War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo oo Qaaday Talaabo Xil Ka qaadis
, Magacabid ku sameeyey Xubno Ka mid ah Golihiisa Wasiirada
Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda
Maaliyada ......
Hargeysa ,14 March,2012 (TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane, Axmed Ma xamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo,
Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameey ey xubno ka mida Golaha
Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,Mark uu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay
Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,Mar k uu Arkay:
In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku
xigeeno iyo Madaxda Hay’ad aha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana
Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin
Cusub oo kala ah:-
Magac-yada Masuuliyiinta Cusub Magacaabidda Wasaaradda loo
magacaabay
1. Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka
Wasaaradda Maaliyada
2. Axmed Cabdi Xaabsade (Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo
magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3. Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4. Cali Siciid Raygal(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka) Waxa
loo magacaabay Wasiir ka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda
iyo Arrimaha Bulshada
6. Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) waxa loo magacaabay Wasiir
ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii
hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Ma amulka ee W.
Arrimaha Gudaha
7 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) waxa loo magacaabay
Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliya da ah
8 Mawliid Maxamuud Ibraahim waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka
W/Arrimaha Dibadda
9 Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha
10 Maxamed Cumar Cabdilaahi waxa loo magacaabay Gudoomiye
ku-xigeenka Hay’adda Shaqaa laha
11 Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka
Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay
xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista
iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meer to waxa uu
xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda
2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4 Dr. Axmed Xaashi Oday
Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha
iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta
Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta
Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha
iyo Isgaadhsiinta
5 Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo
Dhaqanka
6 Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7 Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil
Service commission)
9 Axmed Cali Xirsi (Sulub) Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda
shaqalaha
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|