‘Maraykanka, Waddamada Reer Galbeedka iyo Afrika Waxa Waajib ku ah Inay si Rasmi ah u Aqoonsadaan Somaliland’


Guddoomiyaha Ururka Aasaaska Nabadda Adduunka, ahna agaasimaha Harvard Kennedy School Mr. Robert I. Rotherg

Washington (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Ururka Aasaaska Nabadda Adduunka (World Peace Foundation), isla markaana ah agaasi maha dugsi lagu magacaabo Harvard Kennedy School oo ku yaal dalka  Ma raykanka Mr. Robert I. Rabert, ayaa beesha caalamka gaar ahaan  Maray kanka, wa ddamada reer galbeedka iyo kuwa Afrika ugu baaqay inay sida ugu  dhakh saha badan Somaliland ugu fidiyaan aqoonsi rasmi, si guul  ka ma dambays ah looga gaadho halganka loogu jiro xasilinta Somaliya.

Mr. Robert I. Rotherg oo warbixin uu si qoto dheer ugu lafaguray  dhibaa tooyinka ragaadiyey Somaliya iyo sida ay darruuriga u tahay in Somaliland aqoonsi caalami ah loo fidiyo ku faafiyey qaar ka mid ah wakaaladaha  war arka oo Jamhuuriya Soomaali idiinku soo turjumay, ayaa waxa uu  cadee yey in dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ahi uu ku sii fidayo  man daqada Geeska Afrika.

Waxa khabiirku xusay in aqoonsi loo fidiyo Somaliland uu noqon doono  ta llaabo dhinaca haboon loo qaaday oo dalalka bariga Afrika u horseedi  ka rta inay dhinaca wanaaga u socdaan, balse haddii taa lagu guuldarraysto ay xaaladuhu isu rogi karaan dhinaca xumaanta iyo qalalaase meelo badan ku sii fida.

“Dalka Somaliland oo ku taal dhinaca woqooyi ee Soomaaliya oo ay ku  hi rdamayaan kooxda Al-shabaab iyo hoggaamiyo kooxeedyo xasillooni-darro baahsan abuuray, waxa uu madaxbannaanidiisa dib ula soo noqday 15 May 1991, mudadaa ilaa maanta waxa ka jira xasilooni iyo hannaan dimuqraadiyadeed oo ay isku maamulaan, nasiib daro ilaa mudadaa oo wax badani u qabsoomay ma jiro dal qudha oo aqoonsi u fidiyey, inkastoo  dal alka jaarka la ihi xidhiidh dhinaca ganacsiga ah la leeyihiin, Maraykankuna il diblomaasiyaseed ku eegayo, waxa haboon in aqoonsi rasmi ah loo fidiyo, gaar ahaan Maraykanka, dalalka reer galbeedka iyo Afrika waa inay si rasmi ah u aqoonsadaan.

Arrintaasi waxay tallaabo wax-ku-ool ah u noqonaysaa dedaalka loogu  ji ro sidii loo xasilin lahaa Somaliya oo dhibaatooyin baahsani ka jiraan, qo rshayaal badan iyo dakhli badan oo arrintaa la geliyeyna guul daro iyo faro madhnaan ku soo afjarmeen. Haddii Somaliland la aqoonsado waxay yididiilo iyo rajo u noqonaysaa dadka Soomaalida kale ah ee colaaduhu ragaadiyeen, waxayna abuuri karaan fikrado ay dalkooda ku xasilliyaan, si ugu noolaadaan mustaqbal nabadgelyo iyo horumar ku dheehan yahay,” ayuu yidhi Robert I. Rotherg oo tifatiray buug laga qoray dagaalka  arga gixisada lagula jiro ee ka socda Geeska Afrika.

Guddoomiyaha ururka aasaaska nabadda adduunka Mr. Robert, waxa uu warbixintiisa ku xusay hawlgalkii lagu guulaystay ee ciidammada  Mara ykanku ku dileen Salax Cali Saalax Nabhaan oo dhawaan lagu dilay gudaha Soomaaliya, tallaabadaas oo uu ku sifeeyey dhibic yar oo ka mid ah  guu laha la rabo in laga soo hooyo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala  So omaaliya iyo dalalka Geeska Afrika, isaga oo madaxweynaha Maraykanka Barack Obama kula taliyey inuu si caligal ah uga fikiro sidii uu Soomaaliya ugu waajihi lahaa siyaasad lagu cidhibtirayo ururrada xidhiidhka la leh Al-qaacida sida Al-shabaab iyo kooxaha kalee ka dagaallama gudaha  Sooma aliya.

Ugu dambayn, waxa uu sheegay haddii arrintaas lagu guuldarraysto in ay fursad u noqon doonto kooxda Al-shabaab oo si fiican isugu faafin doonta dhulka Soomaalidu degto iyo guud ahaanba dalalka kalee ku yaal  mandaq adda, iyagoo soo bandhigi kara fikrado u horseeda in dadka shacabka ah ugu xidhmaan si dhib yar, taasna wax-ka-qabashadeedu hadhow qaadan doonto muddo aad u dheer.





Source: Jamhuuriya Online