"Shantii Sanno Iyo sanadkii Aan Kuugu Darayba Way Dhammaadeen"
Muuse
Bixi

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee
xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ninka ay xxukuumadda
Madaxweyne Rayaale ku tuhmayso aftahanimo ee ka tirsan ka dalbaday
inuu ku soo horfadhiisto dood garnaqsi ah,
waxaxanu xukuumadda ku eedeeyay inay xisbiga KULMIYE ku hayso warar
dacaayad ah oo ay marinayso warbaahinta dawliga ah.
Md. Muuse Biixi Cabdi, oo hadal dheer ka jeediyay munaasibad loo
sameeyay arday tiro badan oo khamiistii ka qallin jebisay machadka
Nuuradiin, waxa uu caddeeyay in xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE,
diyaar u yahay wixii lagu heshiiyo ee la xidhiidha qaddiyadda 6
April, oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale kaga eegtahay mudadii xil
hayneed. “Dadku baryahan TV-ga qaranka iyo Raadiyowga waxay ka
dhegeystaan Kulmiye ayaa wax diiday, Kulmiye ayaa ina qarxinaya,
Kulmiye ayaa balaayo soo wadda, Kulmiye muxuu waddaa, Kulmiye muxuu
doonayaa, ayaa in badan waayeelka iyo odayaashu Tv-ga qaranka ka sii
daayaan. Kulmiye taa wuxuu kaga jawaabayaa Kulmiye wuxuu wadaa nabad,
nolol, horumar, walaatinimo iyo midnimo. Balaayo ninkii sheega ayay
la taalaa, cidda waxaa akhriyaysa ee xukuumadda ah, ee warbaahinta
qaranka ee dadka ka dhaxaysa waxaa ka akhriyaya haddii aanay wax
qarsanayn, oo ay xaqiiqo sheegayaan, haddii ay dadka war run ah u
sheegayaan Tv-ga qaranka iyo idaacadda ayaanu soo wada
fadhiisanaynaaye ha ogolaadaan waa lagala doodayaaye, haddii kale
waa beenaaleyaal wax qarsanaya." Ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi,
waxaanu intaas raaciyay "Anagu waxaanu u aragnaa in ay dalka
xukuumaddi ka jirto, waa tii aynu ragga badan u laynay, waa tii aynu
waxa adag usoo marnay, ma nihin rag dalkan haba yaraatee intaas oo
hagar daamo u quudhaya. Ninka waxaa akhriyaya ee telefoonka ka
caayaya hebelo aan ka mid ahay waa nin aan xabadi ku dhicin, waa nin
aan walaalkii ku dhiman, waa niman intii ay jeclaayeen aan Hargeysa
meydkooda kaga tegin ee meesha shalay iska yimid. Taasi waa
jawaabtii KULMIYE ayaa na qarxin doona. Su'aasha ah maxaa buuqa
kiciyay.
Dalkani wuxuu ku horumarayaa oo aynu ku wada soconaynaa in la
ilaaliyo shuruucda, Kulmiye waxa qudha ee uu leeyahay sidii aynu ku
heshiinay ee sharciga ahaa inoo ilaaliya, aynu nabadgelyo doorasho
xaq ah oo xor ah ku gaadhno, intaas ayaanu la taaganahay oo aanu
idinka iyo kuwa qaylinayaba u sheegaynaa haddii aanay gar ahayna
idinku [ardayda] naga qabta."
Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaya qaddiyadda 6 April, waxa uu yidhi,
"15-kii bishii May ee kal hore, sidaas ayay Madaxweynaha uga
dhammaatay, ciddii tidhi annagaa dulqaadanayna ee madaxweynoow
sannad kale ka bogo anniga ayuu ahaa. Doorashadii lama hayo,
walaaloow doorashadii meeday ayaanu nidhi, maxay sheegayaan ayaa
lagu jawaabay, miyay na qabataa taasi.? Waxaanu leenahay imikana
su'aasha taagani waxa weeye 31 May ayaa doorasho la qabanayaa ee
xaggee ayuu KULMIYE ku degdegayaa muu iska sugo saddexda biloow. 80
cod ayaanu doorasho kaga tagnay, idinka ayaanan diin danaynay. Waxa
la isweydiinayaa oo keliya waa sharciyadii la qortay. Shantii
sannadood way dhammaatay, sannadkii aan kuugu darayna wuu dhammaaday,
marka la gaadho 6 April, dalka dawladda jirtaa tee ayay noqonaysaa,
ma isagay goleyaashu u kordhinayaan, ma cid kale ayaa la keenayaa.
Taladaas KULMIYE ma laha ee waxa leh labada gole baarlamaan. Marka
6-da April, maare loo helo ee ay goleyaashu ina yidhaahdaan ciddaas
ayaa inoo dawlada ah, haddii ay saacaddaa qabtaan iyo haddii ay
saacadda ku xigta qabtaan, haddii ay maalmo ku daraan iyo haddii ay
bilo ku daraan, wax alla wixii laga heshiiyo ayuu Kulmiye diyaar u
yahay oo uu ku khasban yahay, laakiin waxa ceeb ah in odayaasha iyo
islaamuhu ay run u haystaa waxa dawladda tv-geedu sheegayo, haddii
Kulmiye wax caddaan ah lagu hayo caawa Tv-ga qaranka dawladda ninka
ugu adagi ha ii yimaado, wixii dhaliil uu leeyahay ha u sheego,
laakiin dadka yaan la khaldin, markaa su’aashaa Kulmiye ayaa wax
wada ka bogsada."
Ugu dambayn waxa uu Muuse Biixi Cabdi, bogaadiyay ardayda qallin
jebisay iyo machadka Nuuradiin iyo macalimiinta ka hawlgasha.
Waxa kale oo isna xafladaas ka hadlay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh
Xasan, oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID, waxaanu
isagoo ardayda la hadlaya uu yidhi "Markii aanu dadiina aanu ahayn
ee aanu dugsig sare ka baxnay, waxa tacliintayada noo diyaar
garaynaysay dawlada la ictiraafsan yahay, markaanu shaqada Dusgsiga
sare ka soo baxno waxa aanu ogayn halka aanu ku socono ama in aanu
Jaamacadu dibada ah la noo dirayo ama shaqo aanu helayno. Waad ka
war qabtaan in idinka taariikhdaasi ayna idin hor oolin, haday idin
hortaalana ay tahay cidhiidhi sida aad ku helaysaan tacliin sare
gudo iyo dibadba, inay cidhiidhi tahay inaad shaqo helaysaan. Markaa
taariikhda ina wada horyaala ee maanta wadankeenu marayaa waa
taariikh u baahan in kuligeen la isla kaashado nolosha maanta aynu
ku nool nahay sidaynu u badali lahayd."
Dr. Maxamed-Rashiid, oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda waxa uu
yidhi "Aniga oo aan doonayn inaan halkan ka idhaahdo hadal
siyaasadeed, hadana maanta waxa idin hor imanaysa arin taariikhi ah
haddii aad tihiin dhalinyarada rag iyo dumar leh ee halka fadhiya,
gacantiina waxa soo gali doona inaad ka talisaan umaddii idiin
hogaamin lahayd shanta sanadood ee soo socda iyo wixii ka
danbeeyaba, markaa waa inaad heshaa dawlad Wanaagsan, waa habka ugu
sareeya ee umad lagu maamulo, habkaa ugu sareeya ee umadda lagu
maamulo wax ka badalkeedii ayaa gacantiina soo galaya. Markaa waxaan
idiin soo jeedinayaa inaad akhridaan saddexda Xisbi ee tartamaya
barnaamijadooda oo aad eegtaan dadka hogaaminaya, dabadeedna aad
taladii aad wax ku badalayseen aad gaadhaan."
Wargeyska Geeska Afrika
|