Sallaan iyo mahadnaq


 

 


Anigoo ku hadlaya afka gudoomiyaha xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka {Ucud}Eng-Faysal Cali XUssen}
oo hadda ku sugan Dalka Filand ka dib markaanu khadka telefonka ku wada xidhiidhnay waxan idiinka
sidaa Sallan iyo mahadnaq ballaadhan oo uu idiinsoo gudbinayo haddii aad tihiin bulsho weynta
reer Somaliland ee ku dhaqan Dalkan Nederland
waxanu yidhi gudoomiyuhu waxan la ilaawi karin sidii diiranayd ee ay ka maqnayd qabyaalada iyo kala
qaybsanaantu ee aad noogu soo dhaweyseen dalka aad degentihiin waxan idiin rajeynayaa inad halkaa
kasiiwadaan dadaalka iyo isku duubnida aad wadaan
taasoo sharaf weyn innoo ah haddii aynu nahay bulshada reer Somaliland ee dalkan Holland
tani waxay noqonaysaa taariikh lama ilaawaan ah oo baaqi ku noqota quluubteena iyo maskaxdeenaba
waxana ay inatusaysaa in xisbigani inaga xigo xisbiyada kale ee dalkii ka jira maadaama uu yahay
xisbiga keliya ee inoo soo bandhigey waxqabadkiisa intuu inoogu yimid wadankeena
Innaguna waxan hadiyad uga dhigeynaa Heestan oo soo baxday 29/09/2012
-xisbigii dalkeeniyo
cadligiyo daryeelkow
haddaan laysdafirahayn
dambi loo badheedheyn
daacad iyo waxaadtiin
dalka horumarkiisee
Bulshadii doraatee
duurxulkiina aan garan
maanta way dareentoo
dhammaan soo digarogtee
kolhaddaad daboosheen
goldalooladii shallay
daacaddii ilaahay
doorkiini weeyee
daadihiya maatada
-waxa loogu deexdee
loogu digaroganayaa
doodiina hadalada
damqashadu ku ladhantahay
anna daymadaydii
qofhadduu dadaaluu
uu ka daahiryahay xumo
quraankana dalliilshoo
diintana ku wacanyahay
inladado mafiicnee
faysal waa dunwacanoo
udamqadda dhulkeenee
hubka cadawga lagu duro
iyo diric halyey oo
danta guud u heegana
waxna taadaliil u ah
raguu doorkan xulayuu
uga degey xilkiisii
waa niman haldooroo
aqoondurugsan haystoo
xigmad dihina lagu hubo
dumerkiyo caruurtiyo
danyartuna ay jeceshahay
bulshadeenan dibadee
dalkan holland joogtaa
dadaalkiyo waxqabadkaas
ucud doorkan keentee
ku daabacan qorshaha guud
waa inaan dareenoo
taageerada ku deeqnaa
wabillaahi tawfiiq

 


M M Eleye{Suweys}
From Nederland