Sidii doorkii horoo kale ma rabno inaan ilduufnee, aan kuu dooranee, bal waxa lagugu doortee aad doorkan maanta ah adigu doorinayso noo sheeg? Qaybtii 3-AAD


By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

 

Maqaalkani waxa uu guud ahaanba khuseeyaa wahsiga ku yimid Siyaasadda Arr. Dibadda iyo hagrashada ay gashay xukuumadda m/weyne Daahir Riyale xagga aqoonsi raadiska iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dunida.
 

---------------------------------------------------------------------------------------------------
 

Guud ahaanba qaybtii 2-aad waxay ka koobnayd:


Wasaaradda Arr. Dibadda Somaliland iyo wahsiga ku habsaday.
Malaha madaxweyne Daahir Riyale dani uguma jirto aqoonsiga Somaliland!!

Waxaynu qaybtii 2-aad ee maqaalka ku falanqaynay wahsiga iyo hoos u dhaca ku habsaday qadiyaddii ictiraaf raadiska iyo sida ayna xukuumadda madaxweyne Riyaale iskuguba hawlin in ay dejiso qorshe iyo qaab wacan oo saldhig u ah Siyaasadeena Arrimaha Dibedda, oo ay Somaliland adduunka kaga iibin kari lahayd qadiyaddeena gooni isutaaga, waxa inoo  qabso omay iyo horumarka taariikhiga ah ee dadka iyo dalkuba ku tallaabsadeen.


---------------------------------------------------------------------------------------------------

Habdhaqanka wefdiyada xukuumadda iyo saamaynta ay ku leeyihiin rejada muwaadinka:

Waxa arrin aad looga xumaado ah qaabka ay u dhaqmaan hawl-wadeennada qaranku (oo madaxweynahu ku jiro) marka ay dalka dibadda uga soo baxaan. Haddiiba ay dhacdo in  ma daxweynaha ama qaar ka mid ah golaha wasiiraddu ay wefdi ama booqasho ku yimaaddaan qurbaha, waxay is arkaan ama ay la kulmaan keliya dad aad u tiro yar oo dano gaar ah, fikir siyaasadeed ama hayb-reernimo la wadaaga masuulkaa booqashada ku yimid. Iskuma  hawl aan madaxda Somaliland ee booqashada ku timidaa inay la kulmaan, u kuur galaan, oo wacyi geliyaan dhammaanba bulsho weynta Somaliland ee ku nool dalalkaa ay booqanayaan.


Waxay ilduufaan ama aanay garan karin qiimaha, dareenka iyo farxadda ay leedahay la  kul anka iyo xog waraysiga masuul sare oo ka socda qaranka Somaliland oo dadkiisii marti u ah. Wufuudani waxay la yimaadaan fikir ah kala qaybin, halkii ay xoojin lahayeen astaanta  uma dnimo dadkana isku soo jiidi lahaayeen si dareenka umadnimo loo kobciyo. Iskuma hawlaan inay hantaan kartida, fikirka wacan iyo wax qabadka ku dihin bulshadaa qurba joogga ah ee ay booqashada ugu yimaadeen. Masuuliyiintani ma fahmi karaan dareenka dal-tabyo ee ku beeran bulshada Somaliland ee qurba joogga ah, kuwaasi oo iyaga mar walba heegan u ah horumarinta dalkooda hooyo.

Waxa nasiib darro ah in masuuliyiinta qaranka ee booqashada ku yimaddaa ay u badan  yih iin kuwo taageerada ay u raadinayaan xukuumadda iyo ta xisbiga kala weyntahay ta  aqoo nsi raadiska, astaanta umadnimo iyo danta guud ee iyagaba laftoodaba xilka karaamada huwisay.

Waxa ay had iyo jeer ku hawlan yihiin hadal haynta xumaanta xisbiyada mucaaridka oo ay badanaaba ku sheegaan kuwo qaran dumis ah, danta Somalilandna aysan ku jirin oo ay lumi doonto haddii ay xisbiyadani talada dalka qabtaan. Danta dalka iyo ta dadkaba waxay ka  d oorbidaan dan shaqsiyadeed iyo danta kursiga madaxweynaha. Labadii erey ee afkooda ka soo baxana mid baa ah madaxweynaha iyo xukkuumadda ha la taageero. Halkii ay shacabka SL ku dhiirri gelin lahaayeen wadaniyaddu qiimaha ay leedahay iyo inay dhismaha dalkooda ka qayb qaataan. Waxaa ka muuqata masuuliyiinta xilka ka haya xukuumadda inay yihiin  ni man magaca qaranka Somaliland ka dhigtay mid lagu fushado mashaariic iyo dano gaar ah, balse xilka ay sidaan dalka iyo dadka midna aan wax loogu qaban.

Sida ay aniga ila tahay, wadajirka ayey ku jirtaa danta ummaddu. Kartida iyo awoodda  uma di leedahayna waxaa habboon in wadajir iyo siday danta guud ku jirta loogaga faa’iideysto. Haddiise ay arrini noqoto kii iga fikir ama xisbi duwan waxba ma wadaagi karno, ogsoonow lama wado dan qaran iyo tu qoomiyeed midna ee waxa la wadaa waa dan qof ama koox dan gaara leh.

Masuuliyiinta xukuumadda ee dalkeena haatan xilka u haya, siiba kuwa booqashada  qurba ha ku yimaadda, waxaa iskaga qaldan xisbinimadii iyo wadaninimadii! Waxaa ka  dhaadhacs an in Somaliland-nimada iyo xisbul-xaakimku isku macno yihiin.

Haddaba sida aan aaminsanahay Xisbigu waa fikir mabaadii’i ku salaysan, oo aad qaadan  k arto ama aad ka tegi karto. Halka wadaninnimadu tahay wax aan la kala dooran karin, ee ay tahay dareen qofka ku abuuran oo noloshiisa iyo jiritaankiisaba ka mid ah. Qofku wuu ka  ma armi karaa inuu xisbi ama urur ka mid noqdo, laakiinse waddan kama maarmi karo. Bal ka  so o qaad akhristoow adigoo bilaa dal ah? Sidee ayuu jiritaankaagu noqon lahaa?

Haddaba su’aasha in la isweydiiyo u baahani waa: Sidee bay xukuumadda hadda jirtaa  mud adaa ay xilka haysay u gudatay xilkii iyo waajibkii ka saarnaa (gudaha iyo dibaddaba)  xoo jinta iyo barbaarinta dareenka wadaninnimo iyo in dadka la isku soo jiido si ay midnimada iyo wadajirka umaddu u adkaato?

Xukuumad kastaba wax qabadkeeda iyo wixii khayr iyo khasaare ay la timaaddo ayaa  taar iikhda u gala oo lagu xasuustaa. Haddaba xukuumadda madaxweyne Daahir Riyaale -marka aynu iska indho tirno dhibaatooyinka faraha badan ee dalka ka jira oo aanu maqaalkaygu khusaynin- sida ay u hagratay habsami u socodkii siyaasadda dibadda oo kale ayeyna  xuku umadda hadda jirtaa isku hawlnin kobcinta iyo xoojinta rejada muwaadinka Somaliland(gudo iyo dibedba). Waynu qiyaasi karnaa halka uu dareenka ummadnimo iyo ka waddaninimo marayey la wareeggii xilka madaxweyne iyo hoggaanka dalka, maantana waxa uu marayaa heerkii ugu hooseeyey taariikhda Somaliland.

Dayacaadda awoodda iyo kartida qurbe-jooga Somaliland

Dal jacayl haddii uu jiro, waa ka ku beeran bulshada qurba joogga reer Somaliland. Qurbajooga Somaliland waa kuwo iyagu aan marnaba isweydiin: muxuu adiga dalkaagu kuu qabtay? Maxaad adigu dalkaaga u qabatay mooyaane! Waa kuwo iyagu mar walba heegan u ah horumarinta dalkooda hooyo.

Waa lafdhabarta dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka hooyo. Waxa ay ku soo kordhiyaan  dal ka mooyee, ma jirto wax ay dalka dib uga qaataan ama ka lunsadaan. Muwaadin kasta iyo qoys kasta oo qurba joog ihi waxay ku fikiraan sidii ay mar uun dalkooda hooyo wax uga  dh isan lahaayeen ama dalka uga dhisi lahaayeen meherado keeni kara fursado shaqo oo dalka iyo dadkaba faa’iido u keeni kara.

Marka ay noqoto booqasho iyo dalxiisna, boqollaal kun ayaa sannad walba dalka soo  booq da, soona geliya lacag iyo dakhli adag. Bal qabsoo astaamahani waa kuwo keliya u gaar ah qurba joogga Somaliland oo ay si weyn uga duwanyihiin qowmiyadaha kale ee qurbo joogga ah, kuwaasi oo iyagu isa siiya maalgelinna ku sameeya dalalka ay martida ku yihiin.
Waxaa xaqiiq iyo marag madoonba ah, in aanu qurba joogga la’aantood dalkeenu hiigsan kareen halka uu manta joogo. Waxtarka, dib u dhiska iyo maal-gelinta (qoys illaa qaran) ay qurba jogga reer Somaliland sameeyaan ayaa intuu doono ka badan ka ay xukuumaddu samaysay.

Xagga dedaalka aqoonsi raadiska iyo ka dhaadhicinta qadiyadda Somaliland adduunka, sidii dalka loogu samayn lahaa xidhiidh iyo saaxiibo joogto ah oo magaceenna kor u qaada, ka warbixinta wacyiga iyo isbedellada dalka ka jira, kor u qaadista magaca iyo sumcadda dalka iyo dadkiisa, xuska iyo xoojinta maalinta madaxbannaanida (18 May) iyo dhacdooyinka kale taariikhiga ah ee mudan in la xuso, hirgelinta warbaahin ku hadasha magaca iyo afka  Soma liland (TV, Radio, Wargeysyo, Homepages & Internet websites), u jilib dhigga loolanka  siya asadeed ee cadawga Somaliland ku hawlanyahay, kor u qaadidda dareenka wadaninimo, iyo hawlo kale oo badan.

Qurba joogga Somaliland, siiba kuwo ku nool waddamada laga oggolyahay xorriya-tul-qaw lka, waxaa caado u ahaan jirtay inay si joogto ah u abaabulaan bannaanbaxyo taageero loogu raadinayo gooni isu taagga Somaliland. Dalalka ay ka hici jireenna waxa ka mid ahaa UK, Holland, Germany, Canada iyo wadammada Scandinavian-ka. In kasta oo ay ictiraaf  raa disku tahay waajib qaran oo qof kasta oo reer Somaliland ahba saran, haddana waxaa  muu qata in dhaq-dhaaqyada noocan ahi sannadihii ugu dambeeyey sii liciifayaan. Waxaana ugu wacan xukuumadda hadda jirta oo ay ka waayeen wax dhiirri gelin ah iyo wafdiyada  xukuu madda ka socda oo dadka kula dhex jira fikrad kala qaybin ah (xisbul xaakim iyo xisbiyada macaaridka), halkii ay ka soo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda, astaanta ummadnimo iyo ta danta guudna xoojin lahaayeen.

Haddaba waxa jirta in dad aad u tiro badan oo ka mid ah bulshda qurba joogga Somaliland (>50%) ayna iyugu xisbina ka mid ahayn, diyaarna u ahayn inay ka mid noqdaan. Waxayse diyaar u yihiin inay taageeraan hogaamiyihii iyo xisbigii dalka iyo dadkaba daacad u ah, hog aamiyihii aan dantiisa iyo ta xisbigiisa uun difaacayn ee mudnaanta koowaad siinaya danta dalka iyo ta dadka.

Waxa aan marnaba muran ku jirin in ay xukuumaddu si weyn u daayacday aqoonta,waayo aragnimada, awoodda iyo kartida bulshada qurbe-joogga reer Somaliland. Siyaasadda  gud aha iyo ta dibadda ee xukuumadda, qalaalasaha sharci iyo ka siyaasadeed ee xukuumadda horseedka ka tahay, ayaa iyana waxay saamayn weyn ku leeyihiin ku soo hirasho la’aanta iyo maalgelin la’aanta Somaliland ee bulshada caalamka iyo bulshada qurbe-joogga Somalila nd.

Haddaba waxaa guud ahaanba la odhan karaa in xilligii ay talada dalka haysay xukuumadda madaxweyne Riyale in dareenkii iyo hilowgii muwaadinimo ee qurba joogga Somaliland hoos u dhac weyni ku yimid. Dhaq-dhaqaaqyadii ictiriraaf raadiska ee ay ku hawlanayeen  bulsha da Somaliland ee ku nool wadammada reer galbeedka waxaa iyana ku yimid hakad. Kaddib markii ay wax dhiirri gelin iyo abaabul ahba ka waayeen xukuumadda iyo wasaaradda  arrim aha dibadda, wakiilada dawladdda u fadhiya dalalka reer galbeedkuna ay xilkii iyo kaalintii kaga aaddanayd ka soo bixi waayeen.

Wakiillada dibadda u fadhiya Somaliland:

Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka adduunka, siiba wadamada reer galbeedka, waa  ku wo badankoodu aan xilka ku mutaysan karti, aqoon iyo hawl karnimo ay ku sifoobeen. Waxa xilka ay hayaan loogu magaacabay waa ma taageersantahay xukuumadda iyo xisbul-xaaki mka, waxay ku yimaaddeen ayaad taqaan, halkii ay ka ahaan lahayd maxaad taqaan! Waxa ku jira rag badan oo iyaga laftooda luqadda iyo dhaqanka dalkaa loo wakiishay ay ku adag yihiin, wax xidhhiidha iyo dhex gal ahna la lahayn bulsho weynta ku nool dalalkaa iyaga loo wakiishay, ha noqoto kuwa martida loo yahay ama bulshada Somaliland ee dalkaa ku  nool ba. Waxa haddaba isweydiin leh, qof u baahan in isaga wakiil laga noqdo, sida uu wakiil uga noqon karo dal ictiraaf-raadis ah oo la ogyahay hawlaha ka horreeyaa culayska iyo  baaxa dda ay le’egyihiin?!

Wacyi galinta, abaabulka iyo dhiirri gelinta bulshada qurbe-joogga Somaliland waa arrin aad u muhiim ah oo keeni karta isku duubni bulsho iyo dareen ummadnimo. Tani waxay dhalin  ka rtaa in si wadajir ah looga qayb qaato dadaalka dib u dhiska dalka iyo mashaariicda  horuma rinta iyo weliba juhdiga loogu jiro ictiraaf raadiska oo loo baahanyahay in qof kastoo qurba joog ahiba xil iska saaro dalka iyo dadkiisaba intii kaga soo beeganta.

Waxa kale oo iyana arrin aad muhiima ah: U gudbinta da’yarta qurbaha ku dhalatay  astaan ta ummadnimo iyo dal jacaylka, iyo inay keliya iyagu qurbaha ku dhasheen laakiinse meesha ay u dhasheen tahay Somaliland. Waa iyaga kuwa hadhaw la rabo inay ogaadaan xilka iyo waajibaadka uu dalkoodu ka mudan yahay. Haddiise aan laguba barbaarin oo ayna arag cid u sheegta waxay Somaliland tahay, eed ma laha haddii dalkaa ay ku dhasheen uun u arkaan dalkoodii hooyo!

Arrimahan aan soo sheegay oo dhammi waa xilkii iyo masuuliyaddii ay lahaayeen wakiilada dibadda u fadhiya Somaliland. Waxa nasiib darro ah in xilka iyo masuuliyadda ay hayaan  dh aafi weyday difaaca madaxweynaha, xukuumadda iyo ta xisbiga, dadkase aanay waxba ugu fillayn.!

Geba-gabo:

 

Dadku way ka daaleen, Danaystaha Siyaasiga ee isagoon dan qudha wadin,
sidii geel dar loo horay, ay daba kici jireen dadkoo idili.

Dadku way ka daaleen, Dulmigii badnaa, ku Danayso oo ka Danayso,
iyo Codkii wax doortaha ee duudsiga iyo is-daba marisku ka dhici jiray.

Dadku way ka daaleen, Dira-diraha Qabiiliga iyo Danaystaha Siyaasiga ee Dadkoo idil ku dagi jiray: Dantiinaan wadaa iyo dagaal baan hortaagnahay, Duqaasaa inoo dana ee doorta na odhan jiray.

Mar i dage Alle ha dago, haddii mar kale la i dago, aniga iyo doqonniimaday.

 


Haddaan ahay wax doortihii (cod bixiye) anigu doorkan maanta ah:

 

 

Nimaan daacadnimadu solin, oo dubaaqiisa hoosiyo, dareenkiisa maankaba dal-landernimadu (Somalilander-nimadu) ka daadegin, uma dirsado wallee hawl.

Dadku waxay ku leeyihiin: Derajada xilkaa qaran Daa’imkeen kuugu deeqay door hore, haddaanu dareenkayaga hoosiyo ka hadalo danahayaga guud,
Sidii doorkii horoo kale ma rabno inaan ilduufnee, aan ku dooranee, bal waxa lagugu doortee aad doorkan maanta ah adigu doorinayso noo sheeg?

 


Haddaba mudane Madaxweyne dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadweynaha Somaliland oo doorkii hore adiga ku doortay si weyna kuula sii dardaarmay, ayaa waxay doorkan  maa nta ah ku leeyihiin: Madaxweyne, aanu mar kale ku dooranno oo maba xumee, bal maxaanu kugu doorannaa ee aad ka qabatay dantii dalka iyo dadkaba? Shicibka Somaliland way kula gar-naqsanayaan oo waxay Madaxweyne ku leeyihiin:


Aqoonsi dibadeed daaba hadalkiiye, Sawkan dalkeenii go’doon iyo ged-gedoonba ka bixi waayey.

Maad dhisin dariiqyadii, dayactirna daaba warkii, oo dariiq xumaanta darteed labadii daamood ee Hargeysa ayaa isa soo deyi waayey.

Dekaddeenii Berberana markab waaba derajee kuma leexato dooniyi, oo adaa saaray dabool adag, adhigeenii daylanaana muddoba Dooraalaa(Djibouti) laga sii daabulayaa.

Markaad diidey doorashooyin qabsooma, diwaan-gelintii laashay, kugu diiqday dimuqraadi yaddii, ku tidhi dabadeedna: duqa iima tihid daacad, iga laashay dantii ee malaha Kebaakiga Kenya iyo Mugaabaaba ku dhaama.

Deeqbixiyeyaashiyo Duqaydii reer galbeedka, iyo cid kasta oo ku tidhaa: maad dalkaagan iyo dadkiisa dibin-daabyada hoosiyo deelqaafka ka daysid, intaad dirirto ee diirataad  tidh aa: duqa hortaa baan dad ka diidey, dalkanna gebigii anigaaba ka diiga, dantiinuna maaha dantayda, ee ha ka daahina duuliyihiina iyo diyaaraddii idin keentay.


Deelqaafka hadalkiyo dabuubtaada weedhana ma tihid nin u meeldaya. Dadyow  dalanbaa biyayaa anaa keligay lay doortay, distoorkeydaan aqoon, kala daadin dadweyne iyo dood aan looba joogin baad dabadeedna gashaa.

Kala daadinta qarankiyo goleyaasha distooriga, caddaaladda oo la dacal maro, dibindaaby ada shicibkiyo, dira-diraha qabiilkana digrii baabad u sidataa.

 

 

 

Eng/Architect Hussein Adan Igeh(Hussein Deyr)
[UK &The Netherlands]