Ogaysiis Shirweyne uu
qabanayo Ururka SNM
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Tariikh: 08-03-10
KU: Dhammaan Saxaafadda Madaxa Bannaan
KU: Isgaarsiinta Internetka ama websiteyada
UJ: - QABANQAABADA SHIRWEYNAHA SNM.
Annaga oo ah Guddiga Qabanqaabada shirweynaha SNM, Waxaanu Halkan Ku
soo Bandhigaynaa Qodobadan Hoos Ku qoran:-
1. Haddaanu Nahay Ururka SNM waxaanu Ogaysiinaynaa dhammaan SNM in
uu jiro Shir ay isugu imanayaan Debed iyo Gudo ba, Kaas oo ah Baaq
Nabadeed iyo Aayo ka tashi.
2. Shirkaas oo ka dhici doona Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
3. Shirkaas oo qabsoomi doona wakhtiga warbaahinta qaybheeda kala
duwan lagu faafiyo, soconna Doona muuddo 45 maalmood ah, kana
Bilaabmaysa 8 da Bisha March 08-03-10.
4. Shirweynahaas oo ay ka soo qaybgeli doonaan, Ergo dhan 82 xubnood.
5. Waxa kaloo jira xubno marti sharaf iyo dhegaystayaal ba isugu
jira oo ka soo qayb geli doona shirka, waxaana lagala soo
xidhiidhayaa Guddiga qabanqaabada.
6. Waxaanu kale oo halkan si kooban ugu sheegaynaa arrimaha sababay
qabsoonka shirweynahan,oo ah kuwan:
1. Nabad Gelyada Guud ee somaliland, in ay ka noqdaan kaalinta 1aad.
2. Dayac iyo tayo laaan ka muuqatay abaar ka soo Doogii SNM iyo
agoomahoodii.
MAGACYADA XUBNAHA GUDDIGA QABANQAABADA.
# FAARAX SICIID SUGULLE
GUDDOOMIYE
# JAAMAC SHAWR CILMI
GUDOOMIYE KU XIGEEN AHNA AFHAYEENKA
GUDDIGA QABANQABADA.
# YUSUF SULUB DIIRIYE
..XOGHAYE
# CABDI JIRDE CAWED
XUBIN
# XAYS WARSAME KAAHIN
.XUBIN
# CABDI CALI AXMED
XUBIN
# AXMED CAGAWEYNE
.XUBIN
Kala so xidhiidh Guddiga qabanqabada shirweynahan:
2522,4314109 / 2522,4332295 / 2522,4333477.
Burco /Togdheer /Somaliland
ALLAA MAHAD LEH
|