“Barnaamijyada Horumarinta Waxa Aanu Ka Samaynaa Deegaamada Ay
Suurtagal Ka Tahay In Aanu Ka Fulino, Hadii Aad Eegto Somalia Iyo
S/land Waxa Aad Si Cad U Arkaysaa In S/land Tahay Halka Ku Haboon”
Ambassador-ka Midawga Yurub U
Qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Georges-Marc Andre
Hargeysa, (TNN) – Wefti uu hogaaminayey Ambassadorka Midawga Yurub u
qaabilsan Somaliland iyo Somalia Georges-Marc Andre oo dhawrkii
maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay dalka oo shalay ka amba
baxay dalka ayaa hadlay Barnaamijyada Horumarineed ee Somaliland ay
ka wadaan Midawga Yurub oo ay ka mid yihiin la dagaalanka
Saboolnimada, Budhcad Badeeda iyo Kobcinta Dhaqaalaha.
Weftigan oo intii aanay ka dhoofin dalka Shirjaraa’id ku qabtay
Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa kaga hadlay
Barnaamijiyada horumarineed, heshiiska budhcad baddeeda ee Sey
chelles lagaga soo wareejinayo Maxaabiista Budhcad Baddeeda iyada oo
loo soo wareejinayo Xa bsiyada Somaliland.
Ugu horayn Ambassadorka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo
Somalia oo ka hadlaya xu ska maalinta Haweenka aduunka ayaa
tilmaamay in Haweenku ay door mug leh ku leeyihiin bulsh ada
Somaliland, maadaama oo ay yihiin aqlabiyada shacabka, waxaanu yidhi
“Xuska maalinta haw eenka ee waa mid muhiim ah, maadaama oo ay
yihiin aqlabiyada bulshada, isla markaana maalin waliba waa maalinta
haweenka, maxaa yeelay waxa ay xanaaneeyaan caruurta, barbaariyaan
waxna baraan waanay u shaqeeyaan siday u quudin lahaayeen, hadii
bulshadu ay u socoto jiha da saxda ah, marka ay dhacaan wax aan
qurux badnayni oo dhibaato badani ay la soo daristo ama Khilaafyada
iyo dagaalada oo badanaa dhibanaha ugu badani ay yihiin Dumar iyo
Caruurta”.
Georges-Marc Andre, mar uu ka hadlayey siyaabaha loo horumarin karo
Bulshada ee looga horta gi karo caqabadaha ay saboolnimadu ka mid
tahay ayaa waxa uu yidhi “Waa inaynu nidhaahnaa sideebaa bulshada
loo horumarin karaa, sidee ayay bulshadu wada jir ugu shaqayn kartaa
iyaga oo is qadarinaya, Taas oo ah inaynu wajahno waxa aan ogahay in
shacabka Somaliland ay filaya an inay ka gudbaan caqabadaha horumar
la’aanta oo ay guulaystaan, waxa aanu ka hadalnay Siyaasada,
Horumarka, waxa aanu ka hadalnay sidee ayaynu u kobcin lahayn
Ganacsiga, sidee ayaynu u taageernaa Shacabka Somaliland, oo aynu
sidoo kale ula dagaalami lahayn Budhcad Ba ddeeda iyo Fakhriga oo
aanu u horumarin lahayn tayada bulshada oo laga taageeri karo
dhinacy ada waxbarashada iyo sidii haweenku door mug leh ay uga
ciyaari lahaayeen oo ay uga qayb gali lahaayeen hawlala waxbarashada,
taas oo inta badana laga horjoogsadaa.
Taasina waa wixii aanu saaka isla falanqaynay, oo aanu ka wada
hadlanay Madaxweyne Siilaanyo , waxaanan odhan karaa dhamaan
mawduucyadaasi waa kuwo wanaagsan”.
Ambassadorka Midawga Yurub u qaabilsan arimaha Somaliland iyo
Somalia oo xukuumada Madax weyne Siilaanyo ku amaanay doorka ay ka
ciyaartay la dagaalanka budhcad baddeeda ayaa wa xa uu yidhi “Waxa
aanu Madaxweynaha ugu hambalyeynayaa sida dawladda Somaliland ay ula
dagaalantay budhcad baddeeda, waxaan Madaxweynaha Somaliland ku
bogaadinayaa heshiiskii uu saxeexay ee maxaabiista Budhcad baddeeda
ee Seychelles ku xidhan loo soo wareejiyo Xabsi yada Somaliland,
waxa kale oo aanu isla eegnay arimaha budhcad baddeeda oo ah arin
saamayn ku leh aduunka. Xiligana Maamul goboleedka Somalia ee
Puntland oo ah ubucda ay ka unkanto budhcad baddeedu ayaa waxa ay
xaqiiqdu noqotay inay ka dhalatay faqriga, habka ugu wanaag san ee
lagula dagaalami karo budhcad baddeeduna waxa weeyaan, inaynu
samayno horumarin ah kobcinta dhaqaalaha iyo in la hubiyo in ku
dhaqanka sharciga lagu fidiyo gobolka.
Sida aan hore u idhi haweenku waxa ay yihiin kuwa maamula qoyska oo
haddii uu waxoogaa dakh li ah ay helaan waxa ay ugu diraan caruurta
Iskuulada. Waxaana jira dumar badan oo iyaguna u soo baxay sidii ay
ganacsi u abuuri lahaayeen”
Ambassadorku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Sidaaad
ogtihiin barnaamijyada horum arineed ee inta badan aanu fulino
waxa aanu ka samaynaa meelaha ama deegaanada ay suurta gal ku tahay
in aanu ka fulino, hadii aad eegto Somalia iyo halkan waxa aad si
cad u arkaysaa in Somaliland ay tahay halka barnaamijyada
horumarineed ay ku wanaagsan yihiin in laga hirgaliyo, waxa aan ku
siinayaa tusaale ah Caawimada Midawga Yurub ee sanadkii 2008-dii
ilaa 2013-ka ee dhinaca hurumarinta in ka badan 500 Milyan oo Yuuroo
aanu 70% ka mid ah aanu galinay Somalil and, isla wakhtigaana EU-du
waxa ay ku maalgalisay 242 Miyan Euro ilaa imika gargaarka bani’a
adanimo.
Sidaa daraadeed maaha talaabada kaliya ee aanu qaadnay, waxa aanu ka
shaqaynaynaa oo aa nu mashaariic badan oo maalgalineed aanu ku
samaynaynaa dhinaca Biyaha oo aanu hada barna amij weyn aanu
bilaabayno, waxa aanu kordhinayn ka shaqaynta iyo horumarinta
Waxbarasha da, Horumarinta Baadiyaha iyo sidoo kale Xoolaha Nool.
Barnaamijyada aanu Maalgalino waxa ay noo ogolaanayaan in Xoolaha
Somaliland iyo Gobolkaba loo dhoofiyo wadamada jaarka ah, gaar
ahaana Gacanka Cadan, iyadoo sanadkii la soo dhaafayn a dekeda
Berbera laga dhoofiyey xoolo gaadhaya 4.2, kuwaas oo loo dhoofiyey
gacanka Cadan, taasina waxa ay muujinaysaa talaabada hore loogu
qaaday Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland”.
source:haatuf
|