Madaxwayne Siilaanyo oo goor dhawayd Xilkii ka qaaday Taliyihii
Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihii Ciidanka.

Madaxweynuhu waxa uu Xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidamada
Qaranka Mudane,Maxa med Xasan Cabdilaahi (Jidhif)......
Hargeysa,9 Feb,2012- (TNN)- Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland
Mudane Axmed M axamed Maxa muud Siilaanyo ayaa xilkii Taliyenimo
waxa uu ka qaadey Taliyihii horre ee Cii danka Qaranka Somaliland
General Maxamed Xasan C/Laahi Jidhif, waxa uu isla markaana
Madaxweynuhu Taliye cusub u magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka
Somaliland General Ismaaciil Maxam ed Cismaan (Shaqalle).
Waxana sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga
madaxtooyadda, war saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka
madaxtooyadda somaliland, Cabdil laahi Maxamed Daahir Cakuse,
oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhey shabakadda Timacade News ,waxaanu
u dhignaa siddan
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: Inbaahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka
Qaranka;
Markuu Tixgeliyey: Latashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Arkay: Inuu hanan karo
xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In General, Ismaaciil Maxamed
Cismaan (Shaqale) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaa do
Taliyaha Ciidanka QarankaJamhuuriyadda Somaliland.
Xilka qaadis:
Madaxweynuhu waxa uu Taliyihii
hore ee Ciidamada qaranka Mudane,Maxamed Xasan Cab dilaahi (Jidhif)
uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jib
aadka, ka saarnaa Qaranka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu Taliyihii hore u sheegay in Xilalka
Qaranka ay tahay macn ihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid
hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in
aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso
xilka aad haysay General,Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan
xilkaa isaga ah u magacaabay.
Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu
labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha CiidankaQaranka JSL.
Waxa uu sidoo kale xilkii ka qaaday abaanduulihii hore waxaanu u
magacabay mid cusub
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane,
AxmedMaxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaad ay
AbaandulihiiHore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule
cusub.
Madaxweynuhu:-
MarkuuArkay: Qodobka 90aad eeDastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
MarkuuArkay: In baahi loo qabo in ladar-dar geliyo hawlaha Ciidanka
Qaranka;
MarkuuTixgeliyey: La tashiga Madaxda ayarrintani khusayso;
MarkuuArkay: In uu hanan karo xilkanloo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda
Xeerkan uu ahaado Abaan dulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland.
Xilka qaadis:
Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaahore ee Ciidamada qaranka
Mudane,Ibraahin Cay diid Axmed uga mahad-celiyey mudadii ay wada
shaqaynayeen, gudanayeena waa-jibaa dka qaranka.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka
AbaanduulahaCiidanka Qaranka JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso
xilka aad haysay Mudane,Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) oo aanxilkan
isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduul aha Cusub ee Ciidanka Qaranka
ALLAA MAHD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse)
|