SHEEKADII CALI DAMEER
Xasan C. Madar

Markan waxa laga hadlayey doorashooyinka ka qabsoomi doona
soomaalilaand iyo isbeddellada siyaasadeed ee la filayaa waxay soo
kordhin karaan. Mar hadd aanan siyaasadda si firfircoon ugu jirin,
dhinacyada ku loollamayana ka madax bannaanahay wax badan kuma
darsan karo ka hadalkeeda.
Doorka keliya ee a an ku
leeyahay waa la socoshadeeda iyo tilmaanteeda mee laha ay ka
janjee dho. Kol haddii aan sidaa uga fogahay siyaasadda waqti
bad an uma hayo ka war celinta weydiimo mararka qaar soo
noqnoqda oo markasta oo koob qaxwe ah aad cabbayso dadka agtaada
fadhiyaa kugu soo ganayaan.
Haddii laga qaxweyn waayey waa
inaan hal ma laba sheeko kaga warceliyo si xi lka inta aan ku
leeyahayna iiga dhaco, kuwa siyaasadda xiiseeyana murankoodu ugu sii
macaanaado, anigu aan u helo fursad aan qaxwaha ku fuudo inta aanu
i ga qaboobin. Weydiintan ay maanta i hordhigeen ee waxa laga filan
karo isbed delka siyaasadeed ee soo fool leh waxan kaga
fakaday uun sheekadii Cali Dameer.
Odaygaa Cali Dameer in badan baa
ooridiisu ka codsatay inuu magacan silloon iska beddelo oo magac
hagaagsan la baxo. Wadaaddu waxay khaati ka joogtay xanta dumarka oo
markasta oo ay erey ku darsato waxa la odhan jiray islaantii
Cali Dameer ma maqasheen waxay ku
dhawaaqday. Cali Dameer markii cabash adii islaantiisa ee
magac beddelku ku badatay ayuu maalin dambe go’aansaday inuu magacan
iska beddelo si uu marwadiisa qaaliga ah u raalli geliyo. Goor galab
ah ayuu islaantii u yeedhay oo ku yidhi, “Ee bishaaro, maanta
magacii baan iska beddelayaa”
Islaantii markiiba farxad bay la duushay, casuumad casho ah bay
diyaarisay, du markii xaafadda oo dha bay u yeedhay oo ku tidhi,
“Caawa odaygaygii baa mag aca iska beddelayee waan idin
casuumay”
Dumarkii xaafadda oo dhan baa casuumaddii ka soo qayb galay.
Habeenkii oo dh an baa damaashaad iyo durbaan lagu jiray oo
bishaaradu isdhaaftay.Sidii loo ci yaarayey baa saq dhexe lagu
kala dareeray, islaantii iyo odaygiina hurdo la kala dhaceen iyagoon
waxba isweydiin.
Aroortii hore hore kolkii waagii beryey baa islaantii odaygii kula
soo kallahday w eydiin, “Horto xalay
kumaba weydiine maxaad magacii ku beddeshay, waa max ay magacaaga
cusubi?”
“Magacayga cusubi waa
Jaamac Dameer, kaasaan la baxay,
miyaanu ka wanaa gsanayn kii hore ee aad khaatiga ka joogtay?”
buu yidhi isagoo dhoollo caddayn aya oo ku faraxsan inuu magacii
iska beddelay si uu islaantiisa u raalli geliyo.
Naxdin baa islaantii dhulka ku dhacday oo la miyir beeshay.
Isna waa kan oo wuu dul taagan yahay, wuxu garan laayahay waxa
islaanta ku dhacay, wuxu ka fikirayaa haddii magacii cusbaa
dawakhaad keenay inuu maga ciisii hore ku noqdo. Cidii talo ku
kordhinaysa wuu uga baahan yahay.
Xasan Cabdi Madar
nabaadiino@yahoo.com
|