Sannad-guuradda
21-naad ee ka soo wareegtay Xasuusqii xeebta Jasiira (1989)

Warbixin murugo badan xambaarsan oo uu diyaariyey Khadar Xasan Cali
Jamhuuriya London
London ,July 17,2010 (TNN)-Maalinta Sabtida ah ee 17-ka July, 2005
waxay ku beegan tahay sanadguuradii 21-naad ee ka soo wareegtay
xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii
1989.
Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha
dadka reer Muqdisho w ax weyn ka beddeshay, kadib markii ay
foodda isla galeen dad mudahraadayay oo ka soo bax ay
salaaddii Jimcaha (Masjidka Sheekh Cali Suufi) iyo ciidamadii
koofiyad casta ah ee ka amar qaaday jiray talsikii dhiigyacabka ahaa
ee Siyaad Barre, halkaas oo askartii Siyaad Barre ay si arxan-darro
ah rasaas ugu fureen, waxana lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidammada
booliska, taas sababatay in bandoo lagu soo rogo Xamar.
Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafadda Hodan oo degaan
u ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay
bartilmaameed u noqotay ciidamadii Koo fiyad casta ahaa ee ka
amar qaadan jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax, kuwaas oo
saqdii dhexe habeenkii bishu ahayd 17-ka 1989kii weerarro ku qaaday
xaafado ka mid ah deg aanka Medina iyo Hodan.
Askartaasi waxay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa
dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan
ka soo jeeda beelaha Isaaqa. Dadkaas oo isu gu jiray caruur
dhigata dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda
jaamacadda, waxgarad, odayaal iyo ganacsato, waxana sida la sheegay
ciidankaas qabqabtay nin ay isku hayb ahaayeen Siyaad Barre oo la
yidhaa Col. Canjeex. Dadkaas ayaa markii la ururiyay loo qaaday
dhanka xeebta Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta
qoriga baroonka ka dhacda lagu furay.
Haddaba, waxa mucjiso noqtotay, kadib markii uu xasuuqan daah furay
Cumar Muuse oo Illaa hay ka badbaadiyay falkan arxan-darrada
ahaa, taas oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre, wax ana ka dhashay
khilaaf soo dhex galay taliyihii ciidanka booliska iyo xukuumaddii
Afweyne. Waxa kaloo ay dhacdadani fajaciso ku abuurtay
diblomaasiyiintii ku sugnaa magaalada Muqdis ho oo dareen adag
ka muujiyay dhacdadan aragagax leh.
Cumar oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen habeenkaas, ayaa yidhi;
“Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u
jirtay, halkaas oo ay joogeen ciidamo kale oo koofi yad cas
ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey.
Waxaan mark aa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaas oo
kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan iyo
midkale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori baroonka ah.
Waxa uu intaa ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii
la geeyay xeebta Jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si
arxan-darro ah rasaas loogu furay, waxaannu isagoo ar rimahaas
sharraxayey yidhi; “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano.
Intaa kadib koox-koox ayaa nalooga daadajiyey carrada tuulan
korkeeda iyadoo shan-shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta
hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo. Haseyeeshee, maa naan
maqal wax dhawaaq ah. Waxaan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa
ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu,
Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaa h'."!!! "Si
isdabajoog ah ayaa naloogu caga-juglayanayey, waxan maqlay rasaas.
Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa
qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado
buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca
iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood
ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad
qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."
"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan
dhulka saaray anigoo a teero ku jira ilaa intii rasaastu
socotay. Hal xabbo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garab ka
bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudo
galeen inay dadkii eeg aan si ay u hubiyaan in dhammaantood
naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabbo ayey laabta kaga
dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay
gacmahooda mayd ka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo
badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay
dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi
badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu
yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi 'waar
ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakar aadka
weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay
aasin waayo wey deg degsanaayeen Cumar oo wakhtigaa 25 jir
ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaannu ka mid ahaa 47
kaas ruux ee ay askartii faqashtu ku xasuuqeen xeebta Jasiira,
nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay, inkastoo gebi
ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin,” ayuu yidhi Mr.
Cumar oo wejigiisa laga dareemayey murugo aad u weyn.
Illaahay ha u naxariisto dadkaas la gumaaday waxa kaliya ee loo
aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo
xukuumaddii xilligaasi ugu talogashay in ay tirtirto, balse dhanka
Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldarraysatay, kuwii falkaa
geystayna inta ka had hay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo
walaac markay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen, waxana
hubaal ah in sida dhagarqabe Gen. Cali Samater dacwadda loogu soo
oogay maalin maalaha ka mid ah iyagana lagu soo oogi doono
xadgudubyada xuquuqda insaanka ah ee ay geystee.
Haddaba, xasuuqani wuxuu qayb ka ahaa fallalkii isir nacaybka iyo
aargoosiga ahaa ee ay xuk uumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn
jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer
Somaliland marka ay ciidamdkoodii naf la caaridka ahaa u babac
dhigiwaayaan xabbadda kulul ee mujaahidintii SNM. Dhammaanba intii
ku geeriyootay xasuuqyadaasna waxaanu Illaah ay uga baryaynaa
in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta
dana ysa damiirka dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay
u hawlgalaan sidii maxkam ad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka
dambeeyay fallkan arxan-darrada ah.
Maadaama ay tahay sannadguuradii ka 21-naad ee ka soo wareegtay
habeenkaas madow waxaynu xasuusan doonaa magacyada Allah ha u
naxariistee dadkii ciidammada Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta
Jasiira ee magaalada Muqdisho:
1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-Somali Republic
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie(H.Y)Businessman
3.Mohamed Ismail Ahmed(H.Y) Businessman
4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID
5.Saeed mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Matan Abdi Habashi( Arab)Student
13.Mohamed mohamud Abdi(H.Y) Businessman
14.Ali Mohamed Abdi(H.A) Student
15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician
17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman
21.Hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader
24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein(C.G) Trader
26.Mohamed Musa Mohamed(H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent
33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A)student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Jama (H.A)Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)
53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)
54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
58.Rashid Mohamed Osman (H.A)
59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.
Source: Jamhuuriya Online
|