasbaan oo a duunka oo dhan lala xidhiidho. Ninka maanta gobol yar oo Sanaag oo kale ah oo Somaliwayn ka tirsan is leh heshiis la samayso, waxaan leeyahay Ummada iyo dalka iyo dawladaba gaf ayaad ka gasheene waa inaad raali gelin bixisaan heshiiskiinana dib uga noqotaan.
 

Hadaan sii faahfaahiyo gafafka nimankaasi galeen waxaa ka mid ah heshiiska qodobka 1aad oo u dhigna a sidan “ SIDII AY SOMALILAND IYO PUTLAND U YEELAN LAHAAYEEN HANAAN WAXBARASHO OO MIDAY SA. KAAS OO UU DUDUN U YAHAY MANHAJKA WAXBRASHO OO GUUD. BARNAAMIJYO SUURTAGELIYA IN A RDAYDA IYO AQOON XIRFADEEDBA LA IS DHAAFSAN KARO IYO TABABARO LA SIINAYO MACALIMIINTA.


Waxaan raga sheegtay aqoonyahanada Somaliland xasuusinayaa in hawshaa ummadu u dooratay maa mul. Waxaana ka masuul ah Wasaarad dhan. Wasaarada iyo maamulka ayuu xil ka saran yahay sidii wax barashada Somaliland loogu heli lahaa dawlado ay la wadaagaan arimaha aad kor ku soo sheegtay. Aqooyahanada qurba jooga ahna waxaan xasuusinayaa in arimaha noocaas ah wax lagala qabto wasaa radaha. Waxaa ku talinayaa in wasaarada waxbarashadu ,saaxiibo ka kasbato dawladaha jaarkeena ah iyo kuwa Muslimkaba ,sida Jabuuti, Itoobiya, waxaana muhiim ah in IGAD laga ogalaan abaabul shir  nooc aas oo kale ah.


Nimanka aqooyahanada isku sheegay ee is qariyey ,waxaan leeyahay Putland waa gobol ka tirsan Soma li Koonfureed. Somalilandna waa wadan jira oo iskii u taagan.Heshiiska aad ku soo gashay Jabouti waa m id Somaliland meel laga dhacay,waa mid sumcadaada iyo qoomiyadaadaba hoos u dhigay. Waxaan ku lee yahay maskaxdaadu ha ka korto inaad maamulkaaga garab cararto oo waxaad rabto adigu shakhsiyan aad wadanka u soo hoyso.



Waxaan hadalkaygii ku soo gabagabaynayaa, waa in ummada Somaaliland mar walba foojignaataa, waa in la xoojiyaa midnimada isku duubnaanta, waa in lagu faanaa oo aamintaa waxa kuu qabsoomay, cidii go bol dib kuugu celinaysa ama khal khal gelinaysa siyaasada dawlada ,waa in laga hortagaa. Waa in dawla du aanay ogolaan in IGAD shir u qabato dad ay si gaara u xulatay oo soo qaata heshiisyo siyaasad xam baarsan, sida kaa manta dhacay oo kale. Wasaarada Arrimaha dibadu , waa inay la socotaa arimaha xaa saasiga ah ee dhawaacaya Siyaasadaada iyo Qarannimadaada labadaba.

 




ALLAA MAHAD LEH
 

 

 

 

 

Mahdi Jama Roble