Sharmarke: Waa la iga been abuuray

 


 

Dubai (TNN)-Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa  shee gay in laga been abuuray saxiixa heshiiska dowladda KMG ah ay la gashay  shirkad da ajnabiga ah ee qaabilsan dhinaca ammaanka ee la yiraahdo SARACERN.

Jawaabta, Cumar Cabdirashiid ayaa ka danbeysay kadib markii toddobaadkan  horraan tiisi uu Raiisul Wasaare, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, hortagay baarlamaanka KMG ah si uu uga jawaabo heshiiskaasi.

Raiisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa waxa uu sheegay in heshiiska uu ka  horee yay  isa ga oo ay saxiixday xukuumaddii hore.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyay BBC isaga oo jooga magaalada Dubai waxa uu  she egay in aanu waxba ka ogeyn heshiiskaasi, isla mar ahaantaana aanay marnaba ka  wa da hadlin isaga iyo Madaxweyne Shariif.

Waxa uu ku eedeeyay xafiiska Madaxweynaha iyo xubnaha ka ag dhawaa inay ka  danb eeyeen warqaddaasi uu ku tilmaamay inay tahay mid laga been abuur.

Mr Sharmarke waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu baarlamaanka u caddeeyo ar rintan.



Source:BBC