Shirweynaha Xisbiga Udub ee Waqooyiga Yurub:
(06-07.03.2010)
 

Helsinki: Shirweynihii xisbiga UDUB ee laamaha ee wadamada waqooyiga Yurub ayaa lagu soo gebegebeeyey magaalada madaxda Helsinki ee wadanka Finland. Shirweynaha laamaha xisbiga udub ee waqooyiga Yurub oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta  Jaaliy adda Somaliland ee Finland.Shirka sannadkan oo ay ka soo qaybgaleen laamaha xisbiga ee  dala lka :Finland,Sweden,Norway iyo Denmark.Shirka waxaa lagu Furay aayadaha quraanka kariinka oo u akriyey sh. Axmed Nuux.


Shirka waxaa Furay Gudoomiyaha UDUB ee Waqooyiga Yurub isla markaana ah Gudoomiyaha  la anta Finland Mudane Siciid Cumar Hurre. Guddomiyuhu waxaa uuhadalo soo dhawayn iyo  maha dnaqba ah u jeediyey dhammaanba ergooyinka shirka uga soo qayb galay laamaha xibiga ee aagga waqooyiga Yurub. Si gaara waxaa uu ugu mahad naqay ergooyinka shafarka u soo galay iyo inta ka qayb qaadatay diyaarinta shirka iyo marti sharafta shirka.


Shirkan oo ahaa laba qaybood; qaybta hore waxaa laga dhegeystay warbixinta laamaha xisbiga ee dalalka waqooyiga Yurub, oo ay kala akhriyeen :


1.Siciid Cumar Hurre (Finland 2.Ismail Cali Axmed (Norway)
3.Cabdi Cali Warsame (Sweden) 4.Cabdi Nuux Warsame (Denmark)
Waxaa kaloo warbixinno ka soo jeediyey Gudoomiya Garabka Haweenka Xisbiga UDUB ee waqooyiga Yurub Marwo: Canab Axmed Goox iyo Gudoomiyaha garabka dhallinyarada ee Finland Cabdi Yusuf Macallin.


Qaybta labaad ee shirka waxaa laga wada hadlay hawlaha iyo habdhismeedka aagga  waqooyi ga Yurub ee xisbiga iyo darargelinta hawlaha-taasoo culayska la soo saaray diyaarinta  muraaq ibiinta doorashooyinka soo socda iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada dhaqaale ee xisbiga.


Isla qaybtan labaad ee shirka waxaa lagu wareejiyey xilkii gudoomiyenimada ee aagga  wa qoo yiga Yurub Mudane Cabdi Cali Warsame ahna gudoomiyah laanta Sweden. Waxaa shirka soo  gu naanaday Gudoomiyii hore ee xisbiga Udub ee waqooyiga Yurub Siciid Cumar Hurre.