Shirkadaha Telesom Iyo Dahabshiil Oo Yeeshay 70% Macaashka ka Soo baxa Ganacsiga Somaliland Iyo Jimcaale Oo Sanad Kasta Malaayiin Dollar Looga Diro Hargeysa

 



Hargeysa, March 15, 2010 (TNN) – Shirkadda Xawaalada ee Dahabshiil iyo Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ee ka hawl gala dalkan ayaa marka dakhligooda la isku geeyo uu yahay ugu yaraan 70% lacagta sanadkiiba laga faa’iido ganacsiga ka jira dalka Somaliland oo dhan.

Shirkadda Telesom Somaliland (Ex. Barakaat) ayaa sanadkii 2009 waxa ay faa’iiday $48,000,000 (Net Profit) ah (Siddeed iyo Afartan Milyan oo Dollarka Maraykanka ah), halka ay shirkadda Dahabshiil la rumaysan yahay inay faa’iiday $12,000,000 (Laba iyo Toban Milyan oo Dollar).

Shirkadda Xawaaladda ee Qaran ayaa iyadana lagu qiyaasayaa faa’iidada sanadkii hore soo gashay $4,000,000 (Afar Milyan oo Dollar), halka Xawaaladda Amal ay iyaduna faa’iido intaas ku dhow dhaw ku dhufatay sanadkii 2009.

Dawladda Somaliland ayaa sida la ogsoon yahay wax cashuur ah oo wax ku ool ah ka qaadin dakhliga  shirkadd aha waaweyn iyada oo wasaaradda Maaliyada ee Cashuur ururinta u xil saarani ay tahay mid ay awoodeeda  cu ryaamiyeen musuq maasuq baahsan iyo itaal darro aqooneed.

Tusaale ahaan dakhliga shirkadda Telesom shantii sanadood ee u dambeeyey waxa lagu qiyaasay $1.4 Billion am a (Kun iyo Afar Boqol Oo milyan oo dollar).

Haddii ay dawladdu ka qaadan lahayd 10% siday dawladdaha Jaarku yeelaan, waxa khasnada dawladda u soo xeroon lahaa $140,000,000 (Boqol iyo Afartan Milyan oo Dollar), laakiin sanadkan u dambeeyey Telesom waxay bixisay wax aan ka badnayn $20,000.

Shirkaddaha Xawaaladaha badankoodu iyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dhamaantood ka hawlgala Somaliland ayaa waxa maal gelintooda iyo macaashkooda intiisa badan iska leh niman reer Somalia ah iyo dad kale oo  ajaa nib ah.

Tusaale ahaan mulkiilihii shirkaddii Barakaat Axmed Nuur Jimcaale ayaa sanad walba waxa looga diraa magaalada Hargeysa Malaayiin Dollar oo macaash ah, iyada oo uu weli leeyahay 60% Sheerarka Telesom Somaliland.

Mr. Jimcaale waxa lacagtaas uga wakiil ah nin reer Boorama ah oo degan Hargeysa, kaas oo ugu ugu shuba  xisa abo ka furan baanan dibeda ah.

Dhinaca kale shirkadda isgaadhsiinta cusub ee Somtel ayaa iyadana waxa maal gelinta raasamaalkeeda ka soo qayb galay nin Carab ah oo aan la garanayn halka uu ka soo jeedo.

Waxa kale oo la sheegay in ganacsadaha reer Djibouti Cabdiraxmaan Boore uu Sheerar badan ku leeyahay Som tel.

Shirkaddaha waaweyn ee ka shaqaysta Somaliland ayaan dhaqan u lahayn in xisaabaadkooda ay dadweynaha (Public) u soo bandhigaan, waxaanay Camaa’ilkoodu xoojiyaan isla markaana dhiirigeliyaan sii jiritaanka  musuq maasuqa hadheeyey hay’addaha u xilsaaran dakhli ururinta qaranka ee dawladda.

Hasa yeeshee shirkaddaha gaarka ah ayaa la rumaysan yahay inay iyagu yihiin Ingiinka wada koboca  dhaqaal aha dalka marka laga reebo xawaaladaha ay qurba jooga reer Somaliland ay bil walba u soo diraan caa’iladooda ku nool dalkooda hooyo.

Source:Haatuf