Xummadii kulmiye oo Kasaan jabtay, karkii iyo kulaylkii Qabyaalada oo hoose u dhaadhacay dhawr karkaar.

 



Dawlada Qaadhaan Diidyada Ee Tayada Leh.


Maanta ayaan M/weyne Axmed Maxamed Maxamud Hanbalyaynayaa. Lug danbeysid waxaan u noqday waxaan iska hubsanayey bal dadka ummaddan u adeegya ee uu magacaabo. Ma  mashxa radayo laakiin waxaan ku farxsanahay qaadhaan diidkii beelaha ayuu hawlgeliyey.

Waxaan werwer weyn ka qabey oo aan is odhan jirey markaan eego gadaha M/weyne Axmed M axamed Maxamud:“Dibi gaboobey iyo awr duqoobey midna dib looma laylyi Karo”.


Haddana sidaas oo ay tahay marwalba waxaa masgaxdayda ka guuxi jirey markuu dhalinyarada ahaa ee Xamar la joogey halhays uu yidhi oo ahaa: “Reer waqooyigu umma baahna aabahay  go blan ee waxay u baahan yihiin nidaam dawli ah oo cadaalad ku dhisan.”.

Waxaa kale oo weli masgaxdayda ka sii qoyan, oo jirtey in muddadii uu halganka ku jirey maalinta laga waraysto BBC-da codkarnimadiisa, aftahanimadiisa iyo haybadiisa hogaamineed uu  hadalkii su taaban jirey qofkasta oo Somaliyeed oo dhegeysta. Boqolaal baasuuqe oo ciidanka SNM rido ayuu hadalkiisu la qiimo ahaa.

Haddaba maanta markaan arkay kooxda uu xushay aad ayaan ugu farxay, inkasta oo xaq u  leey ahay in uu markuu doono bedeli karo oo aanan is wada siineyn, waayo hore ayaan ugu soo  joog ey magacyaan xanbaarsan sixir iyo burhaan, buurta dheer dhakadeeda lagu karo, kadibna mid mid loo soo shalwiyo, Oo guulwadayaal iyo nin beelaysan lagu bedelo. M/weynaha ayaa ka mid ahaa, dhallinyartii mutacallimiinta ahayd ee Siyaad Bare dadka judhii hore ka iibiyey ee safka hore la soo wadhay.Waxba yaanan xusuustaa si wadine, waxaan ku soo ooday:



“Haddii uu isleeyahay toga kaga talaw oo isticmaal isagaa Axdigii iyo Aaminkiiba furaaya oo aftida yda ma haysto”.



Dawlada uu Madaxweynuhu soo dhisay waa dawlad tayo ka muuqato oo aqoon iyo xilkasnimadi k u dheehan tahay. Badankoodu beel ku faanta iyo beel ay ku faanaan midna ma jirto. Dawladu  wa xay ka kooban tahay qaadhaan diidka beelaha oo lagu yara dhex badhxay Qaadhaan ururiyaashii iyo calan sidayaashii Kulmiye ee qurba joogta.

Waxaa kale oo uu M/weynuhu u sed kordhiyey Haweenka oo saamigoodii hogaaminta dalka  wux uu gaadhsiiyey sedex jago. Taasina waxay muujinaysaa isbedelka bulsho ee soconaya in uu la  ja anqaadaayo. Haddii beelaha cid soo dirta la yidhaa ma jirto beel gabadh soo dirsanaysaa, beel waliba waxay keeni lahayd laba xiniinyoodle wax boobi yaqaan.

Haddaba shacbiga waxaa la gudboon in ay isha ku hayaan sida hawsha loo wadaa in ay sidii  rabe en ee codka ku bixiyeen ay tahay.

Golaha Adeegayaasha shacbigu waxa kale ma ah, waa kuwaad u dirateen in ay idiin adeegaan oo masharka siisaan. Ha u qaadanina marka la idin yidhaa waa wasiir in madax idiin yihiin. Idinka  ay aa u madaxa oo ku lacag siiya in uu mid adhiga idiin raaco, mid geela idiin raaco, mid lo’ada idiin  r aaca, mid beerta idiin falo, mid maqasha raaca, mid nirgaha soo xereeyo. Mid dameeraha iyo  fard aha idiin jiro. Waa raga aad canaan lahaydeen hadduu geelu xera ka waydaarto oo uu waraabe cunno. Madax baad tihiine shacbiyow ayaan la idinku baqamaalin kelmadaha afka qalaad sida  wa siir oo kale, Midbaase jirta khaadimkaaga haddii aad ka doonto wax qalad ah oo qaloocan oo  aan ad xaq u lahayn, isaga ayaa kuu madax noqonayaa. Dawladu waa boyso idiin adeegeysa waxaad xaq ugu leedihiin ka doona, ha ka doonina waxaanad xaq u lahayn, leex leex iyo laablaab haddaad kula dhaqantaan, waxaad u fasaxdeen in uu xilkaad u dhiibateen danihiisa gaar u adeegsado.



Ragga iyo haweenka la doonayo in ay isbedelkii loo baholyoobey hirgaliyaan waa kuwan  qaadha an diidyadii iyo Maasiyada loo kala diray. Colka xogiis waxay doonayaan in beelaha loo adeego ee aan loo adeegsan magacooda dano gaar ahaaneed, waa sidaan ku bartay anigu qaar badan oo ka mid ah, haddii ay ged cusub la soo baxaan waaba loo wada joogi.



1. Meesiga Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Qaadhaan diid Maxamed C/laahi Cumar. Iskii iyo kartidiisa

2. Meesiga Arimaha Gudaha Qaadhaan diid. Maxamed Cabdi gaboose waa qaadhaan diid heer  qar an ah oo doonaya in aan beesha la adeegsan ee loo adeego.

3. Meesiga Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Qaadhaan diid. Sacad Ali Shire. Shaqo iyo qaran mooyee beeshiisu hore duco iyo habaarba ugala quusatay

4. Meesiga Maaliyada Qaadhaandiid Maxamed Xaashi Cilmi Qaadhaan diid No. 1 shaqo iyo qalin aan agoonta lagu xadin oo aan dhiig qabiil lagu khadayn ayuu sitaa oo uu la god gelayaa.

5. Meesiga Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Qaadhaandiid Xuseen Axmed Caydiid. Waa safka hore ma innagaa aragnaba beel magaciisa ku tasbiixsanaysa


6. Meesiga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan dhaqan ahaan waa qaadhaa ndiid oo sidoodaba haweenka qaadhaan lama weydiin jirin , xilna looma dhiiban jirin.


7. Meesiga Caafimaadka Qaadhaan diid Xuseen Muxumed Maxamed Ma hayno beel ku tasbiixsata amma uu ku tasbiixsado

8. Meesiga Gaashaandhiga qaadhaandiid Axmed Xaaji Cali Cadami Waa hore ayuu kud iyo cadha ba reebay oo ay beelnimo kala quusteen beel tirsanaysa iyo beel uu tirsanayaa midna ma jirto.

9. Meesiga Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif Axmed

10. Meesiga Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga qaadhaandiid Axmed Xaashi Oday beel uu dudayu iyo beel ka dudayaa midna ma jirto

11.Meesiga Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibraahin Maxamed

12. Wasiikra Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare

13.Meesiga Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil C/laahi Axmed

14. Meesiga Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac

15. Meesiga Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan

16. Wasiikra Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale

17. Wasiikra Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar

18. Meesiga Beeraha Qaadhaan diid Faarax Cilmi Maxamuud

19. Meesiga Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabd

20. Meesiga Warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan (Geel jire)

 

 

 

Hamud Duale