Somalida dagan Jönköping iyo nawaxigeeda oo la kulmay wasiir ka tirsan xukuumada Sweden

 


Jönköping, Sweden (TNN)-Waxa manta socod shaqo ah ku timi magalada Jönköping, Wasiirada Isdhexgalka iyo Sinaashaha Nyamko Sabuni oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qarada Afrika.

Soomalida dagan Jönköping iyo nawaxigeeda aya nasiib u helay in ay maanta kulan  layeesha an waasiirada iyaga oo kawada hadlay arimo badan oo khuseeya bulshada Muslimka iyo  kha asatan Somalida degan Sweden arimihii ugu mihiimsana ee ay ka wada hadleen Somalida iyo Nyamka waaxa ka mid ahaa



1. Niqaabka iyo dhibatooyinka ka haysta umadaha Islamka ee dagan dalkan dalalka reer  galbe edka.

2. Barashada luqada Swedishka oo wakhti dheer kuqaadata soogalootiga cusub marka  labar bar dhigo dadkii yimi wakhtigii hore.

3. Dhibaatada kahaysata caruurta kudhalatay wadanka oo aan xaquuqdii ay xaq ugu  lahaa yeen bulshooyinka qaybaheeda kaladuwan, caruurtuna ay ku jaha wereeran labadan dhaqan ee kala duwan


4 Waxaa kaloo su aalo laga waydiiiyey arimaha khuseeya dadk eheladoooda loo keenayo iyo sharciyada cusub ee khuseeya.. waxay ku jawaabtay inaanay wax aqoon ah badan ulahayn, ee ayay arintaa baadhitaan ku samaynayso warbuuxana laga helidoono gacan yaraheeda.

5 Waxaa kaloo lawaydiiyey maxaa dadka baragtiiga (shaqada bila lacagta ah) loogu cabayaa hadii aaan shaqo ku helahayn waxayna kujawaabtay fursada shaqo ayaa uu uga dhawyahay qofka aan baragtiig samayn.

6 Waxaa su,aal duur xul ah lasoo kacaday gabadh ka mid ahayd dadkii shirka kasoo qayb  gal ay oo ahayd Swedish ah oo ay waydiisay ragii soomalida ahaa ee shirka isugu yimid iyadoo tiri xagay ka dhceen dumarkii soomaliyed Ama muslinkuba halkan waxa qudha oo ka muuqdaa  w aa rag sooca?


7- Waxa si aan gabasho lahayn ugu jawabay Xaji Jamac Musa Abiib oo yiri wakhtigu waa  rab adaan waanu soomanahay dumarkayaguna dumarka muslinka ama Soomaaliduba waxay  qay bta libaax kaqaataan barbaarinta qoyskaiyo hawlaha laxidhiidha dhaqanka ee guriga

8- taasoo ahayd weerar iyo difac su,aashuna huwanayd sida ay dumarka soomalidu ama  mus linkuba uga maqan yihiin goobaha siyasada lagu gorfeeyo iyo shirarka oo siyabo kaladuwan loo micnaysan karo.

9- Lakiin Xaaji Jamac Abiib muse oo kamida dadkii ugu soo horeeyay ee soodaga Jönköping  ka na mida odayasha magalada mudo badana daganaa Sweden ayaa fahmay halka ay su,aashu daraan tahay kana bixiyay jawaab dag daga oo aan gabasho lahayn.

Qaban qaabada shirka oo ay lahaayeen

Kamal Maxamed oo ah

Mudane utartamaya

golha deegaanka ee Jönköping oo ah mudane soomaaali ah iyo Anna Murtisson gudoomiyaha xisbiga FP ee Jönköping. Ahna Xubin katirsan golha deegaanka

Shirkuna wuxuu kusoo gabagaboobayey is afgarad iyo wada shaqayn in laga dhex abuuro bulshada islamka iyo swedishka.



Abdilaziz Shabel
shabel77@hotmail.com