SHALAY IYO MAANTA :MAHADHOOYINKII CIGAAL IYO WEEDHIHIISII MADASHA SIYAASADA
Shalay Iyo Maanta:Mahadhooyinkii
Cigaal Iyo Weedhihiisii Madasha Siyaasada,
28- Jabuuti hambalyadaa aad u dirtay xukuumadda Somaliland kuma matashid ee waa mid shakhsiyadaada ku kooban. 29- Wiilkaad dhashaa waa ayaankaa wiilka ay gabadhaadu kuu keentaana waa nasiibkaa. 30- Muusow adiga hiil kaama sugayo iskumana kaa haleynayo ee waxaan hiil ka sugayaa oo aan isku haleynayaa 97% distoorka u codeeyay. 31-Muuse saaxiibadiisa siyaasada ayuu ku raali gelinayay kalmadaha uu igu weeraray. 32-Laba faras fuulka daba qarar baa laga qaadaa day dayo asaagaa hadaan kuu fasaxay dibad wareegii. 33-Anigu dawladnimada Somaliland iyo qaranimadeeda Xamar iyo Somaliya geyn maayo haddii aad dhamaantiin wada tagtaan Somaliyana anigu waan idinka hadhayaa waxanse idiin sheegayaa in kuwa iga dambeeya ay waxaasi fali doonaan anigase waxa iga goan inaan qaranimadaasi iyo ammaanada shacbigu ay ii dhiibteen aan ku faro adeygo. 34-Wax kasta oo nabadgelyada lagu sugayo xitaa haddii ay kalifayso inaan lacag ku bixiyo nabadgelyada waan iibsanayaa. 35-Raga maanta ku miyir beelay Cigaal waa musuq maasuq oo hantidii qaranka ayuu ku t akri falayaa waligeyba anigu kursi xoolo kama dhaqan xoolo aan u iibiyo mooyee. 36-Raga la leeyahay guri bay ka dhisteen hantidii qaranka waar waxan leeyahay siyaasa da iyo kursiga guri baa loo iibiyaa ee guri lagama dhisto. 37-Kursi aan guryo u iibiyo mooyee waligey kursi aan ku fadhiistay iyo xil aan qabtay gur yo kama dhisan hadana ka dhisan maayo. 38- Nabadeynta shacabka reer Somaliland haddii lacag iyo maal kasta ay ku xidhan tahay isku soo dhoweyntu waxanu ku bixinaynaa nabada laaluush iyo maal kasta oo lagu joojinayo colaada aloosan. 39- Waxa soo bixi doona oo la arki doonaa rag diinta ku soo gabada oo siyaasada u adeegsan doona diin baanu difaacaynaa.
|