Munaasibad Lagu
Xusayay Sanad Guuradii 9-aad Ee Ka Soo Wareegtay Geeridii Marxuum
cigaal Oo xalay Lagu Qabtay Hargaysa
waxaan dawlada ka codsanayaa in lacagta Somaliland ee la soo
daabacayo lagu soo sawiro.. Marwo Kaltuun X Daahir.
Hargeysa(TNN)-munaasibad Balaadhan oo lagu xusayay Madaxweynihii
hore ee Somaliland Marxu um Maxamed X.
Ibraahium Cigaal ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee
Magaalada Hargey sa.
Munaasibadan oo ay soo qaban
qaabisay marwadii Koowaad ee Cigaal waxa ka soo qayb galay
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Marwadii Kowaad ee Madaxweyne
Cigaal, marwada koowa ad ee Madaxweynaha Somaliland, Madaxda
Asxaabta Qaranka, xubno ka mid ah Golaha Wasiirad da, Xildhibaano ka
kala tirsan Labada gole ee Baarlamanka Somaliland, qaar ka mid ah
Wasiiraddii Xukuumadii hore, Qorayaal, aqoonyahano, Salaadiin iyo
Marti sharaf kale oo tiro badan, kuwaas oo Marxuumka Taariikhdiisii
iyo aqoontii ay u lahaayeen halkaasi siyaabo kala duwan ugu soo ban
dhigay.
Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X.
Ibraahim Cigaal,Marwo kaltuun xaaji daahir,
oo iyana Munaasibadaasi ka hadashay ayaa codsatay In Lacagta cusub
ee dhawaan la soo daabacayo lagu soo sawiro Sawirkii Madaxweynihii
hore ee Somaliland Marxuum Cigaal,iya da oo Xukuumadda ka codsatay
in Codsigaasi loo tixgeliyo, isla markaana lacagtaasi Sawirkiisa la
gu sharfo “ waxaan dawlada ka codsanayaa in lacagta Somaliland ee la
soo daabacayo lagu soo sawiro Sawirkii Madaxweyne Cigaal oo lagu
sharfo intaasi”ayay tidhi marwo kaltuun.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal ,waxa
kale oo ay Bulshada Reer Somaliland, Daneeyayaasha in la furo
Ururada Siyaasada iyo cida ka soo horjeedaba ugu baaqday inay
aqbalaan natiijada ka so o baxda Guddida talo bixinta ee hawshaasi
lagu aaminay.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/lahi
Ismaaciil (Saylici ) oo ugu horayn Xaflada asi ka hadlay ayaa
sheegay in Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal dhidibada u taagay
haykalk a Dawladnimo ee Somaliland hada ka jira, isla markaana ahaa
Madaxweynihii taaba galiyay Qarani mada iyo Nabadgelyada Umadda Reer
Somaliland ku naaloonayso maanta, taasoo uu sheegay in loo
baahanyahay in lagaga daydo,isaga oo tilmaamay in lagu soo sawiro
Lacagta Cusub ee la soo daabacayo si loogu xusuusto Marxuumka,isla
markaana ay Taariikhdiisu u noqoto mid muuqata oo aan qarsoonayn.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo guriyaynta Xukuumadda madaxweyne
Riyaale ayaa isna she egay in marxuumku ahaa Madaxweynihii Qaranka
Somaliland nabada maanta la dugsanayo Aaba ha u ahaa, aasaasayna
nidaamka Xisbiyada badan iyo Dimuquraadiyada Somaliland ka jirta
hada,i saga oo tilmaamay in loo baahan yahay in lagu daydo marxuumka
oo Xukuumadda talada haysaa aanay ka gudbin nidaamkii ay uu dejiyay
iyo dariiqii uu umadda Somaliland u jeexay.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
,ayaa isaguna Munaasibadaasi ka sheegay in M arxuum
Maxamed Xaaji Ibaarim Cigaal ahaa
Aabihii Nabad iyo Qaranimada Somaliland,jirina
cid ka le oo maanta la bar bar dhigi karaa.
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland
|