Seddex Cadaw oo Camal tiray Curdin badan: Cagaf Qooqan, Cudud Qalafsan, Caqli Gaaban. Faallo: Wariye Mustafe Future


 




Damiirka Bani aadamku waxa uu Damqadaa marka uu Milicsado Masaakiin Cudud ka Awood Bani M uquuniso, waxaanu ka dhiidhiyaa Dhibaato kasta oo Waxyeelo u keeni karta Danyarta taagta dara n ee ubadan Maxaysato iyo Muruqmaal nolol Maalmeedka ka ritay Agagaarka Suuqyada.

Qof kasta oo ka Ag-dhawaa Hawlgalkii Dawlada hoose ku Baneeyeen qaar ka mid ah Jidadka Maga alada hargeisa labadii Maalmood ee ugu Dambeeyay waxay indhihiisu Qabteen Cagaf Qooqan oo C agta marisay Meherado badan oo Maati danyar ahi ka xoogsan jireen kuwaasi oo aan loo Aabo ye elin hanti wixii ay haysteen laguna daray Xashiishkii Cagaftu ku Guraysay Baabuurta Shaanbooy ada ah ee lagu Banaynayay Jidadka Magaalada Hargeisa.

Ma jirto Cid ka hadashay Khasaaraha Dhabta ah ee uu Gaystay Hawlgalkii Dawladaha Hoose iyo W asaarada Arimaha Guduhu iska kaashadeen marka laga Reebo Maayarka Hargeisa oo ku Tiiqtiiqsad ay Masaakiinta Hantidoodii la burburiyay isla markaana ugu Baaqay inay ka Baxaan Faras Magaala ha.


Caqliga Saliimka ahi waxa uu dhigayaa in Nabad galyo wax lagu Xaliyo oo aan Maatida Loo Adeegs an Cudud Qalafsan oo Caydhisay Muruqmaal iyo Masaakiin badan oo Nolol maalmeedmooda ka raa dsada Agagaarka Wadooyinka, kuwaasi ay ahayd Xukuumadu inay Talaabo nabad galyo ah ku Dha mayso Arinkooda isla markaana ay u jiheeyaan Dariiq cad oo la isku waafaqsanyahay oo ay kala s oo bixi karaan quutal daruuriga, Waxaa lama ilaawaan ku Noqotay Qof kasta oo ku dhawaa hawlgal kii doraad Arxan darada Xukuumadu ay shacabkeeda kula kacayso iyo maangaabnimada lagu Dilay Muwaadin Xoogsanaya oo aan waxba galabsan taasi oo ay waliba hore u jirtay in Marxuumka Wal aalkii la sheegay in ay Dawlada hoose hawl gal ugu dishay.

Ma xuma in Bilicda Magaalada laga Wada shaqeeyo balse waxaa Xaaraan ah in Dhiiga Shicibka la d aadiyo oo la burburiyo Hantida masaakiin aan ka soo kaban Karin waxyeelada loo gaystay, arintaa si oo niyad jab ku ah Shacabka Reer Somaliland ee Awooda loo Adeegsaday isla markaana Xasuusi naysa Hadimooyin badan oo shicibka Reer Somaliland kala kulmeen dawladihii soo maray.

Waxaa is waydiin Mudan Maxaa Sababay in hawl gal kasta oo Xukuumadu Fuliso Dhiig ku daato? Maxaa sababay in Hawlgal kasta Rabshado ka dhacaan Shacabkana Qori loo isticmaalo? Maxaa Sa babay in Xukuumadu Hanan waydo dadwaynihii soo doortay ee ay u Ajiibi waayeen Amarada ka s oo baxa Xukuumada?, Waxaa is waydiin leh in Caqli Saliim ah lagu Jaangooyo Siyaasada lagula Dha qmayo Bulshada taasi oo aan keenayn Hadimo iyo hantaaq midna.

Meeqaamka Nololasha Bulshadu marba meel ayay taagantahay Xukuumad kastaana waxay la jaan qaadaa Heerka Wacyiga Bulshadeedu taaganyahay, waxaana Mudan in Masuuliyiinta Waayuhu w ax baro maadaama oo ay soo mareen Marxalado siyaasadeed oo kala gedisan.


Arintan ayaa u muuqanaysay in Dhiiga Muwaadiniintu aanu Qiimo badan ka lahayn Xukuumadda A gteeda maadaama oo Hawl gal kasta ay inagaga dhimanayaan Da,yar aan Waxba galabsan oo Gac an dawladeed ku dhimata isla markaana ay ka samri waayaan Qoysaskii uu ka soo jeeday Muwaa dinkaasi.


Xawaaraha xukuumadu Xal buu u baahanyahay lagu Jaangooyo Habdhaqanka Bulsho, Haddii Bilic la rabo Sharcigu yaanu Qaban Masaakiinta aan Awooda lahayn ee Ha qabto Maalqabeenada iyo Wasiiradda Hadh iyo habeen Boobka ugu jira Danta guud, haddii jid la banaynayona ha loo sinaado sharciga oo yaan loo kala aabo yeelin Madax iyo Mijoba.

Isku soo wada duuboo Dawladu waxay Dawlad ku Tahay Shacabkeeda, Hanashada Bulshadana Ha dimo ma keento ee Hawlgaladda la fulinayaa yaanay Noqon kuwo galaafta danyarta iyo Muwaadin ii ta waayuhu wadooyinka dhigay ee aan Ceelna u qodnayn ciddina u maqnayn, Sharciguna yaanu Noqon mid Lagu Guulwadeeyo oo Cid gaar ah Qabta, Dawlada Siilaanyona Degdeg badan baa ka m uuqdee Dib ha u eegto Falalka Maalin laha ah ee ay Fuliyaan Masuuliyiinteedu iyo Saamaynta ay ku yeelan karto Bulshada ku Xeeran, Haddii kale waxa dhici doonta iska hor imaadyo ka Hawl badan kuwa Maanta dhacaya kuwaasi oo wiiqi kara Qaranimada iyo xornimada labaatan jirsatay ee Somaliland ku caana maashay.



 

 

 

Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa Somaliland