WAXA JIRTA SIYAASAD DAL KASTA KA XOOG ROON OO AY WATAAN REER
GALBEEDKU AMA UN-TU, CISMAAN KALUUNA SAFARKIISU MUU AHAYN MID CIDI
HOR ISTAAGI KARTO.

SALAAN QIIMO BADAN IGA GUDOOMO SHACBIGA
SOMALILANDOOW.
Horta aduunyadan aynu ku nool nahay qoomiyadaa ku noolo isku
Siyaasad maaha, isku dhaqaale maaha, isku Technology maaha, isku
cudu military maaha waa lakala itaal roon yahay. Hadaba waxa jirta
oo aan ahayn wax laysku hawlo in laga hadlo wixii Awoodaada
dhaafsiisan ama aanad waxba ka ogayn.
Aan sii bayaamiyee, waxa Bilo ka hor Dawlada Maraykanku soo
bandhigay in Somaliland iyo Puntland isku si l oosiiyo ama loo
gaadhsiiyo dhaqaalaha ay u fidiso Beesha Caalamku. Arintani waxay
ahayd arin lagu walaala ynayo labadan la magaacabay. Intaas
waxaan ku darayaa in Xukumadan Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoom
iye Faysal Cali Waraabe ay soo dhaweeyeen qorshahan uu soo bandhigay
Maraykanku taasoo macnaheedu yahay in ay Bilaydh wax ku wada cunaan
laba dal oon isku Cimri ahayn waa Somaliland oo 1950 ahayd Dal la
aqoonsanyahay iyo Puntland oo la aasaasay 1998. Muwaadin bal
dhadhami sida arintani ay tahay oo dib isu gu noqo! Qorshahani
wuxuu ahaa bilawgii Federalismka ama rumayso ama ha rumaysan.
Arinkan iminka Websites-kii Somaliland mashquuliyay ee daaran
imaatinka Cismaan Jaamac Cali (Kaluun) waa wax ku socda qorshe laga
baaraan degay oo Dawladeenuna ka war-qabto kana dharagsantay, sidii
Af-haye enka UDUB Mudane Cali Guray sheegayna Cismaan Kaluun dee waa
nin muwaadina oo markasta wuu iman kar aa waliba si maamuus
leh ayay Dawlada iyo Madaxweyne Siilaanyana u qaabileen! Mida
sadexaadna waxay tahay, sidii Madaxweynuhu sheegay intii aanu noqon
Madaxweynaha Siilaanyo: Qof kastaa fikirkiisa waa u x or balse
wixii Somaliland ku deel qaafa qaadan mayno, wixii inaga xoog badan
ee siyaasad ah, ee lagu maam ulo wadamo inaga xoog badan, dee
ma hor istaagi karno MADAXA MEEL KA SARAYSA OO LA TAABTAA MA JIRTO,
wax aynaan ka war-qabin meel ay ka socoto iyo meel ay u socoto wax
aynu ka odhankarnaa ma jirto, hadiiba aynu isku dayno inaynu dhex
galnana waa MALA-AWAALUUN IYO JAAN-JAANIMO WAXA LAGA DHA
XLAYAA.
Markaan hadaba u fiirsado wufuuda uu u horeeyo Siyaasiga Weyn ee
Cismaan Kaluun iyo Nimanka Federalka aaminsan ee imanaya wadanka,
markaan caqligayga la kaashaday waa wax ay dawlado iska arkeen oo ah
si yaasada ay ka dambeeyaan Reer Galbeedka iyo Maraykanku. Midbaana
xusud mudan taasoo ah: inaynu maa nka ku hayno in Aduunyadan
laysu taliyo oo ay jiraan Dawlado Quwad leh (Ilaahaybaa Quwad lehe)
dhaqaale iyo siyaasadna Cudud wayn, oo wax maamula iyo Dawlado
iyaguba dhaqaale iyo siyaasadba buuran balse la maamulo. Arinkayga
macnahiisu maaha waa layna maamulayaa laakiin togba taagtiisuu
rogmadaaye, Dawl adan Somaliland ee hada jirta wax badan iskama
qaban karto mana difaaci karto imaatinkan Cismaan Kaluun iyo Kuwa
soo socdaana waa wax ka awood roon siyaasada Somaliland. Xukumada
haloo dhaafo arimahan oo kale Salaamu Calaykum.
F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu
isku ognay Akhristayaal.
SANWAA
CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com |
|