Mahad
waxaan u naqayaa qaadirkii na uumee qaranimo na
siiyee,nabad noogu sii daray
Mahad waxaan u naqayaa halyeeyada dalkaygee, usoo horay
naftoodii
Calankaan ku faanee,aduun yada ka caankee
Wadankeena guud sudhay,waa geesiya aduunkee
Halyar aan idhaahee,arligeenan wacanee la wada hiigsanee
********
Faaladiisu
badatee,fiiraduna dheertahay
Horuumarkiyo hanantiisa ,waa in hawadaa ka geeyaa
Mahad waxaan u naqayaa halyeyda dalkaygee,naftooda u soo
huray
Waqtigii xumaayee waayaha badnaa waa in xasuustiisu
guurtaa
Doogahii ku dhacay iyo dayicii la soo maray waa inaa
dawaysaan
********
Naafada waaxyohooda waayee halgankii ka soo hadhay waa
inaad daryeeshaan
Danyartiyo agoontana waa inaad danaysaan
Mahad waxaan u naqayaa halyeyda dalkaygee naftoodii u
soo huray
Dariiqyada burburayee baabuur inuu dhaco sabab looga
dhigayona waa inaa habaysaan
Dusiyada waxbarshad waa in loo dedalaa
********
Caafimaadkuna waa halkay u dhimatee waa in lagu horeeyaa
Mahad waxaan u naqayaa halyeeyada dalkaygee naftoodii
usoo huray
deegankuna haduu nabad guuro gabaad lama helaayee waa in
gudintaa la joojaa
Beerheena carduna dhextaaltaal waa in dib loo naqalaa
Bilicdiyo dhiraynta waa in dhulka lagu abuuraa
********
Mahad waxaan u naqayaa halyeeyada dalkaygee usoo horay
naftoodii
Duqaydiyo cuqaashana waa in tix galin la siiyaa
Dumarkuna waa udub dhexaad kii dalkeenee waa in xilal la
siiyaa
Dhalinti barbaratana waa in shaqo loo abuuraa
Dadal iyo dhamaantii qarankeena sharafta leh waa in laga
danbeeyaa
********
|