SHAHAADO SHARAFYADA  SANNADKA 2010 EE AY BIXINAYSO SH ABAKADDA CAALAMIGA  EE TIMACADE NEWS NETWORK TNN

 

 

Maamuka Shabakadda Caalamiga ah ee Timcade News Network TNN , wuxuu ogeysiinayaa dhammaan shacb ka  Somaliland ee qadarinta iyo sharaftaba naga mudan , in la soo gaadhay gabo gabadii sannadka 2010. Sa nnad walba dhammaadkiisa , waxaa noo caado ah  inaanu bixinno Shahaado Sharafyo  aan ku maamusno, ku na sharfanno , muwaadiniinta wax badan u qabtay  dadkooda iyo Dalkooda Hooyo ,  Somaliland .


Sannadkii  2008 , maamulka , weriyayaasha , qorayaasha iyo Tafatirayaasha shabakadda , ayaa soo xulay m uwaadinkii  sannadka ee 2008  , shahaado sharafna guddoonsiiyey  Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kulmiye , immikana ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, mudane , Dr / Professor Ma xamed Cabdillahi Cumar.
 

Warkaas oo dhameys tiran , halkan ka akhriso  

 

Sannadkii  ku xigay 2009, waxaanu shacabka ka codsannay in ay iyagu soo xulaan muwaadiniinta sannadka, ee dadaalka badan muujiyey,dalka iyo dadkana wax badan u qabtay . Waxaa  ku guulaystay shahaado shar afyadii Sannadkii inna soo dhaafay ee  2009 :

 

 

-Edna Adan Ismaaciil Edna Adan Marternity and Teaching Hospital
-Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland
-Farxaan Xaaji Cali Axmed Mulkiilaha Televisionka  Horn Cable TV

 

Warkaas oo dhameys tiran , halkan ka akhriso  

 

 

Haddaba, waxaanu  akhristayaasha Shabakadda TNN ,  ee qiimaha iyo qadarinta naga mudan iyo dhammaan shacabka karaamada leh  ee reer Somaliland meel walbba oo ay joogaanba,  ka codsanayanaa   inay iyagu s oo xulaan, una codeeyaan muwaadiniinta  iyo shirkadaha  muujiyey dadaal badan , ha noqoto xagga waxtar ka dan yarta, agoonta, kobcinta Siyaasadda Dalkeenna,horumarinta arrimaha bulshada iyo guud ahaanba wi xii karaamo iyo sharafba u soo jiiday Qaranimada Somaliland.

Waxaa iyana meesha aan ka maqnayn  ,inaad soo magacawdaan muwaadinka/muwaadinadda , u qalma /qa lanta, in la guddoonsiiyo Shahaado Sharafta ,  Shaqsiga  Sannadka   ee 2010  ( Person Of The Year).

 


Fadlan noo soo gudbi :


1-Magaciisa oo saddexan
2-Shaqadaa uu qabto
3-Wuxuu Dalka u qabtay sannadkan  2010

Waxaad codkaaga  ku soo hagaajisaa emailkan :  TimacadeNews@Gmail.com
 

 

Muwaadinninta iyo Shirkadaha ku guuleysta Shaahado Sharafta Timacade News Network (TNN) , ee sannad ka 2010 ,  waxaanu soo bandhigi  doona Sannadka cusub , January 01, 2011 , haddii Allaha awoodda lihi  ogo laado.



 

Dhammaan Bahda TNN, waxay idiinka mahad celinaynaa xidhiidhka walaaltinimo ee aad noo fidiseen tan iyo m aalintii dhidibadda loo taagay shabakaddan, kaa soo ku salaysan  ka wada shaqaynta, ilaalinta , horumarinta  iyo  adkeynta Qaranimda iyo Jiritaanka Somaliland , ee lama taabtaanka ah.

 

 

 


Maamulka Timacade News Network TNN

www.TimacadeNews.com
www.RadioTimacade.com
www.Timacade.com
www.Togwajaale.com
www.LongLiveSomaliland.com