Socdaalka qarsoodiga ah ee Mahiga ku yimi Hargeysa

 

 



Waxa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoob a ee arrimaha somalia,ama si kale haddii loo dhego madaxa xafiiska siyaasadda ee somalia UNPOS, sh akhsigaa isaga ah oo ah dadka xoogga oga soo horjeeda gooni-isutaagga somaliland isaga oo mar ka sta oo uu warbixin gudbinayo uu ku sheego somaliland gobol nabdoon oo ka mid ah somalia, isaga oo dhowaan hor geeyay golaha amaanka in distoorka loo wada somalia laga soo qayb geliyo gobolada n abadda ah gaar ahaan somaliland iyo somalia. Ciddii la socotayna dib ayaan ka soo sheegi.


Imaatinka Mahiga ee magaalada Hargeysa waxa si buuxda looga qariyay dhamaan hayadaha qarank a, sida golayaasha wakiilada iyo guurtida iyo weliba xisbiyada siyaasadda, waxa si gaar ah ogu hawl an arrimaha mahiga wasaaradda arrimaha  debedda ee somaliland oo runtii ka leexatay rabitaankii iyo himilooyinkii shacabka somaliland.

Mr Mahiga ayaa waxa uu beryahanba maleegayay shirqoolo ka dhan ah somaliland isaga oo ka faaiida ysanaya qorsha laŽaanta wasaaradda arrimaha debedda iyo weliba heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee Xisbiga Kulmiye la galay dawlado iyo ururo ka soo horjeeda in somaliland noqoto dal madax banaan,si da heshiiskii lala soo galay Donald Payne oo gaar u ahaa Guddoomiyihii iyo xoghayihii arrimaha debed da ee Kulmiye ee xiligaas iminkana ah Madaxweynaha iyo wasiirkiisa arrimaha debedda.

Madaxan xafiiska siyaasadda ee somalia waxa imminka xafiis looga furayaa Hargeysa iyada oo la  hu bo in xafiiskan iyo hawlwadeenadiisuba si adag oga soo horjeedaan qarannimada iyo madaxbanaani da somaliland, xafiiskaas marka laga furo Hargeysa waxa uu noqon doonaa goobta laga minjo xaabiyo dalka laguna wiiqo xasiloonida iyo deganaanshaha somaliland.

Xukuumadda Kulmiye waxa hagaysa siyaasad debedeed oo ku salaysan dhaqaala raadin, iyo  xukuum adda oo aad moodo inay wax kasta lacag siisanayso, iyada oo la og yahay sida qaawan ee loo  booba yo khayraadka dabiiciga ah ee dalka , waxaana tusaale inoogu filan dhagxaantii macdanta ahayd ee garoonka diyaaradaha ee Hargeysa uu ka  sii daayay wasiirka duulista hawadu isaga oo qiray inuu is agu awoodiisa adeegsaday oo uu sii daayay macdantii iyo ninkii ajnebiga ahaa ee sitayba, waxa kale oo iyana wax lala yaabo ah in xubnihii Kulmiye ugu taageerada badnaa loo fasaxay si gabasho laŽaan ah inay gurtaan ciidda birta u badan ee Xeebta Batalaale, waxa kale oo iyakuna soo socda koox kale oo taageerayaasha Kulmiye ah ayaa loo diyaarinayaa inay iyaku gacanta ku dhigaan isku xidhka isga adhsiinta somaliland iyaka oo soo watay koox faransiis ah oo ku andacoonaysa inay iyaku hawsha fulinayaan.

Khayraadka dabiiciga ah ee dalka goob kasta ha ku jiro eŽ waxa uu ka dhexeeyaa dhamaan shacabka dalka, loomana qoondayn karo in ashkhaas gaar ah gacanta laga geliyo, wax kasta oo xukuumadan boob doonka ihi ku bixiso qandaraas  laŽaan waa xaaran waana waxba kama jiraan, waxa aan leeyah ay dalka inaa maamushaan oo horumar keentaan ayaa la idiin doortay ee ka daaya hantida qaranku leeyahay boobka, haddii xukuumaddu joojin weydo boobkan qaawan waxa  shacabku ku khasbanaan doonaa inay ka ilaaliyaan boobka degaanada ay ku noolyihiin.

Waxa cad in qorsha laŽaanta siyaasadda arrimaha debedda ee xukuumadda Kulmiye waxa ay u eg  ta hay in wadanka loo baahan yahay in laga baadbaadiyo muqlowgan siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye, Xisbiyada Mucaaradka ah iyo dhamaan hayadaha qaranku si qoto dheer ha u eegaan xaaladda guud ahaan dalku marayo,hana qiimeeyaan  arrimaha nabad gelyada, siyaasadda arrimaha debedda, dhaq aalaha iyo nolosha bulshadu ku sugantahay.

 



La soco tafaasiisha imaatinka Mahiga iyo waxa laga wada hadlay qoraalka danbe.

 

 

 

 

Ibrahim Duale Sulaiman