SHANTII JUNE JEBINTII JEELKA MANDHEERA ( 5-6-1988 )
QAYBTII KOOWAAD
Wakhtigii loo balamay inay dhaqaaqaan ciidamadii
SNM oo ahayd
wakhtiga loo yaqaan ( 0 ho ur ) –ka kuna beegnayd
26- 5- 1988 –kii, ayaa ciidankii SNM ee ku aadanaa dhinaca barigu, lo ona ya q aanay
aaga madiini, u dhaqaaqeen dhankaa iyo magaalada Burco, halka
qaybtii Maki dib uga dhacday saacaddii dhaqaaqa duroofo u gaar ah
awgeed.
Sidaasi daraadeed ayaa labada guuto ee kala ahaa Sayid Ali iyo
Barkhad oo ka tirsanaa qaybta Makah kuna jahaysnaa koonfurta
Hargeisa ay aagoodii u badaleen Cadaadley iyo Mandheera.
Aaga dhexe waxa uu deganaa meesha la yidhaa Bisad, waxaanu ka
koobnaa:
1. Guutada Sayid
Ali
2. Guutada
Barkhad
3. Guuto waqtigaa
la sameeyay oo loo bixiyay Sayid Cumar-ka labaad
4. Urur ka
tirsanaa Sheikh Sancaani.
27- 5- 1988 kii waxa Bisad tegey Jaamac Cali Cilmi oo markaa ahaa
xoghayaha Ciidamadii SNM, w axaanu halkaa kula kulmay saraakiishii
hogaaminaysay ciidamada kor ku xusan. Waxay halkaa i ska raaceen;
Axmed Xasan Adan ( Waysa Cadde ), Xuseen Axmed Guuleed ( Xuseen
Dheere ) iyo Maxamed Cali Farax ( Maxamed Cali ).
Waxay meel Balli Gubadle ah agteeda ugu tageen taliskii labada
qaybood oo shiraya, markii ay k a soo noqdeenna waxay isla qaateen
in la sameeyo, guuto ka kooban boqol iyo lixdan mujaahid ( 160 ) oo
uu kaxaysto Maxamed Cali, si ay jid goyn ugu sameeyaan ciidanka
gurmad ka ah ee k a imanaya dhinaca Hargaysa una socda dhinacaa iyo
magaalada Burco.
28.05.1988 galinkii hore Mohamed-Ali iyo guutadiisii waxay degeen
meesha layidhaa DABIS oo u dhexaysa Dhubato iyo Cadaadley. 2:00pm
duhurnimo ayaa cadawgu soo weeraray waxaana la ys haystay oo laysla
gaadhay ilaa gabal dhacii. Halkaana waxa mujaahidiinta kaga
shahiiday 10 mujaahid. Waxay cadawga u gaysteen khasaare weyn,
gurmadkii laga soo diray Hargeisa iyo Ca daadleyna way burburiyeen,
kadibna waxa cadawgii isku urursaday Gadhka Warsame Xaad.
6:30pm ayaa Mohamed-Ali ka baxay Dabis waxaanu degay Casaha u
dhexeeya Dacar-budhuq iyo Cadaadley.
28.05.1988 duhurkii markay ahayd ciidankii Bisad ku urursanaa waxay
u diyaar garoobeen dhaq aaq. Waxa ay dhaqaaqeen 4:00 pm galabnimo
ayagoo waajib haysta in ay Cadaadley galaan.
Xoogoodu waxa uu ka koobnaa:
1. Guutada Sayid Ali, taliye guuto
mujaahid G/dhexe Ahmed Hassan Adan ( weysa-cade). Tirada guutadu 160
nin
2. Guutada Barkhad, taliye guuto
mujaahid Mohamed Ismail oo ahaan jiray macalin tirada guutada 160
nin.
3. Urur Sh.Sancaani, taliye urur G/dhexe
Adan-dheere tirada ururka oo ahayd 50 nin.
4. 100 nin oo reer
miyi ah (gaas-dhagoole) oo la socday taliyaha qaybta mujaaahid G/dhexe
Hu sein Ahmed Guled (Husein-dheere) Ciidamadaasi Waxay habeenkii
28.05.1988 u hoydeen WAAB O-CADO oo 27km u jirta Daba-gorayaale kana
xigta xaga xuduudka. 6:00am subaxnimo 29.05.19 88 ayay dhaqaaqeen
waxayna xadka Labi sagaale ka talaabeen 10;00am subaxnimo, waxay sii
mareen Ali Adan,Qoton Dabo, Waraabelay,Looliye,Xasan Qodaar iyo
Shimale. Waxa sa hankii u danbeeyay lagu sugay isla markaa waajibkii
u danbeeyay lagu kala qaatay Shimale.
Waajibkii waxa uu ahaa sidan
1. Sayid Ali inuu qabto taliska guutada
86naad oo ugu adkayd uguna xooganayd
2. Barkhad inuu qabto taliska gaaska
12naad.
3. Sancaani inuu qabto ilaalada kowaad
ee Cadaadley oo fadhigeedu ahaa Weeraarta.
Sawirkani wuxuu muujinayaa sidii ay waajibka u
kala guteen
Gaaska Couldn’t 12:30pm guutada 86naad
12 guutada 86
gaas 12
6:00pm qabsaday
5:30pm 5:30pm
Barkhad/taakulaynta Sayid Ali
Weeraarta Ilaalada.
Sancaani 5:00PM
Sida sawirku muujinayo 5:00pm galabnimo ayuu weerarku bilaabmay
1. Ururka sancaani 5;00pm galabnimo
ayuu xabadii ugu horaysay ku bilaabay ilaaladii cadawga oo
fadhigoodu ahaa Weeraarta, waxay ku guulaysteen in ay baabiiyaan
dhamaanba cadawgii markay saacadu ahayd 5:15pm, waxayna difaac ka
galeen koobtii ilaaladu fadhiday intii uu dha maanaayay waajibaadkii
ciidamada kale.
2. Guutada Sayid Ali 5:30pm galabnimo
ayay weerarka ku bilaabeen guutadii cadawga ee 86na ad, oo ahayd
guutada ugu adkayd uguna xooganayd ee loogu talo galay in ay
difaacaan, dhama an jiida Cadaadley iyo in ay u gurmato dhamaan
fadhiisimahii cadawga ee xuduuda teedsanaa. 6:00pm galabnimo ayaa
Sayid Ali ku guulaystay in ay baabiiyaan dhamaan guutadii 86- naad
ee cadawga, isla markaana gacanta ku dhigeen fadhiisinkeedii. Waxa
Sayid Ali ka shahiiday 4 mujaahid oo kala ahaa a) abaanduulihii
guutada S/Ali mj: G/dhexe Ahmed Jama Saban ( janan oogo). b) mj:
siciid Husein Hassan (gudhe) c) mj: Mohamoud Haybe Geele-durdur (oston).
d ) mj: Suleman Ismail (hawiye) waxa ka dhaawacmay mj: Abdi Ali
Cariish
3. Guutada Barkhad iyo taakulayntii
gaas-dhagooluhu, 5:30pm galabnimo ayay weerarka ku bilaabeen gaaskii
12 ee cadawga oo ahaa taliskii cadawga. Barkhad wuxuu dagaalamay
ilaa 12:00am habeenimo, waxaana ka shahiiday 3 mujaahid. Markay
ahayd 12:30am habeenimo ayay Barkhad dib u soo baxeen, waxayna
yimaadeen taliskii guutada 86naad ee Sayid Ali ka qabsaday cadawga.
Ururkii Sh.Sancaani oo soo buburiyay ilaaladii cadawga, dhamaan ayaa
12:30am habeenimo yimid taliskii guutad 86naad oo xarun u noqotay
mujaahidiintii SNM.Halkaana waxa lagu kala qaatay wajibaadkii u
denbeya.
La soco qaybta danbe.
Abdirizak Ibrahim Koshin
(
ALPHO ) |
|