Faalada
Maanta: Siillaanyo: Tallaabo Fudud Oo Wax Weyn Ka Bedeshay
Taariikhda Dalka Iyo Duruufta Ku Gadaaman

Hargeysa (TNN)-Xarunta Madaxtooyada waxa weli ka sii muuqda
Murashaxii Xisbiga UDUB (R ayaale), ee kalsoonida dadka waayey,
oo ay maalmo uga hadhsan yihiin muddadii uu sharci gu siiyey
in uu Xafiiskaasi sii fadhiyo.
Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo aan
isagu weli soo g aadhin Qasriga Madaxtooyada ee dalka ayaa
durba, la yimid tallaabo muujinaysa Niyadsami diisa iyo weliba
Waaya-aragnimadiisa oo dabcan ah ta lagu doortay. Madaxweynaha la
doo rtay, waxa uu qaaday tallaabo la yaab leh oo muuqaal ahaan noqon
karta mid fudud, balse qiime weyn leh taariikhda dalkana wax weyn ka
bedeshay. Madaxweynuhu waxa uu magac aabay guddi ka kooban 15
Xubnood oo uu faray inay ka soo tallo bixiyaan tirada, iyo
Qaab-dhismeedka Xukuumada cusub ee uu hogaamin doono.
Marka intaas oo keliya lagu hakado, waxa ay muujinaysaa in uu
Madaxweynaha la doortay yahay:
1. Nin garanaya baahida Rasmiga ah ee
Dadkiisa iyo dalkiisa wakhtigan.
2. Hogaamiye u bisil Nidaamka nololeed
iyo Cahdiga la joogo oo ah in uu Hogaamiyuhu la tash ado kuna
shaqeeyo tallada dadkiisa si uu isu waafajiyo Baahidooda iyo sida
ugu haboon ee ay uga gudbi karaan,horumarna ku gaadhayaan.
3. Hogaamiye garanaya wixii uu
wakhtigiisa, Cimrigiisa, Nolosha Qoyskiisa iyo Naftiisaba u hu
rey, haatana doonaya in uu taabto, oo uu mar uun Haakah yidhaahdo.
Hogaamiye isku wadi kara Dadka intii mab’da ahaan ku raacsanayd ee
isaga dooratay ama la Xisbi ahayd, intii ka codaysay iyo inta uu
Aqoonta bidayo.
Intaas oo dhan marka laga yimaado waxa muuqata in uu Madaxweynaha la
doortay wakhti gan ku sugan yahay Marxalad kala guur ah oo ay
raaligelin uga baahan yihiin Dadkiisa oo is ugu jira kuwii
isaga la Xisbiga ahaa oo Dabcan qadarintooda leh, kuwii ka codeeyey
oo sidoo kale qadarintooda leh iyo Qurba-jooga oo aan codayninba.
Waxa intaa dheer oo iyaguna Culeys ku haya Salaadiinta, Madax
dhaqameedka kale iyo Oda yaasha magaca leh oo sidii ay la soo
qabsadeen sugaya in uu Codkooda dhageysto oo uu w eliba Aqbalo,
waxa kale oo intaa dheer Dadka kale ee gudda iyo dibedba gacan ka
geystay Halgankii adkaa iyo Dagaalkii xumaa ee uu Madaxweynuhu
hormoodka ka ahaa Xilliyadii SNM iyo dib u soo celintii guushii SNM.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha la doortay waxa Maanta dul yaala
culeys ka badan kii hore u saarnaa marka laga eego dhinaca Qadarinta,
Isku-wadka Dadka, marka geesta ka le laga eegana ka fudud maadaama
uu Maanta yahay Madaxweynihii dalka, horena uu u ah aa Hogaamiye,
Shacbiga intiisa badan wata isaga oo aan Kursi Qaran ku fadhiyin.
Tallaabadan uu haatan Madaxweynuhu ku igmaday guddida ee uu ugu xil
saaray in ay ka soo
talliyaan Qaab-dhismeedka iyo Tirada xukuumada cusubi iyo weliba
go’aanka Guddida ee uu Madaxweynuhu aqbalay waxa ay si wanaagsan u
iftiiminayaan, Isbedel taariikheed iyo waxt ar weyn oo u
Hillaacay Dalka iyo Dawladinimada. Hore waxa u jirey oo ay
tallaabadani bedeli
doontaa Nidaam-siyaasadeed ay soo adeegsadeen Madaxweyneyaashii
isaga ka horeeyey gaar ahaan labadii ugu dambeeyey, kaas oo ahaa in
uu Qaab-dhismeedka Hogaanka dalku g aar ahaan Xukuumadu qaarka sare
ka naaxo, ka dambena ka Naafoobo.
Taas oo sabab u ahayd in ay Somaliland ilaa maanta Fadhiid ahaato.
Nidaamkan cusubi waxa uu korinayaa oo uu wax ku kordhinayaa Baahida
rasmiga ah, oo ah inay Aqoonta iyo farsam adu shaqayso,
waxaanu ka rarayaa in ay Siyaasada oo keli ahi shaqayso.
Ugu dambayn Madaxweynaha la gudboon in uu sida taariikh ahaan laga
filayo iska iloobo Ca daadiska iyo cabudhinta ay ku hayaan
kuwii marka horeba mashquuliyey Ragii isaga ka hore eyey. Waxa
kale, oo laga filayaa in uu Ixtiraamo aqoonta iyo inta mab’da ahaan
isaga kula
soo shaqaysay in uu mar uun Dalku halkan soo gaadho, horena uga sii
gudbo. Shacbigana w axa la gudboon in aanay ku kha lkhalin oo aanay
la yaabin isbedelkan oo la hubo in uu yahay mid ay Dani ku jirto
Noloshooda dhaqaale iyo tooda Dawladnimo intaba.
Xubnaha Xisbiyada kale, ee aan KULMIYE ahayn iyagana waxa la gudboon,
in ay la qabsada an oo ay Hogaanka cusub la wadaagaan
tallaabadan horumarka ah, waa haddii ay marka ho reba taageeradoodii
Xukuumadaha hore amaba se Xukuumadaha kale ee cusub ee ay
talla da la doonayeen ka dhab ahayd. Reer Kulmiye-na waxa la gudboon,
guddo iyo Dibedba in ay marka hore ku qancaan in ay guuleysteen kol
haddii uu Xisbigoodu yahay Hogaankii dalka, markaa wixii ka
dambeeyana ay taageeraan Natiijo kasta oo ka dhalata Magacaabida
Xuku umada cusub ee la sugayo. Iyaga oo og in ay haatan Derejada
Muhiimka ahi tahay Aqoonta iyo Farsamada (Agaasimeyaasha), balse
aanay ahayn Kuraasida siyaasada oo la hubo in aa nay Macne ahaan
noqon doonin kuwii hore oo kale.
Wargeyska Saxansaxo
|