Sh.Axmed Cali Kaahin oo Khudbadii jimcaha kaga hadlay khilaaf diimeed ka dhex Abuurma umada Reer Som aliland iyo Cawaaqib xumada ka dhalan karta

 

Hargeisa (TNN)-Sh.Axmed Cali kaahin oo ka mid ah Culimaa,udiinka Magaalada Hargeisa  a yaa maanta khudbadii jimcaha si wayn ugaga hadlay Dhibaatada ay leedahay khilaaf  diim eed oo wakhtigan Ramadaanta Soo wajaha Umadda Reer Somaliland.

Sh.Axmed Cali Kaahin waxa aad ugu dheeraaday dhinacyo badana ka eegay khilaaf  diime ed oo wakhtigan soo dhex gala umada Somaliland kaasi oo uu sheegay inuu horseedi karo dhibaato horleh oo umada Somaliland Cawaaqib Xumo ku reeba.

Sh.Axmed Cali waxa uu ka waramay Qiimaha ay leedahay bisha barakaysan ee aynu ku  ji rno isaga oo tilmaamay inaan loo baahnayn khilaaf diimeed oo wakhtigan ka dhex  abuur ma umada muslimiinta ah ee reer Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in Bisha  ramada an tahay bishii Cibaadada, culimada reer Somaliland-na looga baahanyahay inay Xaliyaan wixii khilaaf ah ee jira, dadkana aan lagu jahawareerin khilaaf baa jira.

Sheekhu waxa uu aad ugu dheeraaday Xadiisyo badana u soo daliishaday wakhtigii  nabi ga iyo sidii ay uwada dhaqmi jireen umadda islaamku iyo sidii loo xalin jiray khilaafyada  dii niga ah ee soo kala dhex gala umada muslimiinta.

Sheekhu Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in bishii barakaysnayd ee Ramadaan lagu jiro sidaa awgeed qof walba garan karo, Danbiga ay leedahay qof dumar ah oo timo qaawan oo is ruxaysa, nabi amaana ka qaadaysa Tv-ga, waxaana uu sheegay in qofka diidan in la  jooji yo isagu danbi ku jiro, balse illaahay lagaga baqo wixii caddaan ah ee la wada arkayo  da mbigiisa in umada laga joojiyo ayaa haboon ayuu yidhi sheekhu.

Sheikh Axmed waxa kale oo intaasi ku sii daray gafafka dadku ku dhacaan wakhtiga  ram adaanta iyo in dadka muslimiinta ah lagu caayo sunaha nabiga C.S.W isaga oo tusaale u soo qaatay in dadka qaarkii gadh-dheer ku caayaan Culimada balse ay danbi tahay in  su nnaha nabigu noqdo Wax lagu caayo qofka muslimka ah.

Dhinaca kale sheekhu waxa uu ka digay wixii kala fogaynaya umada muslimiinta ah ee  wa laalaha ah, isaga oo xusay in aanay jirin Cid diidan Salliga Nabiga C.S.W balse ay jiraan  da caayado dadku fudaydsanayaan oo Danbi ugu socdo faafintooda, tusaale ahaana dadka qaar yidhaahdaan Culimadan yaryari way ka soo hor jeedaan Salliga nabiga C.S.W. oo uu ku tilmaamay Wax aan haboonayn in Qof muslim ah la yidhaahdo Salliga Nabiga ayuu ka s oo horjeedaa.

Waxa kale oo uu Sh.Axmed Cali ka hadlay in laga faa,iidaysto fadliga Bisha Ramadaan, wix ii khilaaf ahna dadka laga daayo, isaga oo sheegay in khilaafyada ka jira wadama jaarka aan la keenin Somaliland ugana digay dadka reer Somaliland inay iska illaaliyaan wixii  abu uri kara khilaaf diimeed.

Sh.Axmed waxa uu ugu Baaqay Saxaafada Somaliland in aanay buunbuunin khilaafyada n oocan oo kale ah oo ay illaahay kaga cabsadaan waxa ay qorayaan ama ay Tabinayaan, si ay soonkooda u illaashadaan maadaama bishii ramadaan lagu jiro. Waxaanu sheekhu  u gu duceeyay umada muslimiinta ah inuu dhexdoodka ka saaro khilaafka, Qalbigoodana is jeclaysiiyo, Waafajiyona Bisha ramadaan Fadligeeda.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa magaalada hargeisa aad loo hadal hayay khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Cusub ee Diinta iyo Awqaafta iyo qaar ka mid ah Culimada Reer  Som aliland, kaasi oo la sheegay inuu ka bilaabay Barnaamijyo diini ahaa iyo qasiidooyinka ka bixi jiray Tv-ga Qaranka iyo Idaacada Radio hargeisa wakhtiga ramadaanta oo laga  jooji yay, balse markii danbe dib loo soo celiyay.


 


Mustafe Future

Timacade News Network (TNN)
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com