Sweden: Xukuumada
Somaliland oo Ka Qayb Gashay Shirweyne Caalami
ah oo lagaga hadlayay
Cimilada Addu

Stock-(Longlivesomaliland )-
Caasimada dalka Sweden waxa lagu soo gebag ebee yay
shirweyne caalami ah kaas oo lagaga hadlayey cimilada adduunka iyo
sid oo kale faqriga waxa weeye shir la qabto sannadkiiba mar waana
kii afraad wax a ugu horeysay sannadkii 2006,
Shirkaas waxa ka soo qayb galay dad aad u badan oo gaadhayey ilaa
iyo 4000 oo qof kuwaas oo isugu jira 1500 oo hay’dood oo caalami ah,
waxa kale oo ergo soo dirtay ilaa 125 dal oo adduunka ah. Shirka
waxa si wada jir ah u wada qabta EU iyo kolba dalka haya madaxnimada
Yurub.
Dawlada Somaliland waxa uga qayb galay ku xigeenka wakiilka
Somaliland ee dalka Sweden isla markaasna ah ku xigeenka dalada guud
ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden , Mudane Hussein Wadadyare, waxa
wakiilku uu ka dhex ololeeyay shirkaas isaga oo maalin iyo habeenba
la kulamayey qaar ka mid ah ergooyinka, kuwaas oo u ka dhaadhicnayey
qadiyada Somaliland, mar tvsomalilandeurope Hussein telifone ku
waraystay waxa uu u sheegay in sh aqadu meel fiican u marayso,
aanu aad iyo aad ugu faraxsan yahay qadiyada Somaliland oo meel
fiican maraysa, muddane Hussein waxa uu ku amaanay in dawlada
Somaliland ee hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kahin uu maanta
adduunka si fiican u baray Jamhuuriyada Somaliland, taas oo u xusay
cid kasta oo uu la kulamay in ay garanayeen Somaliland sidoo kalena
beesha caalamku aad ugu faraxsan tahay siyaada xukuumada, taas oo
meesha ka saaraysa haddalo mucaaradku ku dhaliilan xukuumada oo ay
yidhaahdan beesha caalamka waxba lama gaadhsiin, oo lamaba socdaan
qadiyadeena.
Hussein waxa kale oo aad u amaanay wasiirka wasaarada arimaha
debedda mudane Abdillahi Mohamed Duale kaas oo ku tilmaanay wasiir
shaqo badan, sidoo kale waxa uu isna amaan u soo jeediyey Dr.
Mohamed Aar danjiraha wareega ee Somaliland kaas oo talooyin fiican
iyo warbixino tayo leh u soo diray.
Hussein Wadadyare Madaxdii uu la kulamay oo aad u fara badnaa waxa
aan halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah sidoo kale
waxa tvsomalilandeurope danjire Hussein leeyahay shaqo fiican baad
qabatay sidoo kale waxa aan kula talinaynaa Jaaliyadaha debadu in
fadhiga ka kacaan oo ay qadiyada Somaliland dardar geliyaan.
KAMANZI Stanislas - Minister of Natural Resources, Rwanda
BARROSO José-Manuel - President of the European Commission
MITCHELL Gay - Irish Member of the European Parliament
BUZEK Jerzy - President of the European Parliament
DE GUCHT Karel - European Commissioner for Development and
Humanitarian Aid
WALLSTRÖM Margot - Vice President in charge of Institutional
Relations and Communication
MITCHELL Gay - Irish Member of the European Parliament
BILDT Carl - Minister for Foreign Affairs, Sweden
COMPAORÉ Blaise - President of Burkina Faso
ODINGA Raila - Prime Minister of Kenya
KOROMA Ernest - President of Sierra Leone
DUVIVIER PIERRE-LOUIS Michèle - Prime Minister of Haiti
JOHNSON-SIRLEAF Ellen - President of Liberia
SONJICA Buyelwa Patience - Minister of Water and Environmental
Affairs of the Republic of South Africa
IGBUZOR Otive - Director of ActionAid Nigeria
SOROS George - Chair of Soros Fund Management LLC
YUNUS Muhammad - Founder of the Grameen Bank
OBAID Thoraya - Executive Director of the United Nations Population
Fund (UNFPA)
WAJED Hasina - Prime Minister of Bangladesh
Longlivesomaliland News Desk
Sweden
|