Madaxwaynaha
Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo maanta
la dhaariyay iyo khubdii Dhaxal galka ahayd ee Madaxwayne Rayaale
Madasha ka jeediyay.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Waftiyo balaadhan oo ka kala socday
wadama jaaarka ah sida Ken ya, itoobiya, jabuuti..
Hargeysa (TNN) :- Xaflad balaadhan oo
lagu dhaarinayay madaxaynaha cusub ee Jamhuuriyada Somalil and
Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan
Saylici ayaa maanta lagu qa btay xarunta qasriga madaxtooyada
Jamhuuriyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Waftiyo balaadhan oo ka kala socday
wadama jaaarka ah sida Ken ya oo uu ka socday wafti balaadhan
oo uu hogaminayo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya F
aarax Macalin iyo 17 xubnood oo ka socda baarlamaanka Kenya, sidoo
kale waxa ku sugnaa wafti balaa dhan oo uu hogaminayo wasiirka
Warfaafinta Jamhuuriyada Jabuuti Cali Cabdi Faarax , iyo wafti kale
oo ka socday dalka Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiirka dalxiiska ee
dawlada Federaalka Itoobiya iyo xu bno sare oo ka socda
safaaradaha reer galbeedka ee ku yaala wadamada jaarka ah.
Xafladan oo ahayd mid si gaar ah lo soo agaasimay si aadna
amaankeeda loo adkeeyay kuna sugnaa yeen madax sare oo ka
tirsan xisbiyada qaranka Somaliland ,Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahano,
Abwaa no, Golayaasha Sharci Dajinta iyo Guurtida, Qurbajooga
somaliland iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Ismaaciil
Oomane ayaa dhaariyay madax waynaha cusub ee jamhuuriyada
Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa
Cabdiraxm aan Saylici kuna Dhaariyay kitaabka quraanka ah intay
hayaan xilka 5 sanadood ee soo socda inay Daa cad unoqon
doonaan Dalka somaliland.
Dhaartu markiii ay dhacday ayaa waxa sawaxan iyo sacab dheer ku soo
dhaweeyay madaxwaynaha cusub iyo kuxigenkiisa dhamaan dadkii madasha
ku sugnaa oo si wayn oo qiiro ku jirtougu sacabtumay.
Ugu horayn waxa hadal qiimo badan ka soo jeediyay madaxwaynaha
jagada ka dagay Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo sheegay inuu aad ugu
faraxxan yahay inuu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee xilka si
dimuqradiyad ah ku wareejiyay, waxaanu amaanay sidii sharafta iyo
karamada u jirtay ee dadka reer Somaliland doorashada uga qayb
galeen waxaanu balanqaaday inuu la shaqaynayo xukuumada Cusub ee
xilka la wareegaysa.
Mudane Dahir Riyaale Kaahin wuxuu aad ugu faanay inuu noqdo
madaxwaynihii ugu horeeyay ee dimuq raadiyada iyo doorashadaba
ka hirgaliyay Somaliland.
Mudane Riyaale wuxuu qiray in xilku yahay mid adag oo shaqo badan u
baahan isla markaana loo baah an yahay in dawlada cusub la
garab is taago.Mudane Riyaale wuxuu aad ugu mahadnaqayn Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay inuu ka dhaxlayo dawlad iyo
qaran dhisan oo uu sheegay in loo baahan yahay in halkaa laga sii
wado himilada lagu doonayo in wadankan aqoonsi calami ah logu
raadinayo.
Mudane Riyaale wuxuu sheegay inuu wadamada jaarka ah la yeeshay
xidhiidh sokeeye oo uu sheegay in xidhiidh kasta oo lala samamyanyo
wadamada jaarka ah uu yahay furaha qadiyada Somaliland.
Wuxuuna mudane Riyaale ku soo gunaanaday in ul iyo diirkeed la noqdo
mudnaantana la siiyo sidii layskugu duubnaan lahaa iyadoo dawlada
cusub u baahan tahay in qofkasta garab ku siiyo sidii dawl ada cusub
u dardar galin lahayd hawlaha shaqda laga sugayo.
Sidoo kale waxa goobta hadal kooban soo jeediyay ayaa amaan u soo
jeediyay dhamaan waftigii ka socday wadamada Jaarka ah ee Kenya,
Jabuuti iyo Itoobiya iyo wafitga qaaliga ah ee kasoo qayb galay
xafaldan dhaarinta ah ee ka dhacaysay xarunta madaxtooyada
Jamhuriyada Somalel and e Hargeysa.
Mudan Axmed Siilaanyo wuxuu qiray in xilka loo dhiibay yahaya mid
aad u wayn , waxaanu balan qaad ay in xilka loo dhiibay sidii
uga haboon ugudan doono.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo Waxa uu mah ad naq balaadhan u soo jeediyay
Waftiyadii kala duwanaa ee ka soo qayb galay xaflada, Waxa kale oo
mahadnaq u diray Madaxwayne ismaaciil Cumar Geele iyo Raysal
Wasaaraha itoobiya oo hambalyeeyay Doorashooyinkii Somaliland,
Madaxwayne siilaanyo oo hadalkiisu aad u gaabnaa ayaa sheegay inuu
barri ku dhawaaqi doono xukuumadiisa , isla markaana uu soo jeedin
doono qudbad ku aadan xilka loo dhiibay .
Xafladan oo ahayd mid aan hore loo arag isla markaana nidaamka iyo
kala danbaynta aad u wacnayd , waxaana goobta ku sugnaa dad tiro
badan oo ka socda dhamaan qaybaha bulshada Somaliland ka kooban
tahay, xafladan oo amaankeeda si wayn u sugayeen ciidmada amaanka
iyo ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Somaliland oo gaaf wareegayay
gudaha iyo dibada madaxtooyada .
Madaxtooyada Somaliland horteeda ayaa waxa ku sugnaa kumanaan qof oo
ka dhursugayay kuna Far axsanaa Xilwareejinta ka dhacaysa
Somaliland iyo dhaarinta madaxwaynaha Cusub. waxaana dareenka dadka
aad ugu dheeraa in mar uun maqlaan xilka ka kal warejinta oo si
habsami ah u dhaca.
Mustafe C/kariin (Mustafe Future)
Timacade News desk
Hargeysa Somaliland
|