Shirka caalamiga ah somali weyn loogu baaqay wuxu ka dhacayaa Xamar ee Doctor Maxamedow diyaar ma u tahay inad ka qeyb gasho ood albaabkan soo garaacdo

 

 



Baryahan ba waxeynu ku mashuuqleney dhamaan sheekadeenuna ka dhamaan weyday waanu taagee r sanahey shirka Nairobi iyo waanu cambareynayaa weftiga iyo waa shir caalamiya oo nalagu casuum ay iwm .


Haddaba waxa marwalba mudan in aynu ka fogaano marka hore ba, haddii aynu dooneyno in aynu wax ka nidhaahno arimahan shirarkaasi somalida ku saabsan ee xukumada lagu eedeynayo in ay ka qeyb  g ashey caadifada, muxaafidnimo iyo mucaaridnimo oo aynu runtii uga hadalnaa sida ay wax u jiraan isla markan waxwalba laga horeysa danta dalka iyo difaaca qaraninimad JSL, ee maha inu arinku inaga noq do waran waran ka horgee iwm.

Haddii an u soo daadago dulucda qoraalkeygani maaha mid an ku durayo qoraalo hore ama cid gaar ah islamarkan an ugu jawaabayo wasiirka arimaha dibada iyo wafdigiisii, wuxu qoraalkeygu ku jiheysan ya hay horta ma isweydiina su'aasha odhaneysa muxu ahaa .

AJANDAHA SHIRKANI kusaabsanaa, iyo cida uu khuseynayay ee loogu talo galay? su'aashaasi ayaa ho rta mudan in la isla meel dhigo oo la isla garato cida u khuseyo iyo ajanduhu wuxu yahay.

Haddii an isku dayo bal inaan jawaabo kooban ka bixiyo shirkan wuxu ahaa iyo ajandahiisu runtii shir la gaga wada tashanayo sidii garabeyada iskhilaafsan ee dawlada kumeel gaadhka ah la isugu soo dhawe yn lahaa si looga wada tashado waxa dawaladan laga yeelayo bisha Aug wixi ka danbeya oo xiligeedii ku eeg yahay iyo mudo kordhiska dawlada iyo golaha wakiilada oo mudo aney UNtu ogeyn kordhisday, waxa kaloo runtii nuxurkiisu ahaa in wadatashi lala sameyo maamul goboleedyada dalka ka jira ee nab adgalayda sugay islamarkan wax laga weydiiyo arimaha khuseya dagaamadooda iyo sida looga soo wa da qeybgali laha shirweyne loo balan san yahay inuu Mogdisho ka dhaco bishan fooda inagu soo heysa ee June sidey warbinta ba ku sheegan madaxdii madasha ka hadashey, taaso ay beesha caalamku u ar agto rajadii ugu wanaagsaneyd ee xal loogu heli laha mashaakilkan soomalida heysta iyo dawlada la'a anta daba dheeratey.

Haddaba aynu u soo daadagano su'aasha odhaneysa yaa lagu casuumay oo ka soo qeyb galay shirkan soomaliweyn, dabaca waa lawada ogyahay ila hadda in aney jirin dawlad ina aqoonsatey taasana run tii ku khasabeysa UNtu in ay casuumadaasi inagu soo daraan, runtii sida aan aaminsanahay waxa mark haati ma doonta ah in ajanda kaste oo shir loogu talagalay in lagu gorfeyo loo gudbiyo qeybah ay khus eyso nuqul loogu talo galay si ay u sii fahmaan waxa madasha lagaga wada hadalayo taasi waa fariin an hubo in ay soomaliland ka war qabto waxa u shirku ku saabsan yahay haddii an indhaha la iska tuu reynh.

Waxan aaminsanahay in qeybkaste oo shirkan ka soo qeyb gashay lagu war galiyay idinka si gaar ah baanu idin qaabilaynaa markaad madasha timaadan, taasi waa maamulka UNta oo dooneysa in ay qeyb kaste kalsoonidooda gacanta ku dhigto, taasan keentay in soomaliland iyo kuwa kala ba balantaasi loo sheego iwm. Laakin ujeedadu waa in ay somaliweyn oo aynu ka mid nahay caalamka sawir uga gudbiya an oo ay u sheegan in aynu ka mid nahay somaliweyn islamarkan madashaasi la inagu casuumay, sawir kaasina wuu u hirgalay UNtii iyo madaxdii kale ee shirka hormoodka ka ahey.

An u soo noqdo qeybaha loogu talo galay in casuumada loo fidiyo islamarkan caalamka indhahooda la gu soo jeediyo

1. Dawlada sheekh shariif iyo wasiirka kowaad iyo wasiiro iyo gudoomiyaha xildhibaanad iyo xildhibaan o iyo koox lagu sheegay bulshada rayid ka ah

2. Maamul goboleedka Puntland waxa horkacayay madaxweynaha maamulkaasi A Faroole dhawr wasiir iyo xildhibaano iyo qeyb ka mid ah bulshada rayidka ah

3. Maamul goboleedka Galmudug waxa horkacaya Caalin oo ah madaxweynaha maamulkaasi iyo dhawr wasiir, xildhibaano iyo kooxdii bulshada rayid aheyd

4. Sida ay UNtu u dhigeyso maamul goboleedka somaliland waxa horkacaya wasiirka arimaha dibada iyo dhawr wasiir oo kale, xildhibaan iyo koox bulshada rayidka

Waxad ka dheehan karta habka casuumadu loo soo agaasimay iyo sida maamulkaste qeyb looga siiyay shirkan isku mid ah, wasiiro, xildhibaano iyo bulshada rayidka ah oo dhamaan ka kooban maamulada ma dasha lagu soo casuumay.

Waxa mudan in aynu bal ka dhex baadhbaadhno go'aamadii madasha lagu soo gabagabey qodob qudh a oo khuseya JSL oo madashaasi si toos ah ama si daban loogu soo qaadey, runtii ma jirto arimo khuse y somaliland oo UNtu ka soo saartey shirkii goonida ahaa ee weftiga somaliland la yeesheen, an runtii aheyn nabad ka jirta somaliland oo ay ku xuseen qoraalkooda, waxa somalidu tidhaahda NIN REER U WE YN IYO NAG NAG KA UMULEYSA MIDNA SIDA AY WAX U OG YIHIIN UMASHEEGAN, wefdiga iyo xukuumadu ba waxbadan bey ogyihiin oo aney rabin in ay shacabka u sheegan ila ay ka midho dhalinayaan.

Sida ay warbaahintu inoo sheegeysa dhawr qodob oo khusey madaxda dawlada kumeel gaadhka ah oo loogu baaqay in ay soo afjaran khilaafkood labada garab, waxa kaloo dhamaan loogu baaqay maamula da iyo dawlada kumeel gaadhka ah in ay ka soo wada qeyb galan shir weynea soomaliyeed oo lagu qab an doon bisha soo socota June magaalada Mogdisho, waxaana shirkaasi wada maamuli doona oo horm ood ka noqon doona u qaabilsanaha somaliya UNta iyo dawlada kumeel gaadhka ah, taasina waa war murtiyeedkii ka soo baxay shirkaasi


Iyadoo u shirku ba sida cad ceeda u cad yahay nuxurku xanbaarsanaa ayey wafigii somaliland riwaaya da an madasha shirka ba la dhigin noogu sheekeynayaan GOREYO XAAR MUUQDA AYEYE AASTA. Waxan leeyahay wasiirka daakhiliga Dr Gaboose geesi ku sheegay sxbkii Dr M A Omar si haliyeynimadii nu taariikhda u gasho shirarka beenta ad ka sheegeysan ka daaya oo galka seefta ka saara oo ujeeda diina banaanka soo dhiga, somaliduse hore u tidhi MACAL CUNE LA ARKI DOONA, oo shirka bisha June iska xaadiriya Mogdisho.

Waxan qoraalkeygan kusoo gabagabeynayaa KAADI BADANE WAA LOO GOGOL BABIYAYE, bishan June ee biritoole inooga hadhsantahay baa shirkii somaliweyn loogu baaqay ka dhici doona Mogdishe diyaar ma u tihiin inaad shirkaasi caalamiga ah ka qeyb gashan?.

Haddii ay jawaabtu noqoto HAA, WAA RUN OO GEESIYADII AD SHEEGTEEN BAA TIHIIN TAARIIKHADA SO MALIDANA WAA LA IDINKU XUSI DOONA oo baal dahaba ayaa la idinku xusi doona, waxad noqon doont an kuwii Somaliweyn badbaadiyay, Somaliland cawda u jiray, waxa leeyahay ALLAHEYOW NIN DAACAD A AH ALLAHAYO NIN DAALIN AH DEEQDADA HA U SIMIN



Somaliland ha noolato
 

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway