Gudoomiyaha Degmada Wajaale oo Kulan la Qaaday Gudida horumarinta
iyo Ganacsatada Wajaale, Una Soo Bandhigay Qaabka Wax looga Qaban
Karo Jidadka Degmada Wajaale
Tog-Wajaale (TNN)-Kulan-Ballaadhan oo ay yeesheen Maamulka Magaalada
Wajaale iyo Guddiyada kala duwan ee ka jira Magaalada oo ay kaga
arrinsanayeen sidii loogu maaro heli lahaa Wadooyinka Magaalada
Gudaheeda dhex mara, oo Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladu in Muddo ahba
khaati Nafsi ka joogeen Jid xumada haysata.
Kulankan Maamulka Degmada Tog-Wajaale la yeeshay Guddiyada
Horumarinta, Ganacsatada, iyo Odayaasha Deegaanka oo ku qabsoomay
Hoolka Shirarka ee Xarunta Dawladda/Hoose ayaa waxa ka soo
qayb-galay Madaxda Laamaha Dawlada ee Degmada, Ganacsatada, Cuqaal,
Qaar ka tirsan Dadka ku dhaqan Magaalada, iyo Marti-Sharaf kale oo
badan.DSC00668
Munaasibadani lagaga wada hadlayey sidii loo hagaajin lahaa
Waddooyinka Magaalada gudaheeda oo si heer sare ah loo soo agaasimay
ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale
Xaashi Maxamuud Cabdi iyo Xog-hayaha Fulinta Dawladda/hoose ee
Degmada Faysal Maxamed Cumar, kuwaas oo Sharaxaad dheer ka bixiyey
Baahida loo qabo in Waddooyin Laami ah laga hir-Galiyo gudaha
Magaalada, sida ay u qoondeeyeen ee ay u qorsheeyeen in laga
suurto-galin karo Waddooyinkaas, iyo Inta ay Gacanta ku hayaan,
Wixii ku bixi lahaa ee Kharash ah, iyo inta ay ka doonayaan
Ganacsatadu in ay kaga qayb gasho sidii loogu samayn lahaa
Waddooyinkaa si,"Wax aanu qiimayn ku samaynay Jidadka Magaalada dhex
mara oo aanu Shirkadani noo fulisay, waxay ku
qiimeeyeen Lacagta ku baxaysa Jidadka Magaalada Lacag dhan Sideed
Boqol oo kun oo dolar, Daw lad/hoose ahaan waxaanu haynaa Boqol kun
oo Doolar, Inta kale waxaanu qorshaynay in Dadwayn aha iyo
Ganacsatada Magaalada iyo Dalkuba nagala qayb qaataan". Sidaana waxa
yidhi Gudoomiy aha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Maxamuud C/laahi. "Waxaanu
Ogaysiinaynaa Dawladda iyo Dadw aynaha Reer Somaliland meel kasta oo
ay joogaanba, Gaar ahaan Qurbe-joogta in tusaale aha an Hal Milyan
oo Qof oo Min Hal Doolar ahi waa Hal Miyan oo Doolar, wax wayn ayay
noo qabanaysaa oo Waddooyinkaa way inoo dhamaystiri lahayd. Sababta
oo ah tusaale ahaan Qoyska ka kooban Tobanka qof waxaa laga yaabaa
Marka ay ugu yar tahay in Shan Qof oo ka mid ahi ay sitaan Moobilo
oo Maalintii Alle keenaba ku shubtaan Min Hal Doolar, waxaa ka
wanaagsanayd in aynu Maalin ka mid ah aynu ugu deeqno Horumarinta
Dalkeena, sababta oo ah Dal kasta cida dhistaa Waa Da dk eeda".
Sidaana waxa yidhi Xog-hayaha Fulinta Dawladda/hoose ee Degmada Tog-wajaale
Faysal Maxamed Cumar.
Gudoomiyaha Guddida Horumarinta oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa
sheegey in ay qiimayn ku soo sameeyeen Waddooyinka Magaalada dhex
marta, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: "Waxaan u soo jeedinayaa
Dadwaynaha Degmada Tog-Wajaale iyo Gobolkaba iyo guud ahaan
Ganacsatada waawa yn ee Dalka in ay qayb Libaax ka qaataan Sidii loo
hagaajin lahaa Wadooyinkasi, Magaaladana markii aanu qiimaynay ee
Magaalada gabigeedaba aanu Sarfayn ku samaynay, waxaa lagu qiyaasay
Laca gta ku baxaysa Sida Maamulku sheegay 750,000$ ilaa 800,000$ (Todoba
Boqol iyo Konton kun oo Dolar ilaa Sideed Boqol oo kun oo Dolar)
marka hore waxanu soo bandhigaynaa inta ay Dawladdu u
qorshaysay ee ay kaga qayb-qaadanayso, inta kalena in Dadwaynaha iyo
Ganacsatada ka dhex ganacsatadaba la saarayo Muhiimada in ay ka qayb
qaataan
Oday Cismaan Miigane Suldaan oo ah Gudoomiyaha Guddida Odayaasha
Magaalada Tog-Wajaale oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay
Dawlada kula garab taagan yihiin tallaabo kasta oo Dadwaynaha loogu
adeegayo, "Hadii Dawladayadu ay diyaar u tahay in ay wax nagala
qabtaan Baahiyaadkayaga, Annaguna waxaanu diyaar u nahay in
Maamulkayaga haday Degmada tahay, haday Gobolka tahay iyo haday
qaranka tahayba in aanu Gacmaha Qabsano oo aanu wax la qabano inta
Awoodayada ah, Hal Shilin haday Qofka Awoodiisu tahay waanu
bixinaynaa" ayuu yidhi Oday Cismaan Miigane Suldaan.
Cali Tubeec oo Isaguna ku hadlayey Afka Ganacsatada Degmada
Tog-wajaale ayaa yidhi: "Dadka ama Shacabkaba Waxaanu u tabinaynaa
in Dhaqaalaha intaa leeg aanay Dawlada/hoose ee Degma du ka kaban
karin, Cid kasta oo wax ku darsanaysa Lacagta Xaddigaa leeg ee
Sideeda Boqol ee Kun ee Dollar ah in lagala qayb qaato ayay soo ban-dhigeen,
waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadano intii Karaankayaga".
Ayuu yidhi Cali Tubeec oo ka mid ah Ganacsatada Degmada Tog-Waj aale.
Kulankan ay Maamulka Magaalada Tog-wajaale la yeeshay Guddiyada kala
duwan ee Degmada oo ay kaga wada hadlayeen sidii loo samayn lahaa
Jidadka Magaalada, ayaa noqonaya Kulankii ugu horree yey ee noociisa
ah ee ay ku kulmaan labadaa dhinac tan iyo intii lagu dhawaaqay
Madaxbanaanida Somaliland
C/risaaq Muxumed Aw Daahir
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland
|