Si Xun Wax u sheeg Sixir ka Daran?
By: Mustafe Future


 

Aduunyada nin nooloow Maxaa Argti kuu laaban, wakhti waliba waayihiis, Dhacdo waliba xusuusteed, Taariikh Waliba Hadhaageed, Dharaar waliba haynteed. Dariiq Xumina Hawshii, hadal waliba meeshii.

Maalin kasta oo ku soo martaa waxay kaaga tagtaa Xusuus iyo Taariikh gaar ah, Farxada  i yo Murugo mid uun, Masuul kasta oo wax qabta Taariikhda ayaa Xusta, Masuul kasta oo  Q aloocana taariikhdaa Xusta, Umadu waxay isku Afgartaan oo ay ku kala Socdaa Hadba wixii ay dhigtaan ee Sharci u ah, Dadka islaamka ahna Diintooda ayaa sharci u ah, Qof waliba waxa uu leeyahay Xaq, Wadankuna Xaq buu ku leeyahay.

Ma jirto Xeerka Umaddu dhigato Nin sharciga ka wayn, Waxay dhabarjab ku tahay Ka  Xeer ka uu sexeexay Haddana ka talaabsada isaga oo u kas u samaynaya, Masuul kastaa  Muda naantiisuu leeyahay, Qof walba Xilka uu hayo In lagu Qadariyo ayuu Mudan yahay, isaguna Waajibaadkiisa Shaqo inuu ka soo Baxo ayaa lagu leeyahay.

Waxaan Uga socdaa Somaliland waxaa ku soo badanaya Dhacdooyin Fool xun oo Cawaaqib Xumo ku ah Sumcada iyo karamaada Shicibka Reer Somaliland gudo iyo dibadba, Somaliland waa Dal yar oo Curdin ah oo aan Wali la aqoonsan, Waxaa Mudan in Jiritaankiisa, iyo Nabad galyadiisa la ilaaliyo, Wax kasta oo dhib u keeni karana laga ilaaliyo.

Waxaa Marag ma doon ah In Wakhtiga Doorashooyinka Somaliland ay soo dhawaadaan  Xis biyadu ay Cidiyaha ku dagaalamaan, oo uu midba midka kale isku dayo in uu Awoodiisa  Muq uuniyo kana dhigo waxa aan Awood badan lahayn, iyada oo ay dhacdo mararka qaar  waxy aabo ka baxsan Anshaxa Ololaha Doorashada.

Waxaa iyana Jirta in Xukuumaddu aanay Ogolay Ololaha iyo Furitaanka Xafiisyada Xisbiyada Mucaaridka ah, Halka ay Xisbiga Taladda hayaa Maalin walba ku mashquulsan yahay  furita an Xafiis Cusub iyo Taageerayaal ku soo biiray, Balse ay tahay Waxa aad qofka ka  Joojina yso inaad Adigu iska Bilawdo oo aad naftaada ka joojiso, si ay cadaaladi meesha u timaado, Qof walibana Xaqiisa helo.

Hadii aan U daadago Dulucda Mawduucayga Waxaa Dhawaan Idaacada Radio Hargeisa laga Sii daayay War sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye ay  xidh iidh la leeyihiin, Al shabaab, Al qaacida iyo Qaar kale oo la mid ah, Masuuliyiintaasi  dhaleec aynta loo soo jeedinayo oo uu waliba ku jirto Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/casiis Muxumed Samaale, kana Mudan Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah Ixtiraam iyo Qadan, iyada oo lagu Ixtiraamayo Xilka uu umadda u hayo iyo Xaqiisa Muwaadinimo.

Si Xun Wax u sheeg Sixir ka Daran, Tv-ga Qaran, iyo Radio Hargeisa maaha markii ugu  hoys ay ee ay cadaalad daro, aflagaado iyo wax la mid ah kula kacdo Masuuliyiin xilal ka hayaha Golayaasha Qaranka Somaliland, iyo Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka balse waxaa  qof kasta oo damiir wadiniyadeed lihi ka murugooday waxa laga sii daayay Idaacada ku  magac aaban Radio hargeisa kuna hadasha Afka Xukuumada Madaxwayne Rayaale.

Waxaa is waydiin leh Xukuumada Somaliland ama Xisbiga Taladda hayaa ma Olole iyo Cod  a yuu ku doonayaa Dhaleecaynta uu u soo jeedinayo Xisbiyada mucaaridka ah iyo  Masuuliyii nta Golayaasha Qaran, Mise Dhibaato iyo Ceeb aanay lahayn ayuu Dusha ka saarayaa  Dad ka reer Somaliland ee aan Gayin waxa lagu sheegayo?

Somaliland mar walba waxay ku faantaa inay Nabad galyo tahay, waxay Geed dheer iyo  Ge ed gaabanba u fuushaa Sidii ay Aqoonsi Caalamiya u heli lahayd, Idaacada Afka Dawladana waxaa laga hayaa Alshabaab iyo Alqaacida masuuliyiin ku xidhan ayaa hargeisa joogta, Bal Akhristoow waxaad is waydiisaa Ma Waxa ay doonayaa in Hargeisa la Duqeeyo oo la  yidh aa Alshabab iyo Alqaacidaa ku dhuumanaysa, sida somaliya ka dhacda? Mise Somaliland  ay ay Cadaw ku yihiin?.

Shicibka reer Somaliland waxay Khaati ka taaganyihiin Ololaha Caadifaysan ee Xukuumadu caadaysatay, iyo yooyatanka, Cayda, Aflagaada aan loo aabo yeelayn ee ay  iswaydaarsa danayaa Xisbyada Somaliland sidii hablo yarar oo is arki kari la, siyaasadu maaha Cay iyo Aflagaado, Balse waa in Qof waliba Ujeedadiisa iyo hadafkiisa u soo bandhigaa si aan  Turx aan lahayn, Dadkuna ku qancaan.

Somalidu waxay tidhaa qofba isha laga arko ayuun baa lagu dhaqmaa, hadii shicibka Reer Somaliland ay ka dhiidhiyayaan Waxyaabaha noocaas oo kale ah, waxay ila tahay  Waxbad an oo ku soo socda ayaan lala horyimaadeen.

Xisbiyada mucaaridka ma Odhon karno Eed ma laha Balse Xukuumada maaha inay ku  tuma to Xuquuqdooda Xisbi ahaaneed iyo Xaqooda Muwaadinimo, Hadii ay jiraan Waxa ay  sheeg ayso Xukuumada Somaliland oo Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada  Sam aale, Dr.Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi ay Alshabaab Xidhiidh la leeyihiin, Maxaa  Maxkam ad loo soo taagi waayay oo loogu Cadayn waaayay Hadii ay Danbiileyaal Yihiin, mise Ninka Adag oo dhan ayaa Argagixiso lagu tilmaamayaa.

Hore ayaa Website-ka Afka Dawlada ku hadla ee Qaran News loogu daabacay war  sheeg aya in Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland uu wakiil u yahay Gudoomiyaha Ururka Alshabaab ee ka dagaalama Somaliya, iyada oo aan wax  Cada yn ah loo haynin, Maxkamadna la hor keenin, Xuquuqdiisii iyo sharaftiisii Muwaadinimona Meel lagaga dhacay. Yaa masuuliyadeeda Qaadaya hadii maalin Walba wax aynaan Gayin la inagu Tilmaamo?.

Haddal iyo dhamaan Waxaa Waajib ah in Qof walba Xilkiisa lagu ixtiraamo, Karaamada iyo Sumacadda Somalilandna aan meel lagaga dhicin, Xukuumadana waxaa ku waajiba in ay  xil keeda Gudato balse aanay isku mashquulin wax aan Danta shicibka Somaliland ahayn oo ay ixtiraamaan Dadka ay codka ka doonayaan ee ay gacmaha hoos haystaan, Qofkasta oo  Da mbi ka gala Somaliland-na waa maxkamad la hor keeno oo Lagu Cadeeyo Danbiga lagu  eed aynayo, Hadii aan sidaa la yeelin waxaynu khatar ugu jirnaa ina Sida Somaliya ka dhacda ka mabda,aaga Qaadan waaya lagu tilmaamo Gaal, illaahay sida khayrka leh ha ina waafajiyo.



Wa bilaahi Tawfiiq


 

 

Wariye: Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Network (TNN)
Hargeisa/Somaliland