Siyaasiyiin Iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda Beelaha Sool Iyo Sanaag Bari Oo Si Kulul U Naqdiyey H adal Ka Soo Yeedhay Axmed Cabdi Xaabsade

 


“Waxa Keliya Oo
Xaabsade Lagu Ogyahay Inuu Ka Tarjumo Siyaasada Madaxw eyne Rayaale…”

Hargeysa  (Longlivesomaliland News) - Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag Bari ayaa gaashaanka u daruuray hadal dhawaan ka soo yeedhay Axmed Cabdi Xaabsade iyo koox uu hormuud u ahaa oo  shee gay haddii la galo doorasho lagu saleeyey liiskii natiijadii diiwaangelinta, in aan ay aqbalaynin oo ay Somaliland-ba ka tashan doonaan.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanadan shir Saxaafadeedka qabtay waxa ka mid ahaa Axmed X. Cali Cadami, Fu’aad Aadan Cadde, C/raxmaan Maxamed Talyanle, Xamse Gaada wayne, C/rashiid Ducaale Qambi iyo odayaal iyo waxgarad kale oo ka tirsan beelaha Harti, waxaanay ku sheegeen in aanu Axmed Cabdi Xaabsade hadalkaasi cidna ku matalin.

Qoraal kooban oo ay shirkaasi jaraa’id ka akhriyeen ayay ku cadeeyeen, waxa anay hadalkii raggii iyaga ka horeeyey ku tilmaamay hadal aan la socon  wacd iga dhabta ah ee xilligan ka jira Somaliland, waxaanu qoraalkaasi oo  dhamays tirani u qornaa sidan:-

“Anaga oo ka duulayna marxaladda adag ee Somaliland maanta ku sugan  tah ay, kuna hadlayna magacayaga iyo inta u damqata dalka, waxaanu War-saxa afadeedkan u qabanay sababahan soo socda:

1. In aanu badheedhahayaga ka dhiibano wararka maalmahan laga sii daayey warbaahinta gudaha iyo debedaba ee lagu faafiyey magaca beel weynta  HARTI, warkaas oo uu faafiyey Axmed Cabdi Xaabsade oo aan beesha  dhexd eeda ku lahayn darajo iyo xil ay u igmadeen in uu magacooda ku hadlo ama  ug u go’aamiyo xaalada taagan iyo mid soo socota toona, waxa keliya oo  Xaabsa de lagu ogyahay inuu ka tarjumo siyaasada Madaxweyne Rayaale.

Ugu horayn, liiska jaraa’idka lagu faafiyey waxa ku jira rag door ah oo mudan qadarin oo laga been abuuray, kuna sugan dalka gudihiisa iyo debediisaba, wa xaana qoraalkaasi hal-ku-dhig u ahaa in beelaha HARTI doorashada ku  galay aan diwaan-gelin la’aan, taas oo marka loo fiiriyo wacyiga iyo waayaha jira loo nisbayn karo Ciyi Waa Ka Baryey.

Waxa Odayga (Xaabsade) ku dhaganayd fariin hore loo faray, taas oo  Dawla ddii fartayba ay ka noqotay, maadaama ay ku noqotay Xukuumadda Weji Gabax iyo maroorsi xaajo Qaran.

Xildhibaanada iyo Odayaasha kale ee bayaankii hore saxeexay waxay naga  m udan yihiin xurmo iyo qadarin, waxna kuma laha canaanta iyo cambaarayntan ku wajahan dadka faro ku tiriska ah ee mudada dheer soo maleegayey  hawsh an maqaarsaarka looga dhigay diiwaan-gelin la’aan, isla markaana  daahirke eda iyo baadinkeedu kala midabka ama kala nooca yihiin.

Waxa xusid mudan in tabashooyinka beel waynta HARTI ee bayaankaa ku  xus an ay ka balaadhan yihiin diiwaan-gelin la’aan iyo kursi la toocsado  (Guddoomi yaha Guurtida), taas oo lala sugayo dawlad garowshiinyo bixin karta, xaasha’e maanta maalin gorgortan maaha.

Waxaanu Ummadda Somaliland u iftiiminaynaa qaylo dhaanta ka soo baxday  b ayaankaas in lagu sifayn karo “Baroortu Orgiga Ka Wayn”, waxaanu shacabka ogaysiinaynaa inuu jiro shirqool qoto dheer oo lala leeyahay UN-ta (jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa) Xafiisyada Somaliland iyo Somaliya qaabilsan.

Arrimahaas oo hadafkoodu yahay in lagu kala dhantaalo midnimada  Somalila nd, kuwaas oo mudan in lagu sameeyo daba-gal iyo baadhis xoogan.

Ugu danbayn, waxa talo soo jeedin naga ah, in dalka iyo dadka loo tudho, lag ana daayo hagar-daamada, lana xusuusnaado murtidii ahayd ninkii uurka  dab ana ilaah baa arka , ninkii isha dabana aadmigaa arka.

Dhinaca kale dhalinyarada beesh harti ayaa ka hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay Maamed Cabdi Xaabsade ee ahaa, iyaga oo arrintaas ka  hadla yana waxa ugu horayn hadal kooban ka jeediyey afhayeenka dhaliyaradaas C/qani Axmed Cige, waxaanu yidhi “waxaan ku hadlayaa afka ururka  dhaliya rada beelaha Hartiga Somaliland ee Darwiish, anigoo ururkaa magaciisa ku hadlaya isla markaana anu ka madax banaanahay wax xisbiya ama calaamad siyaasadeed ah ee aanu nahay dhaliyaro, waxaanu u nmid anaguna oo aanu ku taageersanahay waxgaradka iyo guurtida halkan isugu timid ee shirka ku qabatay, markaa inaanu jirin maanta nin odhan kara mansabka beesha Hartiga ee ballaadhka intaa leeg baan matalayaa, Hadba Geed Is-Maris Baa U Hadha Guul Rag Leeyahay Miyaan Geedi Shaamboo Arladu Gelinba Waayaynin.

Ragii ilaa 1991-kii Somaliland Taagnaa ee Somalilandnimadu dhabta ka hayd  ba a jooga oo aan maanta hadana odhan karin waxaanu matalaynaa beelaha  Ha rti oo hadaanu wayno waxaanu ku qanacno Harti baa Somaliland ka  cadhoon ya aan odhan karin.

Markaa ayaan daraan u aragnaa nin aan Somaliland-na miisaan ku lahayn   be eshiisa gudaheedana aan miisaan ku lahayn inuu sidaa u hadlo, waanu  camba araynaynaa ” sidaas ayuu yidhi C/qani Axmed.

Intaa ka dib gudoomiyaha ururka dhaliyarada Hartiga Ismaaciil Saleebaan  Bo wkax, oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “halkan  ma anta umaanaan iman arrin xisbi anagu waxaanu u nimi magacaa beesha ee  ho re loo faafiyey ee dad beesha ka mid ahi ay sheegteen, beesha dee anagu-ba waanu ka mid nahay kuwa sheeganayayna waa ka mid laakiin magaca beesha in si khaldan oo dan shakhsi ahaaneed lagu fulinayo loo isticmaalo ayaanan  ra ali ka hayn, anagoo aan xisbina u hadlaynin, xisbina cambaaraynayn waxaanu maanta sharkan odayaasha ugala soo qayb galay oo ku taageersanahay oo ugu hambalyaynaynaa oo anaguna fikirkayaga ku muuujinaynaa in aan  maga ca beesha loo isticmaalin arin shaqsiyaad leeyahay oo dan gaar ah leh, taasna waxaan leeyahay horta beesha aad iyo aad baanu uga raali gelinana oo  maa ha dambi beesha oo qudha laga galay ee waxa weeyaan dambi Somaliland oo dhan laga galay, marka dee somaliland la kala googoynayo ee la leeyahay Somaliland baanu ka baxaynaa, taas waanu cambaaraynaynaa ad iyo aadna waanu uga soo horjeednaa” sidaas ayuu yidhi.

Dhaliyaradan ayaa waxay ugu baaqeen bulshada reer Somaliland inaanay  aq balin dadka waxaas ku hadlaya ee leh beesha Harti baanu matalaa, iyaga oo ku tilmaamay xaabsade inuu kaligii filirkasi ku kooban yahay, balse dadka  bee sha aanay la qabin.



Source:Haatuf