Shalay Iyo Maanta: Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Ee Xukuumaddiisa Iyo Wasaaradaha La Hadal Hayo

 


Hargeysa, May 4, 2011 (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) a yaa la sheegayaa inuu soo wado isku shaandhayn balaadhan oo uu ku samayn doono Golihiisa Xukuu madda, taas oo la sheegay inuu Wasaaraddaha qaarkood u kala qaadi doono laba qaybood, halka Wa saarado cusubna lagu soo kordhin doono.

Ma jiro war rasmiya oo Madaxtooyada ka soo baxay oo daboolka ka qaadaya in Madaxweynuhu isku shaandhayn uu ku samayn doono Golihiisa Xukuumadda, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo lagu kalsoo n yahay oo u dhuun daloola Xukuumadda ayaa Wargeyska Haatuf u sheegay in Madaxweyne Siillanyo todobaadkan gudihiisa soo saari doono isku shaandhayn cusub oo uu ku samayn doono Golihiisa Xuku umadda, kuwaas oo la sheegay in Wasaarada Arrimaha Guddaha loo kala qaadi doono Wasaarada horumarinta Gobolada iyo dawladaha Hoose iyo Wasaarada Amniga qaranka, halka ay ilo wareedyad u-na ay sheegayaan in laba Wasaaradood oo cusub lagu soo kordhin doono tirada Wasaaradaha.

Ilaa hadda si rasmiya looma oga hay’addaha dawlada ee isku shaandhantu saamaynta ay ku yeelan doonto kuwa ay yihiin iyo Masuuliyiinta laga yaabo in hay’addo kale loo badalo kuwa ay noqon doona an, hase yeeshee waxa ka mid ah meelaha aadka loo hadal hayo saamayn ku yeelan doonto Wasaara daha Arrimaha Guddaha, Hawlaha guud, Macdanta iyo biyaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Gaashaand higa, Maaliyada, Beeraha iyo Hogaanka sare ee Bilayska.

Waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan in isku shaandhantu saamayn ku yeelanayso hay’addaha kale ee dawlada iyo Badhasaabada Gobolada dalka qaarkood.

Dhinaca kale waxa jira Xubno la hadal hayo in Xilal cusub ay ka qabtaan Xukuumadda Madaxweyne S iillaanyo, kuwaas oo Magacyadooda la isla dhex marayo inay ka mid noqon doonaan Golaha Xukuuma dda, waxaana ka mid ah La Taliyaha Arrimaha Ictiraaf Raadinta ee Madaxweynaha Dr Maxamed Rash iid Sheekh Xasan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir, Eng Saleebaan Nuux, Pro Saleebaan Axmed Guuleed, Saleebaan Cumar ku-Joog.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo isagu maalintii doraad markii uu ka soo degay Madaarka Berbera Saxaafadu ay wax kaga weydiisay isku shaandhaynta la sheegay inuu ku samaynayn doono Xukuumadda ayaa isagu sheegay inaanay jirin meel uu ka sheegay inuu is ku shaandhayn samayn doono iyo cid uu u sheegay toona, balse uu sheegay in isku shaandhantu tah ay dhaqanada dawladaha oo mar kasta-na ay iman karto, isagoo arintaa ka hadlaya-na, waxa uu yidhi “Arintaa isku shaandhayntu wax aniga iga soo baxay maaha cid aan ku idhi-na ma jirto waana wax ka suurto gala dawladaha dunida ka jira oo horena u dhacday, wakhtigay doontana iman karta”.

Waxa kale oo ilo wareedyadu intaa ku darayaan in Madaxweynuhu dhamays tiray Liiskii isku shaandh aynta Golihiisa Xukuumadda, lana filayo in 48-ka Saacadood ee soo socda uu ku dhawaaqi doono.Ari ntan isku shaandhaynta ayaa u muuqata Falaadhii Cirka loo tuuray Nin walooba filo.
 

Source: Haatuf