"Somaliland Raalli-gelin ayaan u geynay wixii dhacayna w axaa mas'uul ka ahaa Maamul Jiray,"Madaxweyen Sheekh Shariif

 


Muqdisho (TNN) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay aa sheegay in maamulka Somaliland ay u geeyeen ralli gelin maadaama ay tabanayaan tacad di horay loogu geystay, ayna ku heshiiyeen in wadahadalladu ay sii socdaan.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan jeediyay ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshay odayaasha dh aqanka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay inuu rajo weyn ka qabo inay wadahadallada noqdaan kuwo mira-dhala.

"Walaalkaa haddii uu wax kaa tabto waxaa habboon inaad tiraado raalli ahow... waxaan u ge ynnay raalli ahaada, wixii dhacay in laga wadahadlo ayaan ogol nahay, laakiin nidaam jiray o o dhibaatadiisu cid walba gaartay ayaa  mas'uul ka ahaa arrintaas," ayuu yiri madaxweyna ha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya ay ka dhacee n dhibaatooyin fara badan, isagoo xusay in kulankii dhacay la iskula gaaray in la isi saamax no, maadaama walaalo la yahay Soomaalina la yahay lana wada-fariisto.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka inay dedeji yaan xulidda ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, isagoo xusay inay ka go'an tahay in xilliga KMG ah lasoo gabagabeeyo 20-ka Ogoosto sannadkan.

"Howlo badan oo dowladda aad u qaban lahaydeen ama aad iskiin u qabsan lahaydeen ayaa jira, waa inaad soo dedejisaan ergada ansixinta dastuurka iyo xildhibaannada cusub si xilliga KMG ah loosoo afjaro," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dalbaday in fursad la siiyo haweenka uu damaca kaga jiro siyaasadda dalka, sidoo kalena aan lagu xad-gudbin tirada loo qoondeeyay haweenka.


Source:HOL