“Somali-Wayn Isku Gaynteediibaa Dib Looga Shaqaynayaa, Waa Iyadii oo Dadban, Ha Yeelina Taasi Waa Xaaraan...”

 

Mujaahid Adan Muxumed Diiriye (Adan Ruush)

 



“Waar tagista Xamar iyo London miyaanay wax u dhaxayn! horta Xamar iyo London miyaanay wax u dhaxayn! ma dalxiis baynu ku jirnaa...?”
 Muj. Adan Ruush



Hargeisa (TNN):- Mujaahid Adan Muxumed Diiriye (Adan Ruush) , oo ka mid ah siyaasiyiinta Go bolka Gabiley ee xilalka Wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadii Dahir Rayaale ,oo xaflad lagu aas aasayay urur siyaasadeed cusub ka hadlay, ayaa eedayn u soo jeediyay xukuumada Kulmiye ee uu Axmed Siilaanyo Madaxwaynaha ka yahay gaar ahaan Siyaasada Arimaha Dibada oo uu ku t ilmaamay mid ka liidata halkii ay maraysay labaatan sanno ka hor.


Adan Ruush, ayaa markii makarafoonka lagu soo dhaweeyay ugu horayn uga mahad celiyay ka soo qayb galayaashii xafladaasi isagoo si guud uga waramay nidaamka siyaasadeed ee furasha da ururada iyo laalistii diiwaan galintii codbixinta ee golaha wakiiladu u codeeyeen, isagoo mark ii danbena si guud u naqdiyay siyaasada xukuumada talada dalka haysa dhaliilo faro badana hal kaasi ugasoo jeediyay.


Adan Ruush, oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “inta lacag ku baxday, ee kharash ku baxday, ee socod ku baxday, ee siyaasad ku baxday, haddii dh aqaalaha dalka la galin lahaa dalku maanta horuu u mari lahaa. Annuu waxaan odhan lahaaba intaan tagayo bal ictiraaf iyo siyaasadan dibada aynu dhisnoo bal aynu horta gudeheena dhis no oo nabad galyadeena iyo gudeheena dhsino bal ictriaafku isagaa ina soo doonan doonee. Markaan barwaaqo samaysano ee nabadgalyo samaysano ictiraafku isagaa ina soo doonan doo nee. Oo waxyaabaha dawladuhu xeeriyaan markay doonayaan inay ku ictiraafaan ee ay kaa eegayaan. Maanta waynu hananay inta badan nabad galyadeena.”


Adan Ruush, mar uu dhaliilayay siyaasada Arimaha Dibada ee dalka, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “In dib loo noqdo maahee waa in halkii hore loogasii socdaa. Waar tagista Xamar iyo Lon don miyaanay wax u dhaxayn! horta xamar iyo London miyaanay wax u dhaxayn! Ma dalxiis bay nu ku jirnaa? Wuxuun ha la soo hooyo, mee wixii la sheegayay. Wax la taaban karo siyaasadii Arimaha Dibada lagama qaban.”


Dhinaca kale Aadan Ruush, mar uu ka hadlayay ganacsatada alaabooyinka soo dajisa inay soo faro galiyaan siyaasada dalka, waxaanu uga digay meelaha ay ka keenayaa alaabooyinka sida koonfurta oo uu sheegay inay dadka reer Somaliland heegan ugu jiraan sidii ay u ilaashan lahaa yeen, isagoo arintaa ka waramayana waxaa uu yidhi “Waxaan leeyahay shirkadaha iyo baayac mushtarkana, ku ekaada baayac mushtarkiina. Lacagta aad dalka ka hesheen siyaasada ha ku bixinina. Oo markaad dibadaha ka keenayso alaabta ee Putland ka keenayso ee Hargaysa ku qudhminayso dadka maxaad u haysataa. Dadku dalkooda way ilaashanayaan. Somali Wayn isu gaynteediibaa dib looga shaqaynayaa. Waa iyadii oo dadban ha yeelina taasi, waa xaaraan.”


Gebo gabadiina , waxaa uu Siyaasigaasi ruug cadaaga ahi ka waramay,  waxyaabaha laga doon ayo urur siyaasadeedkan cusub ee maanta halkan lagaga dhawaaqay, isagoo sheegay inay had iyo jeer marka urur lasoo bandhigayo ururkaasi soo qoro himiladiisa oo si qurux badan loo soo qoray laakiin kani waxa la soo qoray iyo waxa la leeyahayba ay ka rumayn doonaan.


Dadwaynaha reer Somaliland ayaa baryahan danbe aad u dhaliila siyaasada Arimaha Dibada So maliland taasi oo intooda badani aaminsan yihiin in ay xukuumada Siilaanyo iyo Wasaaradeeda Arimaha Dibadu ,si wayn ugu hawlan yihiin in Somali wayn dib loogu noqdo, taasi oo ay dadka s iyaasada ka faalooda badankoodu ku sababaynayaan in shirarka Dawlad Goboleedyada ee laga qay galayo iyo mucaawimooyinka dawladaha gaarka ah ee Maraykanka iyo Ingiriisku siiyaan da wladeena ay tahay dabinka kaliya ee ku khasbaya xukuumada Somaliland inay iska ilaawaan wa x la yidhaahdo Somaliland, kana shaqeeyaan midnimadii dawladii Soomaaliyeed. Dadka qaarbaa aaminsan inay tahay arinta kaliya ee wakhtigii ololaha doorashadii madaxtooyada Somaliland ay ku taageereen dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku.
 

 



Axmed Sheekh Nuur Ducaaleh (Ahmed Biito)
Timacade News Desk
Hargeisa Somalialnd
ahmed_biito@hotmail.com