SHABAKADA WARARKA EE
TIMACADE NEWS
NETWORK (TNN)
OO SOO QABAN QAABISAY XUS BALLADHAN, OO BAR
OORDIIQ AH,EE GABAYAAGII WEYNAA EE CABDILLAHI
SULDAAN MAXAMED (TIMACADE),OO AY
37 SANNADOOD KA SOO WAREEGTAY
GEERIDISII
 

Hargeysa (TNN)
:-Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad
guuradii 37aad ee ka soo Ware egtay Geeridii Abwaankii Wayn aa Alle ha
u naxa riistee C./laahi Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay
Hotel
Emperial ee Magaalada Hargeisa.
Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabisay Shabakada Wararka ee
Timacade
News
Network (TNN)
,ayaa wax aa ka soo Qayb galay, Seddexd a Xisbi
Qaran,Wasiirro, Abwaano,Qorayaal, Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinya ro
iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.
Ugu horayn Waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah
ee Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si Qoto dheer uga hadlay Taariikhda
iy o Suugaantii Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waxaa uu She egay In
C/laahi Suldaan sanadkii 1973-gii ku Geeriyooda Magaalada K alabayd
oo dhinaca galbeed ka xigt ay Mag aalada Gabiley “waxaan Xasuustaa C/laahi
Suldaan wuxuu yaalay wakhtigaasi Tuulada Galoolay, Xaaskiisa Ardo
Qa linle Alle ha unaxariistee ayaa noo timi Dhawr iyo Tobadan cisho
ka hor, Markaasay tidhi ‘odaygii Xa alkiisu wuu xunyahay, maalmahaas
halkaasaan joogay, C/laahi Suldaan kansar baa kaga dhac ay Cunaha oo
Dalooliyay” ayuu yidhi Boobe yuusuf Ducaale.
Boobe waxaa uu ku dheeraaday Shaqsiyada C/laahi Suldaan Timacadde
iyo Suugaantiisa waxaanu Halkaa si ka tiriyay Maansadii labad ee C/laahi
Suldaan Timacadde uu tiriyo.
Nimco Muxumed Ibraahin oo ah Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada
ee Timacade News Network (TNN) oo
madashaasi hadal kooban ka
jeedisa y ayaa faahfaahin ka Bixisay Taariikhda Shabada Wararka ee
Timac adde oo soo Qaban qaabisay Xuska Sanad guurada 37aad ee Alle ha
u naxariist ee C/laahi Suldaan Timacad de waxaanay ka warantay
heerarkii kala duwanaa ee Shabakaddu soo martay, Iyada oo Xustay in Dhawaan dib u ha bayn lagu sameeyay oo Loogu
magac daray Abwaanka Wayn
ee C/laahi Suldaan Timacadde.
Nimco waxay kale oo ay xustay in aanay
noqon doonin markii ugu
horaysay ee shabakadu Qabato Xuska Ab waan C/laahi Suldaan balse ay
joogta yn doonaan, taasi oo ku tusaysa kaalinta uu ku lahaa Suugaanta
Som alida.
Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo isaguna Halkaasi ka hadlay ,
waxaa uu ka waramay Suugaantii C/l aahi Suldaan Timacadde iyo
kaalin tii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida..
Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo ka waramay Suugaantii C/laahi
Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida{C/laahi
Suldaan Timacadde ayaa waxa uu yidhi “ Waa Abwaanka Kaliya Ee Maanta
Idfaal Lagu Yahay.,Qofka kalliya ee Soomaali Heshiisku Tahay Waa
Abw aan Timacadde,Walaa Siyaas ibaan Heshiis Lagu Ahayn, Walaa
Halgamaabaana Maanta Heshiis Lagu Ahayn,Walaa Sheekh baana Heshiis
Lagu Ah ayn.,Lakiin C/laahi Suldaan Timacadde Qofkasta Oo
Soomaaliyeed Ixtiraamgaar ah ayuu u hayaa” ay uu yidhi Axmed Aw geedi
Waxaa isaguna Madashaasi ka hadlay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed
Ibraahin Warsame (Hadraawi)- wa xaana uu halkaasi ka jeediyay Maanso
la yidhaando Hal-Abuur oo uu kaga hadlayay Qiimaha uu hal ab uurku
leeyahay.
“Waxaa ina kulmiyay Cabdillahi Suldaan Timacadde, Xaaladan oo kale
marka laga hadlayo Qofkii dhintay la xusayo, qofna qoysbaa xusa,
Nin na Qara n baa Xusta, Malaha Caawa Cabdillahi Suldaan Timacadde waa
loo dhan yahay” ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Ibraahim
Warsame (Hadraawi)
Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo iyaduna
hadal kooban
Munaasibaasi ka jeedisay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay
Xuska loo sammeeyay Aabaheed, Maryan waxay ka hadashay Taariikh
nolol eedkii a abeheed intii ay ka soo gaadhay iyada oo Boobe yuusuf
ducaale ku amaanta kaalina uu ka qaatay soo urur inta Taariikhda
aabeheed.
Maryan C/laahi Suldaan waxay ku Canaanatay Xukuumada maanta jirta in
Looga Baahanyahay Dadka qiima ha Wayn ku dhex lahaa Qaranka iyo
B ulshada Reer somaliland oo uu ka mid ahaa Abeheed in Dadkii uu ka ta gay wax loo qabto, iyada oo tilmaantay in 41 qof ay ka joogaan
tafiir C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay si gaar ah usoo qaadatay
Afar wiil oo ay hooyo u tahay oo ku sugnaa Madasha in Dawladu
usha qaalaysiiso.
Guddoomiaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo isaguna Xuskaasi ka
jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Timacadde uu ka soo qayb
qaat ay halgankii Dalka kaalin muhim ahna uu kaga jiray.
Gudoomiyuhu waxaa uu balan qaaday in dadka dalka usoo halgamay iyo
inta Qiimaha leh ee ka baxday ay Ub adkooda wax uqaban doonaan hadii
ay ku guulaystaan Doorashada soo socota oo ay hooska ka xariiqi
doo naan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ahna ku simaha
Xisbiga Aaden Maxamed Mire (Waqaf) iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga
Somal iland Abiib Xasan Fil Fil, waxaanay ka warameen kaalintii wax
ku oolka ahayd ee uu Ummada kaga jiray iyaga oo sheegay in uu ahaa
Haylyay Somali yeed oo qiimo Ummada Qiimo w ayn ku dhex lahaa. Waxa ay
xuseen in loo baahan yahay in Dadkii uu ka tagay la wanaajiyo oo wax
loo qab to.
Waxa madasha Shahaadooyin lagu guddoon siiyay Dadkii ugu wax qabadka
badnaa Sannadkii ina dhaafay ee 2009. kuwaasi oo isku jiray Ab waano,
Salaadiin, Qorayaal, Ururo Bulsho iyo Shaqsiyaad kale oo Muhim ah.
Salaadiinta la guddoon siiyay Shaadooyinka:
1. Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan
2. Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Suldaan Cabdillahi iyo
3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed
Abwaanada la guddoon siiyay Shaadooyinka:
1. Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin
2. Abwaan Xasan Daahir (Weedh-same) iyo
3. Abwaanad Deeqa Xasan Axmed
Qorayaasha guddoon siiyay Shaadooyinka:
1. Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe)
2. xasan Cabdi Madar iyo
3. C/raxmaan Cabdillahi Faarax(Barwaaqo)
Seddex Shaqsi oo ku guulaystay Qiimayn uu sameeyay website-ku
sanadkii 2009:
1. Guddoomiyaha Golaha Guurtida
Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden
2. Maamulaha Cisbitaalka Edna ee Hargeisa
Drs. Edna Aden Ismaaciil iyo
3. Mulkiilaha Telefishanka Madaxa banana ee Horn Cable Tv
Farxaan Xaaji Cali Axmed
Madaxa Horn Cable TV
Ururada Bulshada ee Shahaadooyinka la guddoon siiyay:
1. Ururka Mutadawaciinta Havayoco
2. Ururka Gargaarka Masaakiinta Xaafada Xawaadle
3. Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo iyo
4. Naadiga Akhristayaasha Hargeysa
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe future)
Timacade News Network (TNN)
timacadenews@hotmail.com
Mobile: 002522-4423109, 002522-4423021
Line: 252-2521153
Hargeisa/Somaliland
|