Kampala: Shirka Midowga Africa oo furamaya

Kampala
waxaa maanta ka furmaya shirka Midowga Afrika. Qaraxyadii Kampala
iyo xaalad da Somalia ayaa ka mid ah qodobbada laga hadlayo.
Kampala,Uganda July 19 2010 (TNN)-Magaalada
Kampala waxaa maanta ka furmaya shir ka waddamada ururka
Midowga Africa. Shirkan ayaa ku soo beegmaya toddobaad kadib markii
qaraxyo khasaaro dhaliyay ay magaaladaasi ka dhaceen.
Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay. dhamaan waddooyinka
ka yimaada garoonka diyaaradaha iyo hotel-ka uu shirku ka dhacayo
ayaa waxaa la dhigay ciidamada amniga iyo kuwa militariga Uganda.
Madaxda waddamada Afrika ayaa la filayaa inay shirkan uga hadlaan
qoddobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaraxyadii Kampala iyo xaaladda
murugsan ee Somalia.
Dalka Uganda ayaa la filayaa inuu madaxda waddamada Midowga Afrika
ku caddaadiyo in ay ka dhabeeyaan xal u helida arrimaha
Somalia, isla markaana ay ciidamo ka socda wad damada Midowga
Afrika u diraan Somalia.
Waddanka Uganda waxaa uu qeyb ka yahay howlgalka midowga Afrika ee
Somalia ku su gan, wuxuuna qaraxyadii toddobaadkii hore dhacay
kadib balanqaaday inuu kordhin doo no ciidamada ka jooga
Somalia.
Mid ka mid ah qoddobada ugu waaweyn ee shirkan ayaa la filayaa inuu
noqdo in ciidamo gaadhaya ilaa 20 kun oo askari kana socda Afrika la
geeyo Somalia, sidoo kalena qorsh aha ama mandate-ka ciidamada
AMISOM la baddalo, lagana dhigo kuwo awoodi kara inay weerarro ku
qaadaan goobaha ay dagan yihiin kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale
ee ku sugan Somalia.
Source:VOA
|