Sidii doorkii horoo kale ma rabno inaan ilduufnee, aan kuu dooranee, bal waxa lagugu doortee aad doorkan maanta ah adigu doorinayso noo sheeg? Qaybtii 2-AAD


By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

 


Waa qaybtii 2-aad ee maqaalka cinwaankiisu kor ku xusanyahay, lana xidhiidha qaybtii 1-aad.

Maqaalkani waxa uu guud ahaanba khuseeyaa wahsiga ku yimid Siyaasadda Arr. Dibadda iyo hagrashada ay gashay xukuumadda m/weyne Daahir Riyale xagga aqoonsi raadiska iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dunida.

Guud ahaanba qaybtii 1-aad waxay ka koobnayd:

Hordhac
Kartidii iyo Yidi-diiladii shacabka iyo la wareeggii xilka madaxweyne iyo dardaarankii dadweynahu madaxweynaha u gudbiyeen.
Faallo kooban Xilka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

3.1 Wasaaradda Arr. Dibadda Somaliland iyo wahsiga ku habsaday:

Waxa muuqata in hannaankii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee xukuumadda madaxweyne Daahir Riyaale ay maalinba maalinta ka dambaysa sii liciifayso, wixii ka dambeeyey markii marwo Edna Adan laga wareejiyey masuuliyadda Arrimaha Dibedda ee lagu wareejiyey mudane Abdillahi Moh. Du’aleh. Xidhiidh wanaagsan iyo saaxiibo ay Somaliland adduunka ka kasbato waxaa ugu dambeeyey xilligii maarwo Edna Adan.

Wasiirka Arr. Dibadda mudane Abdillahi Du’aleh wuu ku guul darraystay inuu noqdo wasiir fir-fircoon oo hawl kar ah. Kuma uu guulaysan inuu adduunka ka dhaaghiciyo qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, maadaama uu adduunka ka iibin kari waayey taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland, sida ay uga soo kabatay bur-burkii iyo xasuuqii ummaddan loo geystay, horumarka laxaadka leh ee uu dalku ku tallaabsaday, sida: nabad-gelyo waarta, koboca dhaqaale,hirgelinta mashruuca dimoqraadiyadda, la dagaalanka arge-gixisada caalamiga, habka xallinta khilafadka iyo nabad-gelyo ku wada noolaanshaha gobolka, iwm.

Mudane Du’aleh waxa uu suurtogal ka dhigi kari waayey inuu dejiyo jaangooyo iyo siyaasad cad wasaaraddiisu ku shaqayso, maadaama ay tahay muraayaddii dalaka iyo dadkaba ka warbixinaysay. Mudane Du’aleh kuma uu guulaysan abuuritaanka jawi iyo xidhiidho suuragal ka dhigi kara in Somaliland taageero horumarineed iyo mid siyaasadeedba ka hesho bulshada caalamaka iyadoo loo sii marayo dhisomo xidhiidho dibadeed oo cusub iyo balaadhinta iyo dayactirka kuwii hore u jiray. Xidhiidhadaasi oo ku dhisan wax wada qabsi, maslaxad wadaag, nabadgalyo kawada shaqayn iyo fidinta xukun wanaagga iyo dimuqraadiyada, ka hortagida arrimaha khatarta ku hayay nabadhalyada caalamka iyo kuwa mandaqadda ka jiraba.

Hagrasho, dayacsanaan iyo xil-gudasho la’aan baahsan ayaa ragaadisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland. Ma jiro qorshe iyo nidaam u dejisan waaxdan oo k u wejahan wacyi-gelinta iyo la socodsiinta shicibweynaha Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku nool halka uu marayo dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto geeddi-socodka gooni isutaagga iyo aqoonsi raadiska Somaliland.

1. Malaha madaxweyne Daahir Riyale dani uguma jirto aqoonsiga Somaliland!!
Waxaa wahsi weyni ku habsaday, run ahaantiina u muuqata arrin la iska illaaway, hadafkii siyaasadeed ee saldhigga u noqon lahaa geeddi socodka ictiraaf raadiska qaranka  Somalila nd. Waxaa si weyn loo hagraday in laga faa’iideysto fursadaha qaaliga ah ee soo maray xukuumada mudane Riyaale. La iskuma hawlin in la kasbado saaxiibo ma huraan ah oo ay Somaliland isku hallayn karto, qadiyaddeedana u ololeeya, oo ay ka iibin karto guulaha iyo horumarka shicibka reer Somaliland ay sameeyeen.

Waxaba taa ka sii daran, iska daa saaxiibo inoo soo kordhee kuwii ay Somaliland hore u   lah aan jirtay ayaa kuwo badan oo ka mid ah la lumiyey, maantana qaar ka mid ahi u ololeeyaan dawladda Sheekh Shariif iyo nidaamkii beri hore dumay ee la odhan jiray ‘Somaali weyn’!!!

Haddaba su’aalaha isweydiinta mudan waxa weeye:


1. Xaggee wax ka qaldameen? Maxaa hakiyey geeddi-socodkii ictiraaf raadiska ee xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Md. Dahir Riyale Kaahin?

2. Ma waxa la odhan karaa dhammaanba waddamada adduunku dhabarka ayey Somaliland u sii jeediyeen, diyaarna uma aha inay qadiyaddeeda wax kala qabtaan?

3. Mise waxa la odhan karaa xukuumadda madaxweyne Riyaale iyada ayaa adduun weyna ha dhegaha ka furaysatay oo ka maarantay, iskuna qancisay inaan Somaliland waxbaba ka maqnayn oo ay wax waliba sidii loogu talagalay u socdaan?

4. Ma waxa la odhan karaa waxaan jirin qadiyad aynu adduun-weynaha ka iibino?

5. Mise waxa la odhan karaa habkii qaddiyaddeena loo iibin lahaa iyo ciddii iib-geyn lahayd ayey Somaliland ilaa hadda ka arradantahay?

Waxay ila tahay in jawaabaha su’aalahan kor ku xusan ay yihiin kuwo muwaadin kasta oo reer Somaliland ah, oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay u kuur galay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland uu si cad oo muuqata u garan karo hakadka iyo wahsiga ku yimid hayaa nkii aqoonsi raadiska Somaliland.

Adduunkan aynu maanta joogno ee qarniga 21-aad waa mid ku socda xawli iyo xawaare  sa re. Ha noqoto xagga dhaqaalaha, siyaasadda, teknoolijiga iyo nolosha bulshadaba.  Isbedd ellada siyaasadda iyo qaabka ay dawladahu waqtigan xaadirka ah wax isku  dhaafs adaan danahoodana u kala fushadaan waa mid aan laga saadaalin karin, oo aad uga duwan kuwii xilliyadii dagaalkii qaboobaa jiray.Talo maanta kula gudboon haddaad ka faa’iidaysan weydo, berri dib kuu soo mari mayso. Waxaba dhici karta in dantii iyo ujeedooyinkii maanta lagaa lahaa, berriba lagaa maarmo.

Haddaba waxa muuqata in adduunweynuhu aanu Somaliland dhabarka u sii jeedinin ama  a ysan rabin inay Somaliland wax la qabtaan, balse xukuumadda madaxweyne Daahir Riyaale -ujeedada ay doontaba ha ka lahaatee- ay iyadu tahay ta adduunweynaha dhabarka u jeedisay dhegehana ka furaysatay. Dadaalkii iyo xusul duubkii laga rabay inay xukuumaddu samayso, oo ay adduunweynaha dhex cararto si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, wax nacfi leh oo dawladda maanta talada dalka haysaa ay ka samaysay ma jirto. Xukuumaddu way ka gaabisay inay masuuliyadeeda koowaad ka dhigto gudashada xilkan qaran (aqoonsi raadiska), kaasi oo dalka iyo dadkaba marka la eego duruufaha ku xeeran, mudnaanta iyo muhimadda koowaadba u lahaa.

Dhinaca kale, wax kasta oo dunidu xilligan u hanqal taageyso ama dhegahoodu jecelyihiin in ay maqlaanba Somaliland way ka jiraan. Guud ahaanba shicibka Somaliland si weyn oo mug leh ayey ula yimaadeen badeecaddii ugu tayada fiicnayd qaaradda Afrika ee loo iibgeyn lahaa dunida ay taladu ka go’do. Nasiib darraduse waxay tahay Somaliland waxay ka  arrad an tahay xukuumaddii, , hogaamiyihii iyo siyaasiyiintii fursadaha noocaas oo kale ah la jaanqaadi lahaa ee dalka iyo dadkaba uga faaiidayn lahayd.

Shicibka reer Somaliland waxay arkayaan in fursaddii saxda ahayd ay timid waqtigii ku  habb oonaa, balse uu hogaamiyaha iyo habka uu hawsha u wadaaba khalad yihiin (right  achieve ment, right time & right opportunity but wrong leadership /executives).

Waxaa xaqiiqo ah in dawladda Somaliland ay haysatay, welina ay haysato, fursado qaali ah iyo qadiyad taariikhi ah oo adduunku ka dhagaysan karo. Waxa kale oo iyadna xusid mudin waxqabadka ummadda reer Somaliland, nabadda rasmiga ah ee hirgeshay, hay’adaha  dawli ga ah iyo kuwa sharci dejinta ee dalka ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda ee dalka ka  hirg alay, saxaafad xor ah iyo daryeelka xuquuqda aadamaha.

Arrimahan oo dhammi waxay ahaan lahaan ahaayeen badeecadda tayada badan leh ee loo baahnaa inay xukumadda madaxweyne Riyaale adduunka u iib-geyso, balse may dhicin. Markaa shaki kuma jiro in dalka iyo dadkaba hagar laga galay, qadiyaddii Somaliland-na ay weli ku sugantahay qabyo waa halkeedii.

Madaxweynuhu todobadaa sanno (April 2003) ee uu xilka hayey, wefdiyada iyo  booqasho oyinka uu dibadaha ugu soo baxo [kuwaasi oo u badnaa daawo, dalxiis iyo dano gaar ah] haba yaraatee wax la taaban karo oo uu ictiraaf raadiska iyo qadiyadda gooni isku taaga Somaliland ka soo hooyey ma jirto.

Lama sheegi karo madaxweynaha oo wefdi ka soo noqday oo wixii uu ku maqnaa ama u soo qabsoomay qaranka Somaliland si weyn oo hufan oo hannaan madaxweyne-nimo leh fagaarayaasha, idaacadaha ama telfishanada ugaga xog-warramay ummaddisii sugaysay ee hadalkiisa u oomanayd.

Haddii laga tegi waayo, fir-fircoonida siyaasadda dibadda ee xukuumadda madaxweyne  Riy aale waxay dhaafi weydey wefdiyo iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan oo si isdaba joog ah ugu boqoola Djibouti iyo Ethiopia. Adduunku keliya ma aha Djibouti iyo Ethiopia oo wefdiyo loo diro. Labadan dal ee Somaliland jaarka la ah, waa wadammo mar walba iyagu danahooda ka door bidaya, kana door bidi doona qadiyadda gooni isku taaga Somaliland. Haddii ay  Som aliland aqoonsi caalamiya heshana, waxay noqon doonaan kuwa ugu dambeeya ee  mada xbannaanida Somaliland aqoonsada!

Caqliga suubani waxa uu ina siinayaa inaynu dhawrno deris wanaagga, xasiloonida gobolka iyo wax iweydaarsiga, balse aan loo dab-ranaan deris aan ku doonayn, adiga dantaaduna dantiisa ahayn ee kugu danaysanaya.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, xukuumadda madaxweyne Riyaale iskumana ay hawlin in ay dejiso qorshe iyo qaab wacan oo saldhig u ah Siyaasadeena Arrimaha Dibedda, oo ay  Som aliland adduunka kaga iibin kari lahayd qadiyaddeena gooni isutaaga, waxa inoo qabsoomay iyo horumarka taariikhiga ah ee dadka iyo dalkuba ku tallaabsadeen.

Muran kama taagna in nuu hoos u dhac weyni ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland mudadii uu xilka hayey madaxweyne Daahir Riyaale, si weyna ay uga hoosayso heerkii ay maraysay markii uu xilka madaxweynenimo qabtay.Dad badan ayaa waxay  iswey diinayaan malaha madaxweynaha iyo xukuumaddiisuba daacad kama aha aqoonsi raadiska Somaliland oo dan baan ugu jirin.

Geba-gabo iyo gunaanadkii qaybtii labaad ee maqaalkaygan waxaan ku soo  gebagebayn ayaa dhawr erey oo aan ka soo qaatay gabay uu tiriyey Abwaan reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa Hassan Dahir Ismail.

Abwaanku waxa uu tixdiisan gabayga ah ku cabbirayaa hagrashada, hagardaamada iyo xil-gudasho la’aanta xukuumadda maanta Dalka ka talisa ee m/weyne D.Riyale.

Xil baan gubin kaad u dhiibtay, Xal muu garan aayatiin leh, Xaq muu gudin aad sugaysay,
Hayaanka iyo geedigaagii,Halkaad u gol lahayd ma geeynin,
Guubaabona wuuba ka seexday inuu galab nool tibaaxo.
Dalkan iyo dadkiisa rejadii waa laga go’doonshay, runtana gibil baa ka saaran,
Gabnaad tahay baa asqaysay, Gufaacaa lagu faruuray kalsoonidii geba-gebaysay.

Fiiro Gaar ah: La soco qaybta saddexaad ee maqaalkan aan ugu magic daray:
“Sidii doorkii horoo kale ma rabno inaan ilduufnee, aan ku dooranee, bal waxa lagugu doortee aad doorkan maanta ah adigu doorinayso noo sheeg”?
Qaybtan saddexaad waxay daba socotaa qaybtii labaad, waxayna khusaysaa wahsiga ku yimid Siyaasadda Arr. Dibadda iyo hagrashada ay gashay xukuumadda m/weyne Daahir Riyale.


Waxaa aynu ku falanqayn doonaa:

Hab-dhaqanka wefdiyada xukuumadda iyo saamaynta ay ku leeyihiin rejada muwaadinka.
Dayacaadda awoodda iyo kartida qurbe-jooga Somaliland.
Wakiillada dibadda u fadhiya Somaliland.
Garnaqsi Dadweyne (faallo wixii ka qabsoomay dardaarankii dadweynaha)

 

 


 

Eng/Architect Hussein Adan Igeh(Hussein Deyr)
[UK &The Netherlands]